Iran oo UK ugu digtay inay Maraykanka oggolaanshaha u siiso inuu adeegsado saldhigyadiisa

Downing Street ayaa sheegtay in UK "aysan ku lug lahayn dagaalka ballaaran" ka dib Iran ugu digtay UK in adeegsiga Maraykanka saldhigyadooda loo tixgelin doono "ka qaybgalka gardarrada."

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ingiriiska oo oggolaaday in Maraykanku isticmaalo saldhigyadiisa bariga dhexe

    Ingiriiska ayaa oggolaatay in saldhigyadiisa loo isticmaalo weerarada Maraykanku ka dhanka ah goobo Iiraan ee lala xiriirinayo weerarrada ka dhacaya marin-biyoodka Strait of Hormuz.

    Xafiiska looga arrimiyo UK ee Downing Street ayaa horey u oggolaaday in ciidamada Maraykanku isticmaalaan saldhigyada Britain si ay u fuliyaan hawlgallo looga hortagayo in Iiraan riddo gantaallo halis gelin kara danaha ama nolosha dadka British-ka ah.

    Laakiin wasiirradu waxay ku heshiiyeen kulan maanta dhacay in isticmaalka saldhigyada Britain ee Maraykanka la ballaarin karo, si ay u ilaaliyaan maraakiibta ku sugan marinka Hormuz.

    UK si toos ah uguma lug yeelan doonto weerarradan, xafiiska Downing Street-na waxuu sheegay in “mabaadi’da hagaya habka UK ay u wajahdo colaaddan ay weli sidoodii yihiin”.

    Afhayeen u hadlay Downing Street ayaa sheegay in wasiirradu maanta ku heshiiyeen in saldhigyada loo isticmaali karo “hawlgallo difaac ah oo Maraykan ah” si loo beegsado “awoodaha loo adeegsanayo weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ku sugan marinka Hormuz”.

    Waxay intaas ku dareen in “wasiirradu ay adkeeyeen baahida degdegga ah ee loo qabo dejinta xiisadda iyo helitaanka xal degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaalka.”

    Warar dheeraad ah:

  2. Dowladda Ingiriiska oo digniin culus u dirtay Iiran

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper,

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper, ayaa uga digtay dhiggeeda Iiraan, Abbas Araghchi, inuusan weerarin saldhigyada UK intii lagu jiray wicitaan taleefoon oo dhacay Khamiistii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK.

    Arrintan ayaa timid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ay faahfaahin ka bixisay wicitaankaas, iyadoo Abbas Araghchi uu uga digay in oggolaanshaha Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyada Britain ay ka dhigan tahay “ka qaybqaadasho gardarro”.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa sheegtay in intii wicitaanka socday, Yvette Cooper ay cambaaraysay “weerarrada aan masuuliyadda lahayn ee Iiraan”, oo ay ku jiraan duqeymaha ka dhanka ah “kaabayaasha tamarta muhiimka ah”.

    Waxay sidoo kale ku baaqday “in si degdeg ah dib loogu soo celiyo xorriyadda maraakiibta” ee marinka Hormuz, waxayna “si cad u sheegtay” in hawlgallada difaaca ee UK ay yihiin “jawaab ka dhan ah gardarrada Iiraan” ee ka dhanka ah dalalka Khaliijka.

  3. Intee dhan tahay waxyeelada soo gaartay Warshadda sifeysa shidaalka ee Haifa?

    Warshad

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, watshad

    Shirkadda maamusha warshadda sifaynta shidaalka ee ku taalla magaalada Haifa ee israa'iil ee ay bartilmaameedsatay Iiraan Khamiistii ayaa sheegtay in warshaddu waxyeello gaartay, balse inta badan xarumaheedu ay weli shaqeynayaan.

    Sida ay werisay Reuters, shirkadda ayaa sheegtay in weerarradu ahaayeen kuwo “xaddidan” (localized), kuwaas oo waxyeello u geystay qaar ka mid ah kaabayaasha muhiimka ah, balse aysan jirin wax dhaawac ah ama khasaare naf ah.

