Israa’iil kuma jiidin Maraykanka dagaalka Iran - Benjamin Netanyahu

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu doonayo inuu meesha ka saaro “warar been abuur ah” oo sheegaya in Israa’iil ay Maraykanka ku jiidday colaadda Iiraan.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Netanyahu ‘’Waan qaadanay codsiga Trump ee joojinta weerarrada xarumaha gaaska’’

    Netanyahu mar wax laga weydiiyay haddii Israa’iil ay u sheegtay Donald Trump weerarkii dhawaan ka dhacay xarumaha gaaska ee Iiraan. Waxa uu yiri: “Israa’iil waxa ay qaaday tallaabadaasi iyada oo kali ah”

    “Madaxweyne Trump wuxuu naga codsaday inaan ka fogaanno weerarrada mustaqbalka, annagana sidaas ayaan samaynaynaa,” ayuu intaa ku daray.

    “Waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in dowladda laga tagayo,” ayuu yiri.

    “Waxaan ka shaqaynaynaa sidii loo abuuri lahaa xaalado keeni kara burburkeeda, laakiin waxaa dhici karta inay sii jirto ama aysan sii jirin,” ayuu sii raaciyay.

    Wuxuu intaa ku daray in haddii nidaamkan uu badbaado, uu ahaan doono “xilli uu yahay mid daciif ah.”

    WARAR DHEERAAD AH

  2. War deg deg ah, Mareykanka oo sheegay inuu burburiyay Warshadda Gantaalada Iiraan

    Ciidamada taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay inay burburiyeen warshad gantaalada masaafada dheer ee ay maamusho dowladda Iiraan ee ku taalay Karaj.

    Warshadan ayaa loo isticmaali jiray in lagu isu keeno gantaalada baalistikada ah ee khatarta gelin kara Mareykanka, dalalka deriska ah iyo maraakiibta ganacsiga,” sida ay sheegeen taliska dhexe ee Maraykanka.

    WARAR DHEERAAD AH

  3. War deg deg ah, Iiraan oo toogatay feeryahan 19 jir ah iyo cabburinta mudaharaadayaasha oo sii socoto

    Kahor inta uusan dagaalku qarxin, hoggaanka Iiraan ayaa wajahay dibad-baxyo ka dhashay qiimaha nolosha ee sare

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kahor inta uusan dagaalku qarxin, hoggaanka Iiraan ayaa wajahay dibad-baxyo ka dhashay qiimaha nolosha ee sare

    Iiraan ayaa dishay xubin dhalinyaro ah oo ka tirsanaa xulka qaranka feerka, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay mudaharaadyo ka dhan ah nidaamka, sida ay sheegtay CBS News oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka.

    Ka hor inta uusan dagaalku ka qarxin Iiraan, ka dib weerarradii Maraykanka iyo Israa’iil ay qaadeen 28-kii Febraayo, mudaharaadayaal tiro badan ayaa waddooyinka ku soo baxay. Dibadbaxyadani waxay kasoo horjeedeen qiimaha nololeed ee kor usii kacaya, iyo sidoo kale nidaamkakii Ayatollah Ali Khamenei ee markii dambe la dilay.

    CBS ayaa sheegtay in Saleh Mohammadi, oo ka tirsanaa kooxda feerka ee Iiraan, la dilay Khamiistii kadib markii lagu eedeeyay inuu dilay saraakiil boolis ah intii lagu jiray mudaharaadyadii Janaayo.

    Mohammadi oo hadda 19 jir noqday ayaa lala dilay laba qof oo kale.

    Ururka samafalka ee Amnesty International ayaa ku baaqay in la joojiyo fulinta xukunka dilka, iyagoo sheegay in Mohammadi iyo mudaharaadayaasha kale ee la eedeeyay ay mareen “maxkamado degdeg ah oo aad u cadaalad darro ah.”

