Trump oo ku hanjabay inuu adeegsan doono ciidamada ICE iyo Ilhan Cumar oo u jawaabtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu ciidamo ka tirsan hay'adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) u diri doono si ay u sugaan amaanka garoomada diyaaradaha, haddii aan la gaarin heshiis lagu maalgelinayo Waaxda Amniga Gudaha (DHS).
"Waxaan u dhaqaajin doonaa saraakiisheenna ICE ee xariifka ah, wadaniyiintana ah dhanka garoomada diyaaradaha, halkaas oo ay ka qaban doonaan hawlo ammaan oo noociisa oo kale aan horey loo arag," ayuu ku yiri Trump qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa u jawaabtay Trump, iyadoo xasuusisay inay hayso hal xafiis oo kaliya.
"Ninkan kuma guuleysan karo hal doorasho oo ka dhacda Minnesota, laakiin sida muuqata waxaan ku guuleystay saddex xafiis isku mar," Ilhaan ayaa sidaa ku qortay barta X.
Waaxda amniga gudaha DHS ayaan helin wax maalgelin ah tan iyo bartamihii bishii Febraayo, ka dib markii Congress-ku uu ku guuldareystay inuu gaaro heshiis dhanka miisaaniyadda ah, taas oo ka dhigtay in ilaaladii caadiga ahayd ee garoomada ay shaqeeyaan mushaar la'aan.
Sharcigii lagu maalgelin lahaa DHS, laguna bixin lahaa mushaaraadka saraakiisha hay'adda amniga gaadiidka (TSA) ee garoomada diyaaradaha, ayaa ku guuldareystay inuu ansaxiyo Aqalka Sare jimcihii.
Maamulka Trump ayaa dib-u-dhaca ku eedeeyay xubnaha Dimuqraadiga, kuwaas oo diiday inay meelmariyaan maalgelinta iyado aan dib-u-habayn lagu samayn hay'adda ICE, oo hoos tagta waaxda Amniga Gudaha (DHS).
Caqabaddan ayaa ka dhigan in kumanaan shaqaale ah oo u shaqeeya hay'adda TSA oo iyaduna hoos tagta DHS ay mushaar la'aan ku shaqaynayeen muddo ka badan bil.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wararka ayaa sheegaya in in ka badan 300 oo shaqaale oo ka tirsan TSA ay shaqada ka tageen muddadaas, halka warbaahinta Mareykanku ay sheegtay in maqnaanshiyaha shaqaalaha ee aan qorshaysnayn uu labanlaab ka badnaaday intii hore.
Safaf dhaadheer ayaa ka dhashay garoomada diyaaradaha, mas'uuliyiinta ururka shaqaaluhuna waxay soo sheegeen in qaar ka mid ah saraakiisha ay bilaabeen inay qabtaan shaqooyin labaad. Qaar ka mid ah garoomada ayaa ururinaya kaararka hadiyadaha iyo xirmooyin raashin ah oo loogu talagalay shaqaalaha TSA.
"Shaqaale aad u badan ayaa iisoo sheegay in xisaabaadkooda bangigu ay eber yihiin ama deyn lagu leeyahay," Johnny Jones, oo ah sarkaal ka tirsan ururka shaqaalaha dowladda ee AFGE fadhigiisuna yahay Dallas, ayaa u sheegay USA Today.
"Ma jiraan lacag xanaanada carruurta ah, ma jirto lacag raashin ah. Waxay rabaan oo kaliya inay ogaadaan sababta dhibka leh ee loogu bixin waayay mushaarkooda, xilli aan haysano lacag aan gantaallo ugu ridno dalal kale," ayuu yiri.
ICE ayaa door muhiim ah ka qaadatay ololaha adkaynta socdaalka ee maamulka Trump, iyadoo samaysay kumanaan xirig ah tan iyo markii uu Trump ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo 2025. Xeeladaha ay adeegsato hay'addu waxay la kulmeen dhaleecayn xooggan oo kaga timid xubno badan oo Dimuqraadi ah, kooxaha xuquuqul aadanaha iyo ururada aan dowliga ahayn
Trump ayaa qoraalkiisa uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in la geyn doono saraakiisha ICE laga bilaabo maalinta Isniinta "haddii aysan Dimuqraadiyiintu oggolaan Amni caddaalad ah oo habboon oo laga hirgeliyo garoomadayada diyaaradaha, iyo meelo kale oo dalkeenna ah."
Saraakiisha ICE si gaar ah looguma tababarin sugidda amniga garoomada diyaaradaha.
In kasta oo ay hoos tagto waaxda amniga gudaha DHS, haddana ICE si weyn uma saamaynin xirnaanshaha qayb ahaan ee dowladda, sababtoo ah Congress-ka ayaa horay hay'addaas ugu qoondeeyay maalgelin gaar ah.
Xubnaha Dimuqraadiga ayaa dalbanayay in dib-u-habayn lagu sameeyo ICE ka dib markii saraakiisha federaalku ay dileen laba qof oo degganaa Minneapolis, kuwaas oo kala ahaa Alex Pretti iyo Renee Good, xilli ay ka mudaaharaadayeen weerarada socdaalka ee maamulka Trump uu ka fuliyay Minnesota bishii Janaayo.
Dimuqraadiyiintu waxay codsadeen in DHS ay ka mamnuucdo saraakiisha socdaalka xirashada maaskaro wajiga ah, inay bixiyaan aqoonsi kafiican kan hadda ee saraakiisha, iyo inay adkeeyaan xeerarka lagu helo waaranada maxkamadda.