    Shirkaddu waxay sidoo kale intaas ku dartay in qaybihii wax-soo-saarka ee la hakiyay dib loo hawlgelinayo.

    Warshaddan sifaynta shidaalka, oo ku taalla Haifa Bay waqooyiga Israa’iil, waa xarunta ugu weyn ee sifaynta shidaalka ee dalka.

    Haifa waa mid ka mid ah laba warshadood oo sifayn ah oo weli shaqeeya Israa’iil, waxayna leedahay muhiimad weyn maadaama ay bixiso ku dhowaad 60% shidaalka naaftada iyo 50% baatroolka dalka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay S&P Global.

    Warar dheeraad ah:

  4. Mareykanka oo kumanaan askari oo dheeraad ah u diraya Bariga Dhexe

    USS Boxer ayaa lagu soo waramayaa in loo daabulayo Bariga Dhexe

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, USS Boxer ayaa lagu soo waramayaa in loo daabulayo Bariga Dhexe

    Maraykanku wuxuu dirayaa kumannaan dheeraad ah oo Marines iyo badmaaxiin ah Bariga Dhexe, sida ay sheegayaan warbixino kala duwan oo soo xiganaya saraakiil aan magacooda la shaacin.

    Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in qiyaastii 2,500 oo Marines ah oo saaran markabka USS Boxer ee saldhiggiisu yahay California iyo cutubka 11aad ee Marine Expeditionary Unit ay u socdaan Bariga Dhexe, sida ay warbaahinta Maraykanku sheegtay.

    Mid ka mid ah saraakiisha ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dirista ka imanaysa xeebta galbeed ay ka soo hormartay saddex toddobaad ka hor jadwalkii la qorsheeyay.

    Warar dheeraad ah:

    La wadaag, Mareykanka oo hub culus ka iibinaya imaaraadka

  5. hoggaamiyaha sare ee Iran oo sheegay inaysan ka dambayn laba weerar oo lagu qaaday labadan dal

    .

    Xigashada Sawirka, Iran President Press Office / Handout /Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Marka laga hadlayo dalalka deriska la ah Iran, wuxuu sheegay in Iran ay u aragto deriskeeda bari kuwo "aad ugu dhow" - isagoo farta ku fiiqay Pakistan inay tahay dal "si gaar ah uu u jeclaa" aabihiis.

    Khamenei wuxuu codsaday xiriir wanaagsan oo dhex mara Pakistan iyo Afghanistan, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay "inuu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah" dhankiisa.

    Isagoo tixraacaya weeraradii lagu qaaday dalalkan deriska ah intii uu dagaalku socday, wuxuu ku sheegtay in "weerarradii lagu qaaday Turkiga iyo Cumaan, oo labaduba xiriir wanaagsan nala leh, kuwaas oo lala beegsaday qaybo ka mid ah dalalkaas, aysan marnaba fulin ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo ciidamada kale ee Isbahaysiga Iska caabinta”

    Mawduucan, wuxuu ku eedeeyay Israa’iil inay adeegsanayso "dhagar" ay ku dhex dhigayso Iran iyo deriskeeda.

    Tani waxay ka dhigan tahay farqi weyn marka loo eego fariimihii Nowruz ee uu jeedin jiray aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo dhaqan ahaan fariinta ka jeedin jiray kamarada horteeda.

    Mojtaba Khamenei, oo loo doortay inuu beddelo aabihiis horraantii bishan, ayaan weli loo arkin si fool-ka-fool ah -, sidoo kalena lama duubin ama lama sawirin tan iyo markii la doortay. Ilaa hadda dhowr fariimood oo qoraal ah oo isaga ka timid ayaa waxaa baahiyay warbaahinta Iran.

  6. Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei oo qoraal soo saaray

    ,

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, ,

    Hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa soo saaray farriin qoraal ah oo ku saabsan munaasabadda sannadka cusub ee Faarisiyiinta ee Nowruz, taas oo laga akhriyey telefishinka qaranka.