    WARAR DHEERAAD AH

  4. War deg deg ah, Shirka jaraa’id ee Netenyahu – Qodobadda ugu muhiimsan

    Bejamin Netenyahu

    Xigashada Sawirka, GPO

    Qoraalka sawirka, Benjamin Netenyahu

    Shir jaraa’id oo uu qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa taabtay mowduucyo kala duwan. Halkan waxaa ku kooban qodobbada ugu muhiimsan:

    • Iran “way ka tabar yar tahay sidii hore oo dhan,” ayuu yiri Netanyahu, isagoo sheegay in dalka uusan hadda lahayn awood uu ku kobciyo Yuraanyoom ama ku sameeyo gantaallo ballistic ah.
    • Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaruhu ma uusan bixin wakhti cayiman oo dagaalku ku dhammaanayo, isagoo sheegay inay qaadan doonto “inta loo baahdo” — balse wuxuu xusay inay dhici karto inay ka degdeg badato sida dadku filayaan.
    • Saddex yool ayaa loo dejiyay howlgalka wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israel:

    In laga saaro khatarta nukliyeerka ee Iiraan - In laga saaro khatarta gantaallada ballistic-ga ah iyo In la abuuro xaalado u saamaxaya dadka Iiraan inay “helaan xorriyaddooda”

    • Isagoo doonaya inuu meesha ka saaro “warar been abuur ah,” wuxuu ku adkaystay in Israa’iil aysan Maraykanka ku jiidin dagaalkan — isagoo sheegay in Donald Trump uu go’aannadiisa gaaro kaligiis.
    • Wuxuu sheegay in “Israa’iil ay kaligeed tallaabo qaadday” weerarkii dhowaan lagu qaaday goob gaas oo ku taal Iiraan, isla markaana Trump uu ka codsaday inay “hakiso weerarro mustaqbalka ah.”

    WARAR DHEERAAD AH

  5. War deg deg ah, Netanyahu: “Shacabka Iran haka faa’iideystaan xaaladda aan u abuurnay”

    Shir Jaraa’id oo uu qabtay ayaa Netanyahu ku sheegay inay jiraan kala qaybsanaan iyo xiisado gudaha ah oo ka dhex jira hoggaanka sare ee Iiraan, isaga oo intaas ku daray in “awooddii iyo xakamayntii” uu lahaa hoggaamiyihii hore aysan “cid kale u wareegi doonin.”

    Wuxuu sheegay inay arkeen dildilaacyo ka dhex muuqda nidaamka Iiraan, isla markaana “haddii ay si ku filan u sii kala jabto,” uu u maleynayo in “nidaamku isbeddeli karo. Ma la hubaa? Maya.”

    “Waxay ku xiran tahay shacabka Iiraan” inay ka faa’iideystaan xaaladaha ay Israa’iil abuurtay, ayuu yiri.

    WARAR DHEERAAD AH

  6. War deg deg ah, Israa’iil kuma jiidin Maraykanka dagaalka Iran - Benjamin Netanyahu

    Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu doonayo inuu meesha ka saaro “warar been abuur ah” oo sheegaya in Israa’iil ay Maraykanka ku jiidday colaadda Iiraan.

    “Ma jiraa qof dhab ahaantii u maleynaya in uu u sheegi karo Donald Trump waxa ay tahay inuu sameeyo? ayuu yiri.

    Wuxuu intaas ku daray in Trump “mar walba go’aannadiisa ku saleeyo waxa uu u arko inay u fiican yihiin Ameerika” iyo “jiilalka mustaqbalka.”

    Sidoo kale akhri:

  7. War deg deg ah, Israa’iil oo shaacisay saddex qorshe ay ka leedahay dagaalka Iiraan

    Benjamin Netanyahu ayaa sharaxay saddex hiigsi oo dagaalka Iran ay ka leeyihiin.

    Waxa uu sheegay in Maraykanka iyo Israel ay si wadajir ah uga shaqeynayaan arrinta Iiraan ayna leeyihiin “go’aan adag”.

