You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israel oo sheegtay inay dishay Taliyihii ciidamada badda ee Iilaalada Kacaanka Iran

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in Tangsiri uu “si toos ah mas’uul uga ahaa falal argagixiso

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ciraaq oo taageero ka codsatay Midowga Yurub

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ciraaq, Fu'aad Xussein, ayaa u sheegay Wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Mediterranean-ka, Dubravka Schweica, in Ciraaq uu saameeyey dagaalka, ayna ka mid noqotay goobaha uu dagaalka Bariga dhexe saameenayo, sababo la xiriira juqraafi ahaan halka uu dalka ku yaalo.

    Wada hadalka labada masuul ay ku yeesheen qadla telefoonka waxa uu Fu'aad sheegay in siyaasadda dowladda Ciraaq ay ku dhisan tahay ka hortagga dagaal, iyo sida xal loogu heloi karo khilaafaadka iyo iyo gorgortanka gobolka ka jira.”

    Sida lagu sheegay bayaanka, wuxuu tilmaamay in “Ciraaq ay la kulantay khasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay weerarrada, oo ay ku jiraan khasaaro soo gaaray ciidamada Peshmerga, ciidamada Xoogga Shacabka, iyo ciidanka Ciraaq,” isaga oo sharaxay in sii socoshada dagaalku “si xun u saameeyn doono dhaqaalaha Ciraaq.” Sidaa awgeedba ay Ciraaq Yurub uga baahan tahay taageero dhaqaale.

    Dhanka kale, bayaanku waxaa lagu sheegay in mas’uulka Yurub ay muujisay sida ay uga go’an tahay inay baarto waddo kasta oo lagu bixin karo taageerada loo baahan yahay.

  2. Trump oo 10 maalmood ku kordhiyay hakinta weerarrada Iiraan

    Madaxweyne Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social inuu kordhiyay hakintii weerarrada lagu qaadi lahaa xarumaha tamarta Iiraan, taas oo uu markii hore shaaciyey maalintii Isniinta ee todobaadkan.

    Waxa kale oo uu sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ay “weli socdaan”.

    qoraalka uu Trump daabacay sidan ayuu u dhignaa

    “Codsi ka yimid Dowladda Iiraan awgeed, fadlan bayaankan waa mid aan ku muujinayo inaan hakiyay muddadii burburinta xarumaha tamarta muddo 10 maalmood ah ilaa Isniin, Abriil 6, 2026, saacadda 8 fiidnimo waqtiga Bariga. Wada-hadalladuna way socdaan, inkasta oo ay jiraan hadallo khaldan oo ay faafiyeen warbaahinta oo been abuur ah iyo waxyaabo kale, haddana si wanaagsan ayay u socdaan. Waad ku mahadsan tihiin sida aad arrintaan ula socoteen oo aad"! Madaxweyne DONALD J. TRUMP”

  3. Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Ingiriiska

    Donald Trump, isagoo shir golaha wasiirrada ka hadlayay White House, ayaa mar kale dhaliilay Ra’iisul Wasaarihii Boqortooyada Ingiriiska Keir Starmer, isagoo yiri: “Ingiriisku waxay soo jeediyeen inay diyaarado soo diraan saddex toddobaad ka hor, markii dagaalku horey u dhammaaday.”

    “Waxaan u sheegay, ‘Ah, taasi waa wax weyn, aad baad ugu mahadsan tahay. Ha isku dhibin, hadda uma baahnin,’” ayuu yiri.

    Trump wuxuu intaas ku daray in diyaaradaha Ingiriiska “aanay sidaa u wanaagsaneyn… waxay u eg yihiin alaab ciyaal marka loo eego kuwa aanu leenahay.”

    Marka laga hadlayo Marinka Hormuz, madaxweynaha ayaa sheegay, “Haddii Maraykanka iyo Iiraan ay gaaraan ‘heshiis sax ah,’ marinkan muhiimka ah ee ganacsiga badda ayaa dib loo furi doonaa.”

  4. Rubio: Iran waxay isku dayday 47 sano inay disho dadka Mareykanka ah ee ku nool adduunk

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio ayaa shir golaha wasiirrada ee maamulka Donald Trump ka sheegay in Iiraan ay isku dayaysay inay disho muwaadiniin Maraykan ah meelo kala duwan oo dunida ah muddo 47 sano ah.

