Rajada wadahadalka Mareykanka iyo Iran oo cadaadis saaray Netanyahu

    • Author, Lucy Williamson
    • Role, Middle East correspondent
    • Reporting from, Tel Aviv
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Iyadoo ay jiraan calaamado iskhilaafsan oo ku saabsan qorshaha Mareykanka ee wadahadallo cusub oo lala yeesho Iran, haddana waxaa sii socda isdhaafsiga rasaasta ee u dhaxaysa Iran iyo Israa'iil—oo ah labada cadowga isku ah ee ugu weyn Bariga Dhexe.

Iran ayaa xalay dhowr gantaal ku ridday bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta Israa'iil, ka dib markii Israa'iil ay Isniintii fulisay "tobnaan" weerar oo xagga cirka ah oo ka dhex dhacay gudaha Iran.

Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay inay garaaceen xarumaha taliska ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), wasaaradda sirdoonka ee Tehraan, bakhaarro hub iyo nidaamyada difaaca hawada.

Agagaarka goobta u dambaysay ee uu qaraxu ka dhacay waqooyiga Tel Aviv, balakoonnada dhismooyinka ayaa dumar, darbiyaduna waxay ku dhex daadanayaan god weyn oo u dhexeeya dhismooyin deegaan ah.

Wararka maxalliga ah ayaa soo jeedinaya in tani ay ahayd weerar toos ah oo ka yimid gantaalIran laga soo ganay oo si dirqi ah ku dhaafay dhowr dhismo oo dabaqyo ah. Lix qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, inkastoo aysan jirin dhaawacyo halis ah.

Nin deggen dhabarka dambe ee goobta uu gantaalku ku dhacay ayaa BBC-da u sheegay inuusan helin waqti uu ku tago gabbaadka markii uu yeeray seeriga digniinta, uuna markii uu albaabka hore gaarayba qaraxu dhacay.

Wuxuu sharraxay sida isagoo caga-cad uu uga cararaya gurigiisa iyadoo quraaraduhu ay hareerihiisa ku jajabayaan. Wuxuu sheegay in markii uu dib u jalleecay uu dab durba ka dhex kacay burburka gadaashiisa yaallay.

Weli waxaa jira hadal-hayn ballaaran oo ku saabsan ujeeddada Donald Trump ee ah inuu wadahadal cusub la furo Tehraan; wadahadallada ayuu Aqalka Cad hore ugu isticmaalay si uu ugu qariyo kororka hawlgallada milateri, waxaana hadda Bariga Dhexe loo soo dirayaa kumannaan askari oo kuwa baddan ee Mareykanka ah.

Laakiin qaar ka mid ah dadka Israa'iil, hadal-haynta wadahadalku waa calaamad kale oo muujinaysa in madaxweynaha Mareykanka uu raadinayo waddo uu uga baxo dagaalka, iyo in ujeeddooyinka Israa'iil iyo xulafadeeda awoodda weyn ay bilaabeen inay kala fogaadaan.

"Benjamin Netanyahu ma rabo heshiis," ayuu yiri Michael Milstein, oo ah sarkaas hore oo sirdoonka milateriga Israa'iil ah, oo haddana madax ka ah Xarunta Daraasaadka Falastiiniyiinta ee Jaamacadda Tel Aviv.

"Waxaa jira nooc iska horimaad ah oo u dhexeeya mowqifka Trump iyo kan Netanyahu," ayuu u sheegay BBC-da.

"Netanyahu wuxuu rabaa inuu sii wado dagaalka. Wuxuu ballanqaaday in dagaalkani uu soo afjari doono dhammaan khataraha jira ee ka dhanka ah Israa'iil, lagana yaabo inuu xitaa abuuro xaalado horseeda isbeddel maamul oo ka dhaca Iran, hadda waxaa jira farqi u dhexeeya ballanqaadyadiisa iyo waxa dhulka ka socda."

Haddii Trump ay dhab ka tahay helidda waddo looga baxo dagaalkan, ayuu yiri, ra'iisul wasaaraha Israa'iil wuxuu geli karaa xaalad aan macquul ahayn.

"Waa xaalad cakiran, sababtoo ah haddii wadahadal jiro, ma awoodi doono inuu sii dhiirrigeliyo dagaalka, mana ku dhihi karo Donald Trump, 'Dagaalka adiga la'aantaa ayaan sii wadayaa'. Wuxuu fahamsan yahay inay tahay inuu aqbalo."

Laakiin Netanyahu wuxuu ku socdaa waddo aad u dhuuban, ka dib markii uu ballanqaaday in dagaalkani uu soo afjari doono khatarta tooska ah ee kaga imaanaysa Iran iyo kooxaha ay u adeegsato gobolka. Heerka heshiis uu ka iibin karo codbixiyayaasha Israa'iil iyo xulafadiisa ayaa aad u sarreeya xilligan.