    Netanyahu ayaa tilmaamay saddexda yool ee Israa’iil ay kala yihiin:

    • In la tirtiro khatarta nukliyeerka
    • In la tirtiro khatarta gantaallada ballistic-ga ah (iyo in labadan khatar la baabi’iyo ka hor inta aan si qoto dheer dhulka hoostiisa loogu aasin oo aysan ka badbaadin weerarrada cirka)
    • In la abuuro xaalado u saamaxaya shacabka Iiraan inay “helaan xorriyaddooda”

    WARAR DHEERAAD AH

  8. War deg deg ah, Benjamin Netanyahu: “Iiraan ma awooddo gaaritaanka wixii ay qorsheysay”

    Benjamin Netenyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Benjamin Netenyahu

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay burburiyeen awooddii Iran oo gaarsiisan “heer aad u weyn” taas oo ka dhigaysa inaysan gaari karin “wixii ay qorsheysay”.

    Wuxuu yiri Iiraan waxay rabtay inay dumiso kumannaan dhisme oo ku yaalla Israel, balse taa beddelkeeda ay ka dhacday Lubnaan iyo gudaha Iiraan.

    “Waxaan beddeli doonaa Bariga Dhexe, waana idiin ballanqaadayaa,” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in Iiraan ay “ka tabar yar tahay sidii hore oo dhan,” halka Israa’iil ay ka xoog badan tahay.

    Sidoo kale akhri:

    Qoraalka Muuqaalka, Benjamin Netanyahu: “Iiraan ma awooddo gaaritaanka wixii ay qorsheysay”
  9. Iiraan ku eedeeysay Israa'iil inay damacsan tahay inay beegsato kaabeyaasha tamarta ee Sacuudi Carabiya

    Ciidamada qalabka sida ee Iiraan waxay bartilmaameedsan doonaan “dhammaan kaabeyaasha ay leeyihiin” Maraykanka iyo Israa’iil, waxayna “si rasmi ah u aqbaleen oo u shaaciyeen mas’uuliyadda arrintaas,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya.

    Warbaahinta Iiraan ayaa soo xigatay afhayeenka Ebrahim Zolfaghari oo Israa’iil ku eedeeyay inay damacsan tahay inay beegsato kaabeyaasha tamarta ee gobolka, oo ay ku jiraan xarumaha Aramco ee Sacuudi Carabiya.

    “Taariikhda hore ee falalka kicinta ah ee nidaamkan, oo loogu talagalay in lagu eedeeyo Iiraan lana abuuro kala-qaybsanaan dalalka gobolka, waxay xaqiijinaysaa ujeeddadan xun,” ayuu yiri Zolfaghari.

    Sidoo kale akhri:

  10. Agaasimaha sirdoonka Maraykanka oo wax laga waydiiyay dagaalka Iran

    Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka Tulsi Gabbard

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka Tulsi Gabbard

    Intii lagu jiray dhageysi ka dhacay Kongareeska Khamiistii, Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka Tulsi Gabbard ayaa la weydiiyay go’aanka Israa’iil ee ay ku weerartay xarunta gaaska ee South Pars ee Iran.

    Xildhibaan Joaquin Castro ayaa ku cadaadiyay Gabbard sababta Israa’iil u weerartay inkastoo Madaxweyne Donald Trump uu ku baaqay in goobahaas laga ilaaliyo weerarrada.

    Gabbard ayaa ku jawaabtay: “Jawaab kama hayo arrintaas, mana ka hadli karo anigoo uma hadli karo Israa’iil.”

    Isla dhageysigaas, xildhibaan Andre Carson ayaa Gabbard weydiiyay haddii ay jirto wax caddeyn ah oo muujinaysa in Iran ay qorsheysay weerar hor-dhac ah oo ka dhan ah Mareykanka ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.

    Gabbard ayaa ka leexatay su’aasha, iyadoo sheegtay in arrintaas “loogu baahan yahay in lagu qabto dhageysi xiran oo aan mel fagaaro ah looga hadli karin.

    Agaasimaha sirdoonka qaranka ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya Iran, Mojtaba Khamenei, uu “si aad u daran ugu dhaawacmay mid ka mid ah weerarradii Israa’iil.”