    Isagoo tixraacaya weerarrada Iiraan ee xarumaha diblomaasiyadeed ee dalalka Khaliijka, wuxuu yiri: “Fiiriya waxa Iiraan sameyneyso hadda? Ka fikir waxa Iiraan ay ku sameyn karto inta kale ee dunida.”

  5. Sidee dalalku ula tacaalayaan kor u kaca qiimaha tamarta?

    Poland ayaa hore u shaacisay inay hoos u dhigeyso VAT-ga shidaalka laga qaado oo laga dhigay 23% ilaa 8%, si loola tacaalo kororka weyn ee qiimaha tamarta, taasoo ka dhigaysa mid ku biirtay dalalka isku dayaya inay ka ilaaliyaan macaamiisha isbeddellada ka dhashay dagaalka Bariga Dhexe.

    Dhanka kale, xildhibaanada Germany ayaa ansixiyay tallaabooyin hordhac ah oo xaddidaya in qiimaha shidaalka lagu kordhiyo hal mar maalintii, saacadda duhurnimo.

    Dowladda Taliyaaniga ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay u qoondeysay €417 milyan (£361 milyan) si loo dhimo canshuuraha shidaalka ilaa 7-da April, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Dhanka kale, xisbiga talada haya ee South Korea ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu fududeeyo xaddidaadaha ku saabsan soo saarista tamarta dhuxusha, isla markaana kordhiyo isticmaalka warshadaha tamarta nukliyeerka.

    Dalka UK, kadib cadaadis lagu saaray inay soo bandhigto qorshe lagu difaacayo macaamiisha ka dhanka ah kororka qiimaha, wasiirka maaliyadda Rachel Reeves ayaa ku dhawaaqday qorshayaal dowladeed oo lagu caawinayo “kuwa ugu baahida badan ee bulshada.”

  6. Khasaaro ka dhashay weerar Gantaalo oo lala beegsday waqooyiga Israa'iil

    Hal qof ayaa ku dhintay kadib weerar gantaal oo lagu qaaday aagga Nahariya ee waqooyiga Israa’iil, sida ay sheegtay adeegga gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom.

    Adeegga caafimaadku wuxuu sheegay in 25 qof oo kale la geeyay isbitaalka oo ay dhaawacyo qabaan.

    Waxa kale oo uu intaas ku daray in 13 qof ay qabaan dhaawacyo fudud oo ka dhashay qaraxa iyo firirka, halka 11 qofna la sheegay inay la ildaran yihiin calaamado welwel iyo argagax ah.

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa in gantaallada laga soo tuuray Lubnaan, iyadoo warar dheeraad ah la soo saari doono marka loo baahdo.

  7. Sacuudiga oo ka digay saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta dagaalak Iiraan

    Wasiirka Maaliyadda Sacuudi Carabiya Mohammed al-Jadaan ayaa Khamiistii sheegay in haddii aan si degdeg ah xal loogu helin soo afjaridda dagaalka Iiraan, ay sii xumaan karaan carqaladaha ku yimaada qulqulka Badeecooyiinka, gaar ahaan qaybta shidaalka.

    “Runtii waxaan u baahanahay inaan hubinno in khilaafka si dhaqso leh loo xalliyo, isla markaana aan wadajir uga shaqeyno arrintaas si dhaqaalaha caalamka uusan u sii saameyn,” ayuu yiri wasiirka, isagoo ka hadlayay shirkii Foreign Direct Investment Priorities Summit ee ka dhacay Miami.

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxa aan aragnay toddobaadyadii la soo dhaafay waa saameyn ka ballaaran tan aan aragnay xitaa xilligii ka dambeeyay COVID-19, marka laga hadlayo carqaladaha isu socodka badeecooyiinka, haddii xaaladdani sii socoto, waxaan u maleynayaa inaan arki doono saameyn ka sii daran.”

  8. Trump oo sheegay in Iraan ay jirto hal arrin oo ay ku fiican yihiin

    Donald Trump ayaa sheegay in tan iyo 28-kii Febraayo, markaas oo dagaalku bilowday, Maraykanku uu weerarayay awoodda milatari ee Iiraan “heer ay dad yar waligood arkeen.”