    Farriintiisa oo ka kooban sagaal bog, waxaa sidoo kale baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta dalka Iran. Farriintaas dhexdeeda, wuxuu ku sheegay in dalka Iran uu soo maray saddex dagaal sannadkan gudihiisa: mid uu la galay Israa’iil bishii Juun, dagaalka hadda socda, iyo dagaalka saddexaad oo ah dibadbaxyada dhimashada dhalay ee ka dhanka ah nidaamka kuwaas oo billowday dabayaaqadii bishii Diseembar ee sannadkii hore.

    Wuxuu ammaanay dadkii ka qayb qaatay isu-soo-baxyada lagu taageerayay nidaamka, wuxuuna dadka ka codsaday inay xusaan munaasabadda Nowruz iyadoo la tixgelinayo in aabihiis, Ayatollah Ali Khamenei, dhowaan lagu dilay dagaalka.

    Hoggaamiyaha Sare wuxuu ku tilmaamay dhimashadii aabihiis ee dhacday 28-kii Febraayo inay tahay "musiibo shahiidnimo" oo ku timid "hoggaamiyihii la jeclaa". Khamenei wuxuu sidoo kale soo saaray halkudhigga sannadkan, kaas oo ah: "Adkaysi dhaqaale, Midnimada Qaranka iyo Amniga Qaranka."

  7. Trump oo xog cusub ka sheegay dagaalka Iran

    Trump ayaa ku bilaabay isagoo hadlayey in Maraykanku uu “inuu wax wanaagsan ka qabtay Iran”

    Wuxuu shegay in Iran “aysan laahyan mar dambe ciidan baddeed” iyo 58 markab ay “burburiyeen” laba maalmood isagoo xusay in Maraykanku haysto “ciidmaada badda ee ugu weyn adduunka”

    “Waxaan ka qabanay wax wanagasan”ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inay oggolaan doonin in Iiran yeelato hubka Nukliyeerka sababtoo ah “hadday helaan waa adeegsanayaan”

    .

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, .
  8. Ururka Xisbullah oo beeniyey war ka soo baxay Imaaraadka Carabta

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Xisbullah ayaa maalintii Jimcaha iska fogeeyay wax ay ugu yeereen eedaymo "la dhow dhowray," ka dib markii mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta ay ku dhawaaqeen inay fashiliyeen "shabakad argagixiso" oo xiriir la leh kooxdaas iyo taageeraheeda Iiraan, iyadoo la xiray ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan kooxdaas.

    Tani waa markii saddexaad muddo toddobaad gudihiis ah oo Xisbullah ay inkirto wax xiriir ah oo ay la leedahay shabakado lagu xirxiray dalalka Khaliijka, oo ay ku jirto dalka Kuwayt, kaas oo ku dhawaaqay xarigga 26 qof oo toddobaadkan lala xiriiriyay xisbiga.

    Ururka ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in "uusan wax joogitaan ah ku lahayn gudaha Imaaraadka Carabta ama dalalka kale, hadday ahaan lahayd magac kale, magac ganacsi, ama si kasta oo kale."

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM ayaa soo xigatay Adeegga Amniga Qaranka ee Imaaraadka horraantii Jimcihii, iyagoo sheegay in shabakadu ay "isku dayday inay dhex gasho dhaqaalaha qaranka oo ay fuliso qorsheyaal khatar gelinaya xasilloonida maaliyadeed ee dalka," taas oo qayb ka ah "qorshe hore loo soo agaasimay oo lala xiriirinayo dhinacyo dibadda ah oo xiriir la leh Xisbullah iyo Iiraan

  9. Trump oo isbahaysiga NATO ku tilmaamay “Fulayo”

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaan hadda maqalnaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo xulafada Nato ku tilmaamay "fulayo" isla markaana sheegay inay "fududahay" inay oggolaadaan in maraakiibtu si ammaan ah ku maraan Marinka Hormuz.