    Sidoo kale akhri:

  11. Diyaarad dagaal oo Mareykan leeyahay oo lagu qasbay inay si degdeg ah u degto

    Diyaarad F-35 ah ayaa lagu arkay RAF Akrotiri 5tii Maarso gudaha Akrotiri, Qubrus

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Diyaarad F-35 ah ayaa lagu arkay RAF Akrotiri 5tii Maarso gudaha Akrotiri, Qubrus

    Diyaarad dagaal oo Mareykan ah nooca F-35 Lightning II ayaa lagu qasbay inay degdeg ugu degto saldhig milatari oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe kadib hawlgal dagaal oo ay ka fulisay Iran, sida uu BBC-da u sheegay afhayeen u hadlay US Central Command.

    Iran ayaa sheeganeysa inay beegsatay diyaaradda, waxayna ku andacooneysaa inay “si daran u waxyeelloowday,” sida ay werisay warbaahinta dowladda ee IRIB News Agency.

    IRIB waxay sheegtay in “masiirka diyaaradda aan la ogeyn isla markaana uu baaritaan socdo,” iyadoo intaas ku dartay inay jirto suurtagalnimo xooggan oo ah in la soo riday.

    Dhanka kale, afhayeenka CENTCOM ayaa sheegay in diyaaraddu si nabad ah u degtay, duuliyuhuna uu ku jiro xaalad deggan, wuxuuna intaas ku daray in dhacdada weli baaritaan lagu hayo.

    Sidoo kale akhri:

  12. Iran ayaa sheegtay in aysan 'is-xakameyn doonin' digniina soo saartay

    Dab ka kacay warshad Shidaalka sifeysa oo ku taal Haifa, Israel

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dab ka kacay warshad Shidaalka sifeysa oo ku taal Haifa, Israel

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa ka digay in Tehran ay u dhaqmi doonto “iyadoo aan wax xakameyn ah jirin” haddii weerarro kale lagu qaado kaabayaasheeda.

    Arrintan waxay timid maalin kadib markii Israa’iil ay weerartay xarunta gaaska ee South Pars ee Iran, oo ka mid ah goobta ugu weyn ee gaaska dabiiciga ah adduunka, taas oo ku taalla badda u dhaxaysa Iran iyo Qatar.

    Xalay, Iran ayaa weerartay xarunta tamarta ee Ras Laffan ee Qatar. Weerarkaasi waxaa si kulul u cambaareeyay ra’iisul wasaaraha Qatar, isagoo ku tilmaamay “koror aad khatar u ah oo ay sameeyeen Iran.”

    Horey maanta, warshadda sifeynta shidaalka ee Haifa ee Israa’iil ayaa waxyeello soo gaartay, taas oo warbaahinta Israa’iil ay ku sheegtay inay ka dhalatay burbur ka soo dhacay gantaallo ay Iran soo ridday.

    Weerarradan lagu bartilmaameedsanayo waaxda tamarta ayaa ah “kororka xiisadda ee si dhab ah ay uga cabsi qabeen dalalka Carabta ee Khaliijka,” sida uu sheegay wariyaha amniga ee BBC-da Frank Gardner.

    Sidoo kale akhri:

  13. Israa'iil oo sheegtay in waxyeelo gaartay shabakadda korontada ee waqooyiga dalka

    Sawir ku saabsan warshadda sifaynta shidaalka ee Haifa, oo la qaaday Juun 2025

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawir ku saabsan warshadda sifaynta shidaalka ee Haifa, oo la qaaday Juun 2025

    Wasiirka tamarta Israa’iil, Eli Cohen, ayaa sheegay in waxyeellada gaartay shabakadda korontada ee waqooyiga dalka ay tahay “mid kooban oo aan weynayn.”

    Cohen ma xaqiijin in warshadda sifeynta shidaalka ee Haifa la beegsaday, balse hadalkiisa wuxuu imanayaa iyadoo muuqaallo la xaqiijiyay ay muujinayaan qiiq ka kacaya warshadda Haifa kadib weerar la sheegay in Iran fulisay.

    Qoraalkeennii hore, waxaad ku arki kartaa sawir muujinaya qiiq ka baxaya warshadda shidaalka ee Haifa.