    Wuxuu sheegay in Maraykanku si “buuxda” u burburiyay ciidanka badda iyo cirka ee Iiraan, isla markaana uu baabi’iyay “ku dhowaad 90%” qalabka gantaallada laga tuuro, iyo “malaha in ka badan 90%” gantaallada laftooda.

    Trump wuxuu sii raaciyay in Iiraan ay baryayso in heshiis la gaaro. “Waa wada-xaajoodyaal fiican,” ayuu yiri. “Dagaalyahanno liita, laakiin wada-xaajoodyaal fiican.”

  9. Trump oo shaaciyay hadyaddii uu horey u sheegay inuu Iiran ka helay

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta sheegay in Iiraan ay u oggolaatay 10 markab oo shidaal qaada inay maraan marinka istaraatiijiga ah ee f Hormuz, taas oo uu ku tilmaamay “hadiyad” muujinaysa sida ay uga dhab tahay wada-xaajoodyada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Isagoo tixraacaya hadallo aan caddayn oo uu hore toddobaadkan uga sheegay “hadiyad” ka timid Tehran, Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay hore u oggolaatay siddeed “markab shidaal oo waaweyn” inay maraan marinkaas, kadibna laba kale ayaa ku xigay mar dambe.

  10. Israa'iil oo duqeymo ka wadda Lubnaan

    Israa'iil ayaa sheegtay inay bilaawday mowjado weeraro cusub ah gudaha Lubnaan.

    militariga Israa’iil ayaa sheegay qoraal uu ku daabacay Telegram in ay ‘weerarayaan kaabayaasha Hezbollah’ ee koonfurta Lubnaan.”

  11. Iiraan oo Afar Shardi ku xirtay Mareykanka si dagaalka loo joojiyo

    Iyada oo aan sugayno jawaabta Madaxweynaha Maraykanka, wakaaladda wararka Tasnim, oo ka tirsan Qeybta Kacaanka Islaamiga ee Iran (IRGC), ayaa sheegtay in Tehran ay ka jawaabtay qorshaha nabadda ee Maraykanka ee 15-qodobka ahaa, isla markaana hadda ay sugayso jawaabta.

    Tasnim, oo xigaysa "sarkaal xog-ogaal ah", waxay soo sheegtay in shuruudaha Iran ay yihiin:

    • "Ficillada gardarrada iyo dilalka ay ku kacaan cadowgu waa in la joojiyaa"
    • "Shuruudo dhab ah waa in la dhisaa si loo hubiyo in dagaalku mar kale u dhici doonin"
    • "Magdhow iyo inuusan dib-loo soo-celin dagaal waa in la dammaanad qaadaa oo si cad loo go'aamiyaa"
    • "Joojinta colaadda waa in la fuliyo dhamaan jihooyinka iyo kooxaha iska caabinta ee ku lugta leh khilaafka gobolka oo dhan", taasoo tixraacaysa xulafada Iran iyo wakiiladeeda ee gobolka

    Sarkaalkan ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu Tasnim u sheegay in fulinta xuquuqda Iran ee Marinka Hormuz ay tahay "xuquuq dabiici ah oo sharci ah oo dalka u gaar ah".

  12. Madaxda Nato oo qirtay awoodda iyo halista Gantaalaad Iiraan

    Xoghayaha guud ee gaashaan-buurta NATO, Mark Rutte, ayaa soo bandhigay warbixintiisa sanadlaha ah ee 2025 shir jaraa’id oo uu ku qabtay Brussels.

    Mar wax laga waydiiyay haddii dagaalka Iran uu hadda yahay arrin NATO u taalla, Rutte wuxuu yiri in isbahaysiga NATO uu "mudo dheer aqoonsaday khatarta barnaamijka gantaallada Iran uu ku leeyahay xulafadiisa iyo danahooda".

    Wuxuu sheegay in waxa Maraykanku samaynayo ay tahay "yareynta awoodahaas, labadaba kuwa nukliyeerka iyo gantaallada".

    Iran hadda waxay leedahay "awood si isa soo taraysa u khatar u ah xulafada", ayuu Rutte yiri, isagoo intaa ku daray in nidaamyada difaaca NATO ay si guul leh u joojiyeen gantaallo balistik ah oo ku sii jeeday Turkey seddex jeer oo kala gooni-gooni ah.

    Hadalladiisu waxay yimaadeen kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sii waday dhaleeceynta dalalka NATO iyo jawaabtooda ku aaddan dagaalka Iran.

