Sidee diyaaradaha rakaabka u duulaan marka uu scodo dagaal?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa hawada Iran iyo dalalka Khaliijka laysku dhaafsanayay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drones-ka iyo sawaariiq. Shaqaalaha maamulaha socodka diyaaradaha waxay u weeciyeen diyaaradaha meelaha ammaanka ah ee dhinacyada dagaalka ee ciriiriga ah.
Markaad aad eegto khariidadda waxay ku tusineysaa sida Masar iyo Georgia ay mashquul u noqdeen.
Qeyb walba oo ka mid ah shaqaalaha hawada maamulo waxay la socdaan qeyb ka mid ah khariidadda iyagoo isla shaqeynaya. Waxay isku xiraan diyaaradaha hawada soo galaya iyo kuwa ka baxaya.
Marka ay howshu caadiga tahay qof kasta oo shaqada qabta waxa uu hagaa ilaa lix diyaaradood. Marka uu dagaal socdo intaas way ka badnaan kartaa.

Xigashada Sawirka, FlightRadar24
"Maskaxdu waxay awood u leedahay in ay feejignaant muddo 20 ilaa iyo 30 daqiiqo ah," ayuu yiri Brian Roche oo ahaa maamule hagista diyaaradaha oo hadda shaqada ka fariistay.
Brian Roche wuxuu shaqeynayay 18 sano. Wuxuu shaqada ka bilaabay ciidamada cirka kaddibna wuxuu u wareegay diyaaradaha rakaabka ee London, wuxuuna ka tirsanaa koox qabata wicitaannada gurmadka degdegga ah ee diyaaradaha.
Marka ay shaqadu badan tahay, maamulayaal dheeraad ah ayaa la keenaa si ay u maareeyaan tirada badan ee diyaaradaha, waxaana si joogto ah loo beddelaa shaqaalaha si aanay u daalin ama u jahawareerin.
Caadiyan waxaa loo shaqeeyaa 45 ilaa iyo 60 daqiiqo kaddibna waxaa la nastaa 20 ilaa iyo 30 daqiiqo ayuu yiri Roche. Balse marka ay jiraan xaalado dagaal, waxay u badan tahay in ay shaqeeyaan 20 daqiiqo oo keliya kadibna nasasho qaataan muddo la mid ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaaraddii Malaysia Airlines ee tirsigeedu ahaa MH17 ee lagu soo riday 2014-tii gantaal Ruushku sameeyay kuna dhacday bariga Ukraine, waxaa ku dhintay dhammaan 298 qof ee saarnaa, taas waxay muujinaysaa sida dagaalku u saameyn karo waddooyinka diyaaradaha rakaabka.
Waqtigaas, Ukraine waxay ahayd goob dagaal weyn uusan ka jirin balse markii dambe dagaalka wuxuu gaaray hawada, iyadoo la soo riday diyaarado militari. Cidna ma dooneyso in sidaas oo kale ay dhacdo.
Toddobaadkii hore, lix qof oo Maraykan ah ayaa dhintay kaddib markii diyaaradoodi oo aheyd nooca shidaalka diyaaradaha siiya ay ku burburtay galbeedka Ciraaq.
Diyaaraddan waxay ka qayb qaadanaysay dagaalka Maraykan ee ka dhanka ah Iiraan, waxayna ahayd mid ka mid ah laba diyaaradood oo ku lug lahaa dhacdadaas. Tan labaad si nabad ah ayay u degtay. Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka waxay xaqiijiyeen in shilku uusan ka dhalan rasaas ka timid cadow ama saaxiib.
Marka hawada si lama filaan ah loo xiro ama ay aad u mashquul noqoto, shaqaalaha haga diyaaradaha waxay la xiriiraan duuliyayaasha si ay ugu sheegaan halka ay u duulayaan, inta shidaal ee ay haystaan, iyo garoomada diyaaradaha ee qaadi kara nooca diyaaradooda.
Shaqaalaha haga diyaaradaha waxay sidoo kale hubiyaan in dhammaan diyaaradaha ay si ammaan ah u kala fog yihiin. Hadii diyaaradaha waaweyn ee rakaabku ay isku dhow yihiin waxay taasi abuureysaa gariir xooggan oo saameyn kara diyaaradaha kale ee ku dhow.
Tani waxay ka dhigan tahay in diyaaradaha yaryar laga fogeeyo kuwa waaweyn oo la siiyo meel ammaan ah, halka diyaaradaha ganacsiga ee aadka u yar laga yaabo in mararka qaar gabi ahaanba la beddelo waddadooda.
Inta badan ma dhacdo in degdeg loo xiro hawada sida uu sheegayo John oo in ka badan 20 sano duuliye ahaa. Ma doonayo in uu bixiyo magaciisa dhabta ah maadama uu weli duuliye yahay oo uu ku duulo waddooyinka Bariga Dhexe.
Wuxuu sheegay in shirkadaha diyaaradaha badankood ay hore usii qorsheeyaan marka ay rabaan in ay ka fogaadaan meel gaar ah oo ka mid ah hawada, ha noqoto cimilo xun ama dagaal.
Duuliyayaashu waxay sidoo kale isku dayaan in ay qaataan shidaal badan haddii ay u baahdaan in ay ku noqdaan garoonkii ay ka soo duuleen ama ay u leexdaan garoon ka fog kan ay u socdeen.

Xigashada Sawirka, AFP
Hannah waxay caawisaa koox shaqaale diyaaradeed oo qabta duulimaadyada dhaadheer. Magaceeda dhabta ah lama isticmaalayo sababtoo ah looma oggola in ay si rasmi ah uga hadasho magaca shirkadda ay u shaqeyso.
Waddooyinka ay Hannah ku duusho badanaa waa Bariga Dhexe. Waxay sheegtay in xilliyada dagaalku ay muujiyaan sida ay muhiim u yihiin shaqaalaha diyaaradda, gaar ahaan marka ay jiraan rakaab walwalsan ama xanaaqsan.
"Shaqadeennu way ka badan tahay fikradda caanka ah ee ah in waxa kaliya ee aan qabanno ay tahay in aan macaamiisha waydiino in ay rabaan casho ahaan digaag ama hilib lo'aad," ayey tiri Hannah oo intaas ku dartay, "Dad badan waxay illoobaan dhinaca badbaadada ee shaqadeenna… Adeeg bixintu waa waxa aan samayno marka wax walba oo kale la xakameeyo."
Diyaaradaha la weeciyo iyo jadwalka shaqo ee isbaddela waxay adkeynayaan in aad hesho nolol caafimaad ah oo isku dheelitiran ayey tiri Hannah.
Dhawaan, shirkadaha diyaaradaha sida tan ay u shaqeyso Hannah waxay bilaabeen in ay meelo badan sii maraan sababtoo ah si toos ah uma dul mari karaan hawada Iran.
"Hadii aan nahay shaqaalaha gudaha diyaarada, waxaan nahay hal qoys", ayey tiri.













