Maxay Iiraan ka yeeli doontaa saddex feyl oo uu gacanta ku hayay Cali Larijani?

Cali Larijani

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Qoraalka sawirka,
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Duqaynta dhanka cirka ee Israa'iil ay ku dhishay madaxii amniga ee Iiraan, Cali Larijaani, waxay meesha ka saartay mid ka mid ah dadka ugu khibradda iyo saamaynta badan ee go'aannada dalkaas gaadhi jiray xilli xasaasi ah.

Larijaani ma ahayn taliye ciidan, balse wuxuu ahaa shakhsi muhiim u ah qaabaynta xeeladaha fog ee Iiraan. Isagoo ahaa xoghayaha Golaha Amniga Qaranka, wuxuu udub-dhexaad u ahaa go'aammada khuseeya dagaalka, diblomaasiyadda, iyo amniga qaranka. Codkiisu wuxuu miisaan weyn ku lahaa nidaamka dalkaasi oo dhan, gaar ahaan maaraynta loolanka Iiraan kala dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil.

Kaddib markii la dilay Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan Cali Khamenei 28-kii Fabruary, Larijaani wuxuu muujiyay dhabar-adayg, isagoo tilmaamay in Iiraan ay u diyaarsan tahay colaad muddo dheer socota. Geeridiisa oo ay xaqiijiyeen warbaahinta dawladdu, waxay ku soo aadday xilli ay socdaan weerarro xidhiidh ah oo lagu laayay saraakiil iyo taliyayaal badan oo sare oo Iiraaniyiin ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Arrintani waxay muujinaysaa dadaal loogu jiro in lagu wiiqo dhismaha hoggaanka Iiraan inta uu dagaalku socdo.

In kasta oo uu mawaaqif adag ka istaagi jiray Reer Galbeedka, Larijaani waxaa gudaha Iiraan looga yaqaannay nin xaqiiqada ku shaqeeya. Wuxuu isku dubbaridi jiray aaminsanaanta adag ee dhanka mabda'a iyo hab-raaca gorfaynta ku dhisnaa.

Wuxuu aad uga shakisanaa la macaamilka reer Galbeedka, balse wuxuu qayb muhiim ah ka ahaa dadaallada diblomaasiyadeed oo ay ka mid ahayd kaalintii uu ku lahaa heshiiskii iskaashi ee muddada dheer ee dhex maray Iiraan iyo Shiinaha.

Dhimashadiisu waxa ay saamayn doontaa saddex gal oo muhiim ah.

1. Dagaalka hadda socda: Wuxuu ku doodi jiray in Iiraan ay tahay in ay u diyaar garowdo iska horimaad muddo dheer qaata, dagaalkuna uu ku fido gobolka oo dhan iyo meelo ka fogba oo ay ku jirto xidhidda Marinka Hormuz.

2. Kacdoonnada gudaha: Mowjado xasillooni darro ah oo ka dhashay cabashooyin dhanka dhaqaalaha ayaa si degdeg ah isugu beddelay dibadbaxyo xoogggan oo looga soo horjeedo Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Kacdoonnadaas waxaa lagaga jawaabay olole lagu laayay kumannaan dibadbaxayaal ah guud ahaan dalka.

3. Barnaamijka Nukliyeerka: Tani waxay la xidhiidhay joojinta wadahadalladii tooska ahaa ee lala lahaa Washington, kuwaas oo markii dambana ay waxyeelleeyeen weerarrada millatari ee dhacay.

Geerida Larijaani waxay ka tagtay arrimahan oo aan wali xal loo helin, waxaana loo baahan doonaa beddelkiisa oo aan wali la aqoon, kaas oo wajihi doona xaalad aad u cakiran. In kasta oo Iiraan ay muujisay adkaysi, iyadoo qayb ahaan carqaladaynaysa suuqyada tamarta adduunka, ayaa haddana hawadeedu waxay wali u furan tahay weerarro joogto ah. Hoggaamiye kasta oo cusub wuxuu wajahayaa halis degdeg ah oo ah in la beegsado.

Larijaani iyo siyaasiyiinta kale iyo hoggaamiyeyaasha diinta.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Qoraalka sawirka,
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tallaabadani waxay u muuqataa inay awoodda dalka u wareejinayso dhanka millatariga. Hadalladii ugu dambeeyay ee ka soo yeedhay Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa tilmaamaya in ciidamada qalabka sida la siiyay awood ballaaran haddii hoggaanka sare uu gudan waayo waajibaadkiisa. Ficil ahaan, taasi waxay ka dhigan tahay in go'aannada la qaadan karo si degdeg ah, balse waxaa yaraanaya isku dubbaridka dhexe.

Iiraan waxay dib u dhigtay ogeysiisyada dadweynaha, waxayna qarisay halka ay ku sugan yihiin shakhsiyaad muhiim ah, oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha cusub ee sare, Mojtaba Khamenei; lama oga inay ka tahay sababo amni iyo inay tahay hubanti la'aan ka dhex jirta gudaha dalka.

Taliyaha ciidammada Iiraan Amir Hatami ayaa ku hanjabay in uu aargoosi ka samayn doono dilka Larijaani. Si kastaba ha ahaatee, waqti kaddib, nidaamka Iiraan wuxuu wajahayaa dhibaato dhanka shaqada ah, gaar ahaan dal ay ku nool yihiin dad ka badan 90 milyan oo qof.

Sidaas darteed, saamaynta geerida Larijaani ma ahan kaliya luminta hal sarkaal. Waxay sii hurinaysaa qalalaasaha hoggaanka, kaas oo saamayn ku yeelan kara jihada uu dagaalku u socdo iyo xasilloonida qaranka Iiraan laf ahaantiisa.