  13. MadaxwaynahaTurkiga Erdogan oo sheegay in qorshaha Netanyahu uusan iiraan ku koobnayn

    Madaxwaynaha dalka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Israa'iil aysan weeraradeeda ku koobnayn Iraan.

    waxaa uu sheegay inNetanyahu uu wado qorsha uu "ku qabsanayoLubnaan"

    Erdogan aya yiri: Netanyahu kaliya ma weerarin Iran, laakiin sidoo kale waxa uu fulinayaa qorshihiisa uu ku qabsanayo Lubnaan.

  14. Benjamin Netanyahu oo soo saaray farriin kale oo uu kaga hadlayo Iran

    Benjamin Netanyahu rai'sul wasaaraha israa'iil ayaa sheegay in dilka taliyihii ciidamada badda ee Iran, Alireza Tangsiri, uu yahay "tusaale kale oo ka mid ah iskaashiga" u dhexeeya Israel iyo Maraykanka, iyadoo dagaalka Iran uu sii socdo.

    Fariin muuqaal ah oo uu ku hadlayay luuqadda Hebrew, ra’iisul wasaaraha Israel ayaa sheegay in Israel ay sii waddo "weerarro xooggan" oo lagu beegsanayo goobo ku yaal Iran.

    Sidoo kale, wuxuu ku celiyay hadallo hore oo uu jeediyay Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, oo sheegay in Tangsiri uu door hoggaamineed ka qaatay xiritaanka Marinka Hormuz ee Iran.

    "Qofkan gacmahiisu dhiig buu ka buuxay," ayuu Netanyahu yiri, isagoo intaa ku daray: "Tani waa tusaale kale oo ka mid ah iskaashiga naga dhexeeya anaga iyo saaxiibkeen, Maraykanka, si loo gaaro ujeeddooyinka dagaalka."

  15. ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan oo shaaciyay goobo muhiim ah oo ay beegsadeen

    Saraakiisha ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in duqeymaha cusub ee lagu qaaday Israel, ay “bartilmaameedsadeen xarunta maamul-milateri ee dhulka la haysto iyo warshadaha la xiriira kaabayaasha nukliyeerka ee koonfurta badda dhimatay ama Dead Sea.”

    Sida ay IRGC sheegtay, marka laga reebo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaa duqeymahan lagu adeegsaday “gantaallo ku shaqeeya shidaal adagoo casri ah.”

    Dhowaan, ciidanka Israel ayaa ku dhawaaqay in ay ogaadeen wareeg cusub oo weeraro gantaallo ka imanaya Iran.

    IRGC ayaa sidoo kale shaacisay: “Waxaan bartilmaameedsannay warshadaha la xiriira kaabayaasha nukliyeerka ee Israel.”

  16. Trump oo la amakaagay oo la yaaban madaxda Iiraan

    Warbixin ku saabsan qoraal uu Trump ku soo qoray baraha bulshada, wuxuu hadda ku tilmaamay diblomaasiyiinta Iran kuwa “aad u kala duwan” isla markaana “yaab leh.”

    Wuxuu sheegay inay “Mareykanka ku baryayaan heshiis,” isagoo intaa ku daray in militarigooda la “baabi’iyay” isla markaana ay jirto “fursad eber ah oo ay dib ugu soo kabtaan.”

    “Si kastaba ha ahaatee, si dadweynaha ayay u sheegeen inay ‘kaliya fiirinayaan soo jeedintayada.’ QALAD!!!” ayuu ku qoray Truth Social.

    “Waxay u baahan yihiin inay si dhab ah uga fiirsadaan arrintan, ka hor intaanay goor dambe noqon, maxaa yeelay marka ay dhacdo, MA JIRTO WADDO LOO NOQDO, mana noqon doonto mid qurux badan!” ayuu intaa ku daray.

    Si macnaha loo fahmo: Arbaco, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in dalku “aysan u qorsheyn inay hadda gorgortamaan.” Wuxuu yiri fariimo ayaa lagu gudbiyay “dalal saaxiibo ah,” laakiin is-weydaarsigan ma ahayn “wada-hadal, gorgortan, ama wax la mid ah.”

  17. Israel ayaa sheegtay inay dishay taliyihii ciidamada badda ee Iilaalada Kacaanka Iran

    Israel ayaa sheegtay inay dishay taliyihii ciidamada badda ee ilaalada kacaanka Iiraan, Alireza Tangsiri.

    Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa sheegay in Tangsiri uu “si toos ah mas’uul uga ahaa falal argagixiso oo ay ka mid yihiin qarxin iyo xannibidda marinka Hormuz,” isla markaana “la qarxiyay.”

    Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in tiro ka mid ah saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada badda ay iyaguna ku dhinteen weerarkaas.

  18. Ruushka oo ka hadlay warar sheegayay in diyaarado aan duuliye lahayn ay siiyeen Iran

    Kremlin ayaa Khamiistii ku tilmaamay “been” wararka sheegaya in Ruushka ay u direen Iraan diyaaradahaan aan duuliyaha lahayn, iyagoo ka jawaabaya warbixin uu qoray wargeys Ingiriiska ka soo baxa.

    “Waxaa jira beeno badan oo ay warbaahintu faafinayso… ha siinina wax tixgelin ah,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Ruushka, Dmitry Peskov, isagoo la hadlayay wakaalada wararka ee AFP kadib su’aal la weydiiyay.

    Wargeyska Financial Times ayaa Arbacadii ku waramay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil sirdoon oo reer Galbeed ah, in Moscow ay diyaarinayso shixnad drones ah oo loo diri doono Iran, taasoo la filayo inay dhacdo ka hor dhammaadka bisha Maarso.

  19. Weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee dalka Kuwait

    Milatariga Kuwait ayaa sii saaray muuqaal muujinaya qiiq madow oo ka kacaya garoonka caalamiga ah ee Kuwait International Airport, maalin kadib weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday goob shidaal.

    Wasiirka Difaaca Kuwait, Sheikh Abdullah Ali Abdullah Al-Salem Al-Sabah, ayaa booqasho kormeer ah ku tegay garoonka diyaaradaha si uu u qiimeeyo saameynta weerarka.

    Wasiirku wuxuu dhageystay warbixin ka timid Waaxda Guud ee Duulista Rayidka iyo Ciidanka Dab-demiska, taasoo ka hadlaysay heerka khasaaraha oo ku koobnaa dhinaca hantida oo keliya, iyadoo aysan jirin wax khasaare nafeed ah.

  20. Sir ay Israa'iil qarinaysay 50 sano oo banaanka u soo saaray dagaalkii Qasa ka socday

    Ma ku saxsan yihiin Masaaridu inay u baqaan Siinaay, marka la eego mushkiladda haysata Falastiiniyiinta ee la xiriirta weerarrada ay Israa’il ka waddo marinkak Qasa ee ay deriska yihiin? Dukumntiga Ingiriiska ayaa jawaabta haya.

    Dukumentiga, oo uu arkay wariye BBC ka tiran wuxuu daaha ka rogayaa in Israa’iil ay samaysay qorshe ay Falastiiniyiinta Qasa ugu dhoofinayso waqooyiga Siinaay 52 sano ka hor.

    Ka dib markii askarta Israa’iil ay galeen Qasa, daanta galbeed, bariga Quddus, iyo buuraleyda Suuriya ee Golan Heights dagaalkii Juun 1967kii, marinku wuxuu israa’iil ku noqday meesha ay kala kulanto dhibaatada ugu weyn ee dhinaca amniga.

    Xeryaha qaxootiga ee buux dhaafay waxay noqdeen halka ay ka samaysanto iska caabbinta askarta Israa’iil, duullaankana looga soo qaado ciidanaka soo galay iyo kuwa la shaqeeya.

    Sida ay sheegayaan qiyaasaha uu ingiriisku sameeey, markii Israa’iil ay galaysay Gaza waxaa marinkaas ku sugna ilaa 200,000 oo qaxooti ah oo ka kala yimid deegaannada kale ee Falastiiniyiinta, waxaana caawinayey hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA, waxaana intaa dheeraa 150,000 oo Falatiiniyiin ah oo degganaa marinka.

    Warbixintaas waxay sheegtay in ”Qasa aysan ahayn mid dhaqaale ahaan lagu tiirsanaan karo sababo la xiriira mushkilado dhanaka amniga iyo bulshada ah oo ka abuurmay nolosha kaamamka iyo Jabhadnimada, kuwaasoo keenay in uu bato khasaaraaha ka dhalanaya”.

Trending Now