Bayaan ay saaxiibada Mareykanka ka soo saareen Gacanka Hormuz iyo sida ay gacan uga geysan karaan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qaar ka mid ah wadamada Yurub, Japan, iyo Canada ayaa ku dhawaaqay 19‑kii Maarso inay diyaar u yihiin inay taageeraan hubinta badbaadada maraakiibta maraaya Gacanka Hormuz.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen hoggaamiyeyaasha UK, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Netherlands, Japan, iyo Canada, ayaa lagu cambaareeyey weerarrada Iran ee ka dhan ah kaabayaasha rayidka iyo tamarta ee wadamada Gacanka, iyo tallaabadeeda ay ku doonayso in si "dhacdo ahaan" loo xiro Gacanka Hormuz.

Waxaa la adkeeyey in xiritaanka Gacanka Hormuz uu halis gelinayo maraakiibta caalamiga ah iyo qulqulka tamarta adduunka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay: "Waxaan muujineynaa diyaar garowgeenna si aan u taageerno dadaallada lagu hubinayo maraakiibta badbaadsan ee mara Gacanka Hormuz."

Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dhaleeceeyay wadamada diiday inay taageeraan Mareykanka arrinta Gacanka Hormuz.

17‑kii Maarso, Trump ayaa cadeeyay Aqalka Cad inuu ka "niyad-jabsan yahay" saaxiibada NATO ee diiday inay caawiyaan Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale yiri, "Waxaan u maleynayaa inay sameeyeen qalad aad u doqonimo ah."

qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, Trump wuxuu dhaleeceeyay saaxiibada reer Galbeedka ee Mareykanka, iyo sidoo kale Japan, Australia, iyo Kuuriyada Koonfureed, isagoo yiri, "Caawimaad qofna uma baahannno."

.

Xigashada Sawirka, Atta Kenare / Getty Images

Marinka Hurmuz

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay xogta ay dib u eegtay BBC Verify, ku dhawaad 100 markab ayaa ka soo gudbay Gacanka Hormuz tan iyo bilowgii Maarso, inkastoo weerarro ay fuliyeen ciidamada Iran.

In kasta oo qaar ka mid ah maraakiibta qaada shidaalka iyo alaabaha maalinlaha ah ay weli ka gudbaan Gacanka Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka, tirada maraakiibta maalinlaha ah ayaa hoos u dhacday 95% tan iyo markii weerarrada Mareykanka iyo Israel ee Iran ay bilaabeen 28‑kii Febraayo.

Sida laga soo xigtay xogta shirkadda falanqaynta gaadiidka Kpler, 99 markab ayaa ka soo gudbay gacanka bishan. Taasi waxay u dhigantaa celcelis ahaan shan ilaa lix markab maalintii.

Qiyaastii saddex meelood meel maraakiibtaas ayaa la xiriira Iran oo waa kuwa ay Iiraan u ogolaatay inay soo gudbaan.

Sida laga soo xigtayxoogagga iskaashiga badaha, oo mas'uul ka ah ilaalinta ammaanka badda ee gobolka, 138 markab ayaa ka soo gudbi jiray Gacanka Hormuz maalin kasta ka hor dagaalka.

Qiimaha Shidaalka Adduunka ayaa sare u kacay ka dib markii ugu yaraan saddex markab lagu weeraray meel u dhow marinka Hormuz, iyadoo Iran ay weli sii waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Bariga Dhexe oo ay kaga jawaabayso weerarada joogtada ah ee Mareykanka iyo Israa'iil.

Iran ayaa uga digtay maraakiibta in aysan soo dhaafin marin biyoodkaasi oo qaada qiyaastii 20% shidaalka iyo gaaska aduunka.

Xog ka timid shirkadda falanqeysa arrimaha maraakiibta ee Vortexa ayaa muujisay in celcelis ahaan in ka badan 20 milyan oo foosto maalintii oo shidaalka ceyriin ah iyo shidaal ay sannadkii hore mareen Marinka Hormuz.

Tani waxay ka dhigan tahay ku dhowaad 600 bilyan oo doollar sanadkii oo ganacsi tamar ah ay maraan baddaan.

Marinka Hormuz waa marin-biyood isku xira Iiraan iyo Boqortooyada Cumaan. Inkasta oo marka la eegayo halka uu ka bilowdo iyo halka uu ku dhammaado ballaciisu uu yahay qiyaastii 50 kiiloomitir, balse halka barta dhexdiisa ay tahay qiyaastii 40 kiiloomitir, haddana qaybtaas dhexe waa mid ku filan in maraakiibta waaweyn ay maraan.

Khariiradda ama jidka maraakiibtu waxay ku tilmaan inuu yahay jid si ammaan ah loo galo, loogana baxo marinka, iyo aag kayd ah oo loogu talagalay doomaha waaweyn ee shidaalka qaada.