Isbeddel: Adduunkii ma wuxuu u xuubsiibtay xaalad aan la isu tudhayn?

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Amir Azimi
    • Role, BBC New Persian
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Iska horimaadka u dhexeeya Maraykanka, Israel iyo Iran ayaa laga yaabaa in mustaqbalka uu noqdo mid ka mid ah colaadihii ugu horreeyey ee dhaca xilli nidaamka calaamiga ah, ee xeerarku hagayeen, dalalkuna ku dhaqmayeen muddo tobannaan sano ah uu lumayo. Xilli dagaalkani noqon karo, kii ugu horreeyey dagaallo noociisoo kale ah.

Intii badnayd tan iyo muddadii ka dambeysay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, dagaalka iyo diblomaasiyadda, waxay si rasmi ah u ahaayeen qaab dhismeed uu hagayo sharciga caalamiga ah iyo hay'ado ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay iyo heshiisyada kale ee calaamiga ah.

Xitaa marka xeerarka la leexin jiray ama si gaar ah loo fasiran jiray, dowladuhu badanaa waxay isku dayi jireen inay ficilladooda ku dhex ilaaliyaan nidaamkaas. Hawlgallada militari waxay inta badan maraan dood sharciyeed, wada-tashi diblomaasiyadeed ama sameynta isbahaysiyo caalami ah.

Dagaalkan hadda socda, arrimahaas waxay u muuqdaan inay door yar ka ciyaarayaan. Go'aamada istaraatiijiyadeed ayaa noqday kuwo imika lagu saleeyo go'aammo millateri oo degdegah, siyaasadeed ama amni, halkii laga eegi lahaa waafaqsanaanta sharciga caalamiga ah ama oggolaanshaha dhinacyo badan.

Dhanka Iran, wejihidda xaaladdan o kale ma aha wax gebi ahaanba ku cusub. Tobannaan sano ayay dalkaasi ku jiray cunaqabateyn caalami ah iyo go'doon siyaasadeed. Muddo ka dib, wuxuu sameeyay shabakado iyo hannaan dhaqaale oo uu kaga gudbo xayiraadahaas. Inkastoo uu la kulmay mid ka mid ah nidaamyada cunaqabateyneed ee ugu adag dunida, Iran waxay sii wadday dhoofinta saliidda iyo ilaalinta saameynteeda gobolka.

Badanaana, Iran, falcelinteeda siyaasi waxa ay ahaan jirtey mid miisaaman. Jawaabaha Iran ee khilaafaadyadii hore waxay inta badan ujeedkoodu ahaa in la kordhiyo qiimaha kaga baxaya tallaabooyinkaas cadowgeeda, iyada oo aan la kicin dagaal ballaadhan oo gobolka ka dhaca. Ujeeddada guud badanaa waxay ahayd in cadaadis dhaqaale ama siyaasadeed lagu saaro dhinacyada ka soo horjeeda ilaa ay quwadaha kale ku riixaan in xiisaddaas la dejiyo

Trump
Qoraalka sawirka, Xarunta Haayadda Bisha Cas ee Geneva
.

Istaraatiijiyadda militari ee Israel muddo dheer waxay ku salaysnayd tallaabooyin degdeg ah oo go'aankoodu ku salaysan yahay marka hoggaanku u arko in khatar weyn ku soo aaddan tahay ama soo if baxayso. Weerar hore (pre-emptive strikes) iyo adeegsiga awood xooggan ayaa joogto u ahayd

Sanadihii u dambeeyay, ficillada Israel ee colaadaha sida dagaalka Gaza ayaa wajahaya baadhitaan iyo dhaliil sii kordhaysa oo ka imanaysa hay'adaha sharciga caalamiga ah, sida International Court of Justice iyo International Criminal Court. Si kastaba, Israel waxay weli ku xisaabtameysaa in mudnaanta amnigeedu ay u oggolaanayso tallaabo militari oo adag, gaar ahaan iyadoo ay haysato taageero istaraatiiji ah oo xooggan oo ka timaadda Maraykanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, Maraykanka waxa uu ku jiraa xaalad ka duwan nidaamkan. Washington ma ahayn oo keliya ka-qaybgalaha nidaamka caalamiga ah ee ka dhashay wixii ka dambeeyay Dagaalka Koowaad, balse waxay door muhiim ah ku lahaayeen dhismahiisa iyo sii jiritaankiisa. Isbahaysiyada, hay'adaha iyo xeerarka sharci ee la sameeyay dagaalka ka dib ayaa badanaa kor u qaaday saameynta Maraykanka ee caalamka.