    “Kooxaha shirkadda korontada ayaa durba ka shaqeynaya goobta, waxayna dib u soo celiyeen korontada inta badan dadka ka go’day,” ayuu yiri Cohen.

    “Sidoo kale, ma jirin waxyeello weyn oo gaartay kaabeyaasha muhiimka ah ee Israa’iil weerarradii ka yimid waqooyiga.”

    Sidoo kale akhri:

    Qoraalka Muuqaalka, Qiiq iyo holac lagu arkay warshada saliidda ee Haifa
  14. Iiraan oo duqeysay warshadda sifeynta shidaalka ee Haifa

    qiiq

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, qiiq

    Warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in warshadda sifeynta shidaalka ee Haifa ay waxyeello soo gaartay kadib weerar ay Iran fulisay.

    Arrintan weli si rasmi ah looma xaqiijin.

    Maxaa ka dhigaya warshadda sifeynta shidaalka ee Haifa mid muhiim ah?

    Warshadda sifeynta shidaalka ee Haifa, oo ku taalla waqooyiga Israa’iil ee deegaanka Haifa Bay, waa xarunta ugu weyn ee shidaalka lagu farsameeyo gudaha Israa’iil.

    Iyadoo ka mid ah laba warshadood oo sifeyn shidaal oo keliya oo dalka ku yaalla, Haifa waa xarun aad muhiim u ah maadaama ay bixiso qiyaastii 60% naaftada iyo 50% baatroolka ee Israa’iil, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay S&P Global.

    Waxay awood u leedahay inay soo saarto 197,000 foosto oo shidaal ah maalintii.

    Sidoo kale akhri:

  15. Maxay Sirdoonka Mareykanka ka sheegeen awoodda Iiraan?

    Maxay Sirdoonka Mareykanka ka sheegeen awoodda Iiraan?

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Maraykanka ayaa Arbacadii sheegay in nidaamka Iiraan uu yahay mid weli "is haysta" laakiin "si weyn u daciifay".

    Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Tulsi Gabbard iyo mas'uuliyiin kale oo sarre oo ka tirsan maamulka Trump ayaa muddo ka badan laba saacadood goob joog ka ahaa kulan dhagaysi ah oo ka dhacay Koongareeska oo ku saabsanaa khataraha caalamiga ah ee wajahaya Maraykanka.

    Tani waxay ahayd warbixintii ugu horreysay ee fagaare ah oo ku saabsan sirdoonka tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay dabayaaqadii February, waxayna ku soo aadday maalin kaddib markii uu iscasilay hoggaamiye sarre oo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah isagoo sheegay in Iiraan aanay khatar soo socota ku ahayn Maraykanka.

    Gabbard oo isku dubbaridka hawlgallada sirdoonka dalka, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu saadaaliyay dhibaatada ka taagan Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah dhoofinta. Si aad wax badan u akhrido fadlan halkan guji.

  16. Kuwayt - Qiiq ka kacay warshad saliidda lagu sifeeyo oo la duqeeyay

    Warshad la duqeeyay

    Xigashada Sawirka, X

    Muuqaal ay xaqiijisay qaybta BBC Verify ayaa muujinaya qiiq madow oo ka kacaya dab ka dhashay xarunta sifaynta saliidda ee Mina Al-Ahmadi ee dalka Kuwayt, ka dib weerar la sheegay in ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan halkaas ku qaadeen saaka.

    Waxaan xaqiijinnay goobta kaddib markii aan isbarbardhignay waddada iyo dhismaha xarunta sifaynta, annagoo adeegsanayna muuqaalka waddooyinka iyo sawirrada dayax-gacmeedka ee aaggaas.

    Wakaaladda Wararka ee Kuwayt ayaa werisay in xarunta lala beegsaday diyaarad drone ah oo laga leeyahay Iiraan. Shirkadda Batroolka ee Kuwayt ayaa sheegtay in "dab kooban" oo halkaas ka kacay la xakameeyay, islamarkaana aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

    Mina Al-Ahmadi waa xarunta ugu weyn ee sifaynta saliidda ee dalka Kuwayt, waana mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan gobolka, iyadoo awood u leh in ay maalintii sifeyso qiyaastii 730,000 oo fuusto.