"Israa'iiliyiintu waxay rabaan in dagaalku dhammaado. Waxaan kaliya fahamsanahay in habka saxda ah ee lagu soo afjari karo ay tahay inaan ka guulaysanno nidaamka Iran, ee ma aha inay tani dib noogu soo noqoto si ay mar kale noo dhibto," ayuu yiri Dan Illouz, oo ah xubin kale oo ka tirsan baarlamaanka kana tirsan xisbiga Likud.

"Waxaan isku daynay siyaasaddii xakamaynta waagii hore, waxaan ku samaynay Xamaas, waxaana aragnay inay nagu qaraxday 7-dii Oktoobar, markaa ma rabno inay wax la mid ah ku dhacaan Iran."

Ka dib markii uu la hadlay Madaxweyne Trump Isniintii, Netanyahu wuxuu sheegay in Israa'iil ay sii wadayso weerarka ay ku hayso labadaba Iran iyo Lubnaan, uuna "ilaalin doono danta muhiimka ah ee Israa'iil xaalad kasta".

Wasiirka Difaaca Israa'iil, Israel Katz, ayaa sheegay Talaadadii in ciidamada Israa'iil ay aag ammaan ah ka samayn doonaan dhul ballaaran oo Lubnaan ah oo ku yaalla koonfurta webiga Litani, dadka deegaankana aan loo oggolaan doonin inay ku soo laabtaan ilaa ay bulshooyinka Israa'iil ka badbaadaan weerarrada Xisbullaah oo ay Iran taageerto.

Waxaa si weyn loo filayaa in Israa'iil ay sii waddo ololaheeda milateri ee ka dhanka ah Xisbullaah, xitaa haddii heshiis laga gaaro soo afjaridda dagaalka Iran.

Laakiin falanqeeyaha Iran ee Danny Citrinowicz, oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Tel Aviv, ayaa sheegay in heshiis lala galo Iran uusan u muuqan mid dhici kara, sababtoo ah farqiga u dhexeeya mowqifyada iyo waxyaabaha laga filayo ayaa aad u ballaaran oo keenaya in aan la isku soo dhowayn karin.

"Dhinaca Iran, waxay u arkaan inay guulaysanayaan, oo aysan guul-darraysanayn, markaa waxay dalban doonaan magdhow iyo dammaanad," ayuu yiri. "Dhinaca kale, waxaad haysataa Trump oo u malaynaya in [Iran] ay aqbali doonto dhammaan shuruudaha Mareykanka laga bilaabo billowgaba."

Si loo gaaro heshiis, ayuu yiri, Trump iyo Netanyahu waa inay midkood beddelaan nidaamka, ama ay ka tanaasulaan shuruudahooda.

"Nidaamkani uma dhowa inuu is dhiibo—ma siin doonaan Mareykanka wax aysan siin dagaalka ka hor," ayuu yiri. "Waxay gacanta ku hayaan marin-biyoodka halbowlaha u ah dhaqaalaha adduunka—Marinka Hormuz—oo ah mid ka mid ah waddooyinka shidaalka ee ugu mashquulka badan adduunka, kaas oo ay Iran xirtay—waxayna dareemayaan inay gacan sare ku leeyihiin wadahadallada."

Kalsoonidaas waxaa sii xoojiyay ka noqoshadii Trump ee digniintii toddobadkii hore uu u diray Iran ee ahayd inay dib u furto Marinka Hormuz, haddii kalena ay la kulmi doonto weerarro ballaaran oo lagu qaado kaabayaasha tamarta.

Wuxuu ka noqday hanjabaaddaas ka dib markii Tehraan ay ku hanjabtay inay ka aarsan doonto goobaha tamarta ee xiriirka la leh Mareykanka ee gobolka.

Falanqeeyeyaasha ayaa tilmaamay in Donald Trump uusan wax badan ku weyneynin haddii uu muujiyo in Mareykanku u furan yahay wareeg cusub oo wadahadallo ah—hadday tahay mid loogu talagalay in lagu dejiyo suuqyada tamarta, lagu abuuro kala qaybsanaan dhex marta hoggaanka Iran, ama lagu iibsado waqti loo diyaariyo tallaabo milateri oo cusub.

Mid ka mid ah indha-indheeyeyaasha ayaa ii sheegay inaysan layaab noqon doonin haddii uu Jimcaha ku soo tooso weerar milateri oo cusub oo Mareykanku ku qaado Iran. Dagaalkan ayaa hadda u muuqda mid u dhexeeya is-dhiibid iyo kasii darid, iyadoo aanay jirin dhinac weli daciif ah oo u hoggaansama heshiiska uu rabo dhinaca kale.