Waqtigii ugu dhowaa ee Maraykanku si cad uga leexdo nidaamkaas wuxuu ahaa intii lagu jiray duullaankii 2003 invasion of Iraq. Xitaa markaas, Washington waxay isku dayday inay hawlgalka u muujiso mid ka tirsan iskaashi ballaaran. Waxa loogu yeeray "coalition of the willing" waxaa ku jiray dalal sida United Kingdom, Australia iyo Poland, iyo dowlado kale oo badan oo bixiyay taageero kala duwan. Inkastoo sharciyadda dagaalka si weyn loo muransanaa, Maraykanku weli wuxuu isku dayay inuu ku daro hawlgalkaas qaab iskaashi caalami ah.

Iska horimaadka u dhexeeya Maraykanka, Israel iyo Iran wuxuu muujinayaa in xeerarkii caalamiga ahaa aan si weyn loo tixgelin sida hore. Hoggaamiyeyaasha, sida Donald Trump, waxay adeegsanayaan hadallo iyo tallaabooyin qayaxan oo ka duwan kuwii hore, kuwaas oo gebi ahaanba ka madhan dhaqan diblomaasiyad.

Sidoo kale, Maraykanka wuxuu si xooggan u adeegsanayaa cadaadis dhaqaale, xitaa waddammada xulafada la ahaa, arrimo la xidhiidha ganacsiga, difaaca iyo siyaasado kale.

Mustaqbalka, haddii xeerarka caalamiga ah la iska indho tiro, dalal kale ayaa laga yaabaa inay sidaas oo kale sameeyaan.

Dhanka Iran, waxay horey ugu dhaqmi jirtay si taxaddar leh, iyada oo kordhisa cadaadiska, balse ka fogaata dagaal ballaaran.

Trump

Markii Iran ay weerartay saldhigga Maraykanka ee Al Udeid Air Base ee Qatar, waxay hore u siisay digniino aan rasmi ahayn si looga fogaado dagaal ballaaran. Xitaa jawaabteedu waxay ahayd mid la xakameeyay.

Laakiin colaadda hadda jirta, arrintaas way is beddeshay. Kadib dilkii Ayatollah Ali Khamenei, Iran waxay si toos ah u weerartay goobo Maraykan ah oo ku yaalla gobolka, waxayna sidoo kale carqaladeysay marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

Taas oo keentay, in qiimaha tamarta uu si degdeg ah u kacay. Ganacsiga iyo maraakiibta caalamka uu saameyn ku yeeshay

Dalal waaweyn sida Russia iyo China ayaa si dhow ula socda, maadaama xaaladdan ay beddeli karto nidaamka caalamiga ah.

Trump

Europe hadda saameyn yar ayay ku leedahay dagaalkan, waxay u badan tahay inay kaliya daawanayso, halkii ay hoggaamin lahayd.

Dagaalkani wuxuu muujinayaa in nidaamkii caalamiga ahaa ee jiray tan iyo dagaalkii labaad ee Dunida uu meesha ka sii baxayo.

Haddii kala danbaynta iyo xeerarkaasi lumaanna, waxa ay ka dhigan tahay in dunidu noqonayso mid aan la saadaalin karin. Dalalku waxay miciinsan doonaan awooddooda, halkii ay u hoggaansani lahaayeen sharciyada.

Taas oo ka dhigan dalalkii xitaa nidaamkaas dhisay ayaa la kulmi karaan cawaaqib adag oo lama filaan ah.