    Sidoo kale akhri:

  17. Maraykanka oo ka hadlay xilliga uu dhammaanayo dagaalka Bariga Dhexe

    Trump iyo Takaichi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Trump ayaa ku celceliyay qodobka uu mar kasta ka sheego dagaalka Iiraan ee ah in Mareykanka iyo Israa'iil ay "tirtireen" ciidanka badda, ciidanka cirka, madaxda, iyo waxyaabo kale oo badan oo Iiraan leedahay.

    "Waxaan baabi'innay wax kasta marka laga reebo dhuumaha," ayuu yiri Trump, isaga oo intaas ku daray in dagaalku uu "aad uga horreeyo xilligii loogu talagalay".

    Trump ayaa sidoo kale la weydiiyay haddii uu qorsheynayo inuu ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah u diro gobolka, wuxuuna ku jawaabay inuusan ciidamo meelna geynaynin.

    Sidoo kale akhri:

  18. Mareykanka oo sheegay inuu ka fikirayo in la qaado cunaqabataynta shidaalka Iiraan

    Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka, Scott Bessent

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka, Scott Bessent

    Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in Maraykanku in uu ka fiirsanayo in qaadidda cunaqabateynta Shidaalka ee Iran, isagoo raadinaya siyaabo lagu xakameyn karo sicirka tamarta.

    Tallaabadan waxay saameyn doontaa qiyaastii 140 milyan oo foosto oo Shidaal ah oo horay u saaranayd Cunaqabateynta, ayuu sheegay wareysi uu siiyay Fox Business.

    Dunidu waxay isticmaashaa qiyaastii 100 milyan oo foosto maalintii.

    Tani waxay ku soo biireysaa dadaallo kale oo Maraykanku ku kordhinayo baaxadda Shidaalka, oo ay ku jiraan joojinta cunaqabateynta shidaalka Ruushka iyo bixinta 172 milyan oo foosto oo Shidaal ah si loo fasaxo kaydka caalamiga ah ee shidaalka.

    Bessent ayaa horey u sheegay in Maraykanku sidoo kale uu oggolaanayo maraakiibta Shidaalka ee Iran inay maraan, inkastoo uu jiro dagaalka.

    Sidoo kale akhri:

  19. Caqabadaha siyaasadeed ee Netanyahu ku wajahayo gudaha Israa'iil

    Caqabadaha siyaasadeed ee Netanyahu ku wajahayo gudaha Israa'iil

    Xigashada Sawirka, EPA

    Waxaa jiray dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen militariga Israa'iil iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda si ay dagaalka Iran u muujiyaan mid wax ka beddelaya Bariga Dhexe, inkastoo Israa'iil aysan weli gaarin hadafkeedii ahaa isbeddelka nidaamka Iran.

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa tobanaan sano ku qaatay isu diyaarinta iska horimaadkan uu la galo Iran, waxaana xirfaddiisa siyaasadeed ay ku dhisneyd ballanqaad ah inuu Israa'iil ka difaaci doono cadowgeeda Iran.

    Ka dib markii uu bilaabay dagaal toos ah oo ka dhan ah taliska Iran oo ay weheliyaan Maraykanka, hadalada Netanyahu ee ku saabsan dagaalka ayaa ahaa kuwo ka yar kuwa afka ah, isaga oo ku tilmaamay weerarrada "olole jiritaankeena."

  20. Qatar oo Gambaleelka digniintu yeeray xilli uu shir jaraaid qabanayay rai'sul wasaaraha

    Gambaleelka digniinta ayaa hadda laga maqlay dalka Qatar xilli uu shir jaraa’id qabanayay Ra’iisul Wasaaraha Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

    Tani waxay dhacdaa mar kasta oo Iran ay soo riddo gantaal ama diyaarad aan duuliye lahayn.

    Iiraan ayaa horey u beegsatay dalak Qatar iyada oo sheegeysa in ay beegsanayso saldhigyada Mareykanka.

    Sidoo kale akhri:

Trending Now