    Halkan waa qoraalkiisa oo dhammaystiran oo uu soo dhigay bartiisa bulshad aee Truth Social:

    "Mareykanka la’aantiisa , NATO WAA SHABEEL WARQAD AH! Ma aysan rabin inay ku soo biiraan dagaalka lagu joojinayo Nukliyeerka Iran.

    "Hadda oo dagaalkaas dhanka Millatariga looga GUULEYSTAY, ayada oo khatar aad u yar ay iyaga soo gaartay, waxay ka cabanayaan qiimaha sarreeya ee saliidda oo lagu qasbay inay bixiyaan, laakiin ma rabaan inay gacan ka geystaan furista Marinka Hormuz, oo ah dhaqdhaqaaq millatari oo fudud kaas oo ah sababta kaliya ee ka dambaysa qiimaha saliidda ee sarreeya.

    "Aad bay ugu fududahay inay sameeyaan, khatartuna aad ayay u yar tahay. FULAYO, waana soo XUSUUSAN DOONNAA!"

  10. Milatariga Iran oo hanjabaad cusub soo saaray, yeyse ku socotaa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Milatariga Iiraan ayaa maanta oo jimce ah wacad ku maray inay meel walba kaga daba tagi doonaan saraakiisha Mareykanka iyo Israa'iil iyo hoggaamiyeyaasha militariga.

    Telefishinka dowladda ayaa soo xigtay afhayeenka ciidamada qalabka sida Abolfazl Shekarchi isagoo leh: "Waxaan daawanaynaa saraakiishaada fulayada ah, taliyayaasha, duuliyeyaasha iyo askartaada."

    Wuxuu intaa raaciyay: "Laga bilaabo hadda, iyadoo lagu saleynayo macluumaadka aan kaa hayno, jardiinooyinka, goobaha loo dalxiis tago, iyo xarumaha dalxiiska iyo madadaalada ee adduunka oo dhan sidoo

  11. Sacuudiga oo hanjabay shegayna in “dulqaadku ka dhammaanayo”

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Sacuudi Carabiya ayaa bixisay tilmaanteedii ugu adkayd ee abid, taas oo ku aaddan in haddii Iiraan ay sii waddo weerarrada ka dhanka ah kaabayaasheeda dhaqaale, laga yaabo inay ku qasbanaato inay ka aargoosato.

    "Dulqaadkayagu ma ahan mid aan dhammaad lahayn," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Faisal bin Farhan, isagoo uga digay Iiraan in dalkiisa iyo xulafadiisa Carabta ee Gacanka ay haystaan wax uu ugu yeeray "awoodo lixaad leh oo ay adeegsan karaan, haddii ay doortaan inay sidaas sameeyaan."

    Waddamada Gacanka ayaa dhab ahaantii haysta ciidamo cirka oo aad u xooggan, kuwaas oo ay kharash badan uga soo iibsadeen dalalka Mareykanka, Britain, iyo Faransiiska

    Laakiin, dagaalka ay iskaashanayaan Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan wuxuu xambaarsan yahay khataro aad u waaweyn.

    Iiraan waxay hubaal ahaan kordhin doontaa duqaymaha ay ku hayso dalalka Gacanka, iyadoo laga yaabo inay ballaariso bartilmaameedyadeeda ilaa heer ay ku darto goobaha muhiimka ah sida dhismayaasha dowladda.

  12. War cusub oo hadda soo kordhay

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, .

    Nin u dhashay dalka Iiraan iyo haweenay ayaa la xiray ka dib markii ay isku dayeen inay galaan saldhigga ciidanka badda ee Faslane, oo ah hoyga maraakiibta quusta ee xambaara hubka nukliyeerka ee UK.

    Booliska Scotland ayaa sheegay in nin 34 jir ah iyo haweenay 31 jir ah lagu xiray saldhigga HM Naval Base Clyde abaara 17:00 galabnimadii Khamiista. Af-hayeen u hadlay ciidanka ayaa xaqiijiyay inay weli socdaan baaritaanno ku aaddan arrintan.

