Trump oo ugu baaqay UK iyo dalal kale inay maraakiib dagaal usoo diraan Marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Maia Davies
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Donald Trump ayaa ku boorriyay UK iyo dalalka kale inay maraakiib dagaal u diraan marin biyoodka Hormuz si ay gacan uga geystaan sugidda marinka muhiimka ah ee maraakiibta ee ka baxaya Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uu rajaynayo in dalalka China, France, Japan iyo South Korea ay sidoo kale maraakiib u soo diraan marinka, halkaas oo la sheegay in tiro maraakiib ah lagu weeraray tan iyo markii Maraykanka iyo Israa'iil ay qaadeen dagaalka ka dhanka ah Iran labo toddobaad ka hor.
Iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump, Wasaaradda Difaaca UK waxay sheegtay inay kala hadlayso xulafada "doorashooyinka kala duwan ee lagu xaqiijinayo ammaanka maraakiibta gobolka".
Tehran ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xannibaadda marinka - kanaalka maraakiibta shidaalka ee ugu mashquulka badan adduunka kaas oo qiyaastii 20% sahayda shidaalka adduunka ay inta badan maraan.
Xiritaanka marinkaas iyo weerarrada lagu qaaday maraakiibta iyo kaabayaasha tamarta tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, waxay keentay kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha shidaalka adduunka.
Trump ayaa maalinnimadii Sabtida ku qoray bartiisa Truth Social in "dalal badan" ay soo diri doonaan maraakiib dagaal oo ay weheliyaan Maraykanka si ay gacan uga geystaan in marinkaas uu ahaado "mid furan oo ammaan ah." Wuxuu sheegay in "100% awoodda ciidan ee Iiraan" horay loo burburiyay, balse Tehran ay weli "soo diri karto diyaarad aan duuliye lahayn ama labo, dhigi karto miino, ama ay gantaal ridmo dhow ku tuuri karto meel ka mid ah marinkaas."
"Waxaan rajaynayaa in Shiinaha, Faransiiska, Jabbaan, Kuuriyada Koonfureed, Boqortooyada Ingiriiska, iyo kuwa kale ee uu saameeyay culeyskan macmalka ah ay maraakiib u soo diri doonaan aagga, si Marinka Hormuz uusan hadda ka dib khatar ugu noqon qarankan gebi ahaanba laga adkaaday," ayuu raaciyay. "Dhanka kale, Mareykanku wuxuu si ba'an u duqeyn doonaa xeebaha, wuxuuna si joogto ah badda uga saari doonaa doomaha iyo maraakiibta Iiraan. Si kasta oo ay ahaataba, dhowaan waxaan ka dhigi doonnaa Marinka Hormuz mid FURAN, AMMAAN ah, oo XOR ah!"
Trump ayaa mar kale Sabtidii gelinka dambe soo celiyay baaqiisa—isagoo u fidiyay dhammaan "Waddamada Caalamka ee saliidda ka hela Marinka Hormuz"—wuxuuna sheegay in Mareykanku uu siin doono taageero "badan" kuwa ka qaybqaata.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hanjabay inuu beegsan doono kaabayaasha muhiimka ah ee shidaalka Iiraan ee ku yaalla Jasiiradda Kharg, haddii madaxda dalkaas ay "faragelin" ku sameeyaan maraakiibta doonaya inay maraan Marinka Hormuz. Wuxuu sheegay in Mareykanku uu Jimcihii "baabi'iyay" bartilmaameedyo ciidan oo ku yaalla jasiiraddaas yar ee ka baxsan xeebta Iiraan, isagoo ku tilmaamay "mid ka mid ah duqeymihii ugu xoogganaa ee abid ka dhaca taariikhda Bariga Dhexe."
Ciidanka Iiraan ayaa sheegay in kaabayaasha shidaalka iyo tamarta ee ay leeyihiin shirkadaha la shaqeeya Mareykanka "isla markaaba la burburin doono" haddii la weeraro kaabayaasha shidaalka ee jasiiraddaas. Tehran ayaa kordhisay weerarrada noocaas ah ee lagu hayo bartilmaameedyada tamarta ee Gacanka, kuwaas oo noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah jawaabta ay ka bixinayso weerarrada Mareykanka iyo Israa'iil. Waxay Khamiistii ka digtay in markab kasta oo u raran Mareykanka, Israa'iil ama saaxiibbadood uu yahay bartilmaameed sharci ah.
Hay'adda Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee 12-kii Maarso ku sheegtay in 16 markab la soo sheegay in lagu weeraray gudaha iyo hareeraha marinka tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay 28-kii Febraayo. Xilligan, xataa ciidanka badda ee Mareykanka ma galbinayaan maraakiibta booyadaha ah ee maraya marinkaas cidhiidhiga ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Farriinta Trump ayaa timid toddobaad ka dib markii uu sheegay in Mareykanka uusan u baahnayn UK inay u soo dirto diyaarado xambaara gobolka, wuxuuna ku eedeeyay Ra'iisul Wasaare Sir Keir Starmer inuu doonayo "inuu ku biiro dagaalka ka dib markii aan horay u guuleysannay".
Waxa uu sidoo kale u sheegay kanaalka CBS ee BBC kala howl-gala Mareykanka in "uusan dan ka lahayn" haddii xulafadu ay wax badan ka caawin karaan dagaalka, isaga oo intaa raaciyay: "Waqti yar ayay daahday in la diro maraakiib, sax? In yar baa laga soo daahay."
Waxa uu horey u dhaleeceeyay Sir Keir inuusan ku biirin weerarradii ugu horreeyay ee Iran oo uu diiday markii hore inuu u oggolaado Mareykanka inuu u isticmaalo saldhigyada UK duullaanka wadajirka ah ee Israa'iil - isagoo ugu yeeray "maya Winston Churchill".
Ra'iisul wasaaraha ayaa markii dambe ansixiyay "difaaca" tallaabada Mareykanka ee goobaha gantaallada Iran ee RAF Fairford ee Gloucestershire iyo Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, isagoo sheegay in jawaabta Iran ay noqotay mid khatar ku ah Britain.
Markabkii ugu horreeyay ee UK ay leedahay oo ah nooca dagaalka oo lagu wado inuu joogo gobolka - nooca 45 ee wax burburiya HMS Dragon - ayaa u dhoofay Qubrus Talaadadii, halkaas oo uu ku xoojin doono RAF Akrotiri ka dib markii ay duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Hoggaamiyaha xisbiga Liberal Democrats, Sir Ed Davey ayaa Sabtidii sheegay in Sir Keir ay waajib ku tahay "inuu meesha ka saaro in la geeyo maraakiibta Britain sababtoo ah Trump ayaa u sheegay".
"Toddobaadkii hore, Trump waxa uu sheegay in aanu u baahnayn caawinta Britain, sababtoo ah mar hore ayuu ku guulaystey dagaalkan. Markaa waa in aynaan u oggolaan in uu UK ku riixo hadda.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa horay u sheegay in uu diyaar u yahay in uu maraakiib dagaal u diro gacanka si uu u noqdo "hawlo galbineed" - balse mar kaliya ayaa la soo afjaray "wajigii ugu adkaa ee khilaafka"