    Ciidanka Badda ee Boqortooyada ayaa sheegay inay dadka looga shakisan yahay "ku guuldareysteen" isku day ay ku doonayeen inay ku galaan saldhigga, oo u dhow magaalada Helensburgh ee gobolka Argyll iyo Bute.

    Af-hayeen u hadlay ciidanka ayaa intaas ku daray: "Maadaama ay arrintu tahay mid baaritaan uu ku socdo, wax intaas ka badan kama oranayno." Ilaa hadda lama oga dhalashada haweenayda la xirtay.

  13. Iiraaniyiinta oo xusay sanadkooda cusub xilli uu dagaalku socdo

    .

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, .

    Sanadka cusub ee Faarisiga ah ee Nowruz sanadkan waa kii ugu horreeyey ee Iiraanigu xaflada ku qabtaan xilli dagaal tan iyo 1980-meeyadii.

    “Dadku waxay lumiyeen shaqooyinkooda dagaalka owgiis. Welwelkayga ugu waa kaabayaasha dalkeyga”ayuu yiri Amir.. “Xaaladdan, waxaa dhici karta in aan wax badan ka harin Iiraan. Ma doonayo in tani noqoto Nowruz-kii ugu dambeeyey ee aan xafladno.”

    Iiraaniyiinta, Nowruz wuxuu matalaa taariikhdooda, dabeecadda qaranka iyo dhaqankooda, waxaana lagu xafladaynayey in ka badan 3,000 sano.

    Suuqyada, xarumaha wax iibsiga iyo waddooyinka guud ahaan Iiraan ayaa caadi ahaan mashquul ah, xafladuna waxay calaamadisaa waqtiga uu jiilaalku u gudbo guga.

    Sanadkan saxmad ma aha sida caadiga ahayd, laakiin weli dad ayaa si go’aan leh ugu diyaarinaya xaflada iyo shayga ugu muhiimsan ee miiska Haft Sin.

    “Waxaan dareemayaa in qaar wali ay sii wadaan wax walba oo dhacay, sida aniga. Waxaan ku jiray salon markii qarax xooggan dhacay, cidna xitaa ma dhaqaaqin,” ayay tiri Parmis, oo degan Tehran.

  14. Wasiir Maraykana oo sheegay war cusub oo ku saabsan Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Xoghayaha Tamarta ee Mareykanka, Chris Wright, ayaa sheegay jimcaha maanta ah in qaadista cunaqabateynta saaran saliidda Iiraan ee ku go'doonsan maraakiibta ay u oggolaan doonto sahaydan inay gaarto qaaradda Aasiya muddo saddex ilaa afar maalmood gudahood ah, sida ay werisay wakaaladda Reuters."

    Xoghayaha Maaliyadda, Scott Bessent, ayaa isna ku dhawaaqay Khamiistii in Mareykanku uu dhowaan qaadi karo cunaqabateynta saaran saliidda Iiraan ee ku xayiran maraakiibta badda dhexdeeda ah, iyadoo Washington ay doonayso inay xakamayso kor u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay xirnaanshaha marinka Hormuz oo ay Iiraan xirtay."

    Wright ayaa wareysi uu siiyay Fox Business Network ku yiri: 'Maalmo gudahood, saddex ama afar maalmood, saliiddaas waxay bilaabi doontaa inay gaarto dekedaha.'

  15. Netanyahu ayaa beeniyay inuu meel uga dhacay Nebi Ciise CS

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta jimce ah inuusan aflagaadeyn Ciise Masiixi, ka dib markii uu soo xigtay taariikhyahan u dhashay dalka Mareykanka oo yiri " Nebi Ciise CS kama sarreeyo Genghis Khan."

    Duufaan muran ah ayaa dhalatay ka dib markii la baahiyay cod laga duubay Netanyahu oo ka jawaabayay su’aal weriye weydiiyay oo ku saabsanayd weerar lagu qaaday xarumaha gaaska ee Iiraan iyo xasilloonida nidaamka ka jira dalkaas. Jawaabtiisa, Netanyahu wuxuu kaga hadlay baahida loo qabo awood ciidan.

    Wuxuu soo xigtay qoraaga Will Durant: “ Nebi Ciise CS kama wanaagsana Genghis Khan, sababtoo ah haddii aad ku filan tahay xoog, naxariis-darro, iyo awood, markaas xumaantu waxay ka adkaan doontaa wanaagga.”

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Netanyahu uu saaka daabacay caddeyn ku saabsan hadalladiisii, isagoo yiri: “Warar been abuur ah oo dheeraad ah oo ku saabsan mowqifkayga ee ku aaddan Masiixiyiinta, kuwaas oo ku raaxaysta ilaalin iyo barwaaqo gudaha Israa’iil. Waxaan caddeynayaa: Anigu ma aflagaadeyn Nebi Ciise CS shirkii jaraa’id ee xalay. Taas beddelkeeda, waxaan soo xigtay taariikhyahanka weyn ee Maraykanka, Will Durant.”

  16. Mareykanka oo hub culus ka iibinaya imaaraadka

    Gantaalada nooca Patriot

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gantaalada nooca Patriot

    Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ansixiyay hub qiimihiisu gaarayo qiyaastii $7 bilyan oo laga iibinayo Imaaraadka Carabta, hubkaas oo Waaxda Arrimaha Dibadda aan looga baahnayn inay si rasmi ah ugu shaaciso dadweynaha sida ku cad xeerarka dhoofinta hubka ee Maraykanka, sida ay sheegtay Reuters.

    Wargeysku wuxuu intaas ku daray in tani ay qeyb ka tahay hub laga iibinayo saddex dal oo ah kuwa Bariga Dhexe ah oo hore loo shaaciyay Khamiistii, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay $16.5 bilyan.

    Wargeysku wuxuu soo xigtay saraakiil Maraykan ah oo sheegay in heshiisyadan aan la shaacin ay ka mid yihiin iibinta gantaallada Patriot PAC-3 oo qiimahoodu yahay qiyaastii $5.6 bilyan, iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee CH-47 Chinook oo qiimahoodu yahay qiyaastii $1.32 bilyan oo laga iibinayo Imaaraadka.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in iibkan aan si rasmi ah loo shaacin sababtoo ah waa hub lagu kordhinayo heshiisyo hub oo hore loo galay.

    Warar dheeraad ah:

  17. Tirada Maraakiibta bishan March maray marinka Hurmuz iyo dalalka ay Iiraan u fasaxday

    Kaliya wax ka yar 100 markab ayaa maray marinka biyoodka Hormuz tan iyo bilowgii bisii March, sida ay muujinayaan xog ay falanqeysay BBC Verify, inkastoo ay jireen weerarro mararka qaarkood lagu qaaday oo ay fuliyeen ciidamada Iiraan.

    Inkasta oo shidaal iyo badeecooyin maalinle ah ay weli marayaan mid ka mid ah marin-biyoodka ugu mashquulka badan adduunka, tirada maraakiibta maalinlaha ah ayaa hoos u dhacday qiyaastii 95% tan iyo markii dagaalka Iiraan uu bilowday 28-ka Febraayo.

    Xogta ay bixiyeen falanqeeyayaasha maraakiibta ee Kpler waxay muujinaysaa in 99 markab ay marayeen marin-biyoodkan ciriiriga ah ilaa hadda bishan, taas oo celcelis ahaan ah shan ilaa lix markab maalintii.

    Falanqayntayadu waxay muujinaysaa in ku dhowaad saddex-meelood meel maraakiibtaas dhawaan maray ay ahaayeen kuwo xiriir la leh Iiraan.

    Maraakiibta martay inta badan waa kuwa wadamada ay saaxibka dhaw yihiin Iiraan.

    Marka la barbar dhigo, qiyaastii 138 markab ayaa maalin kasta mari jiray marinkan ka hor dagaalka, sida ay sheegtay Joint Maritime Information Centre.

    Warar dheeraad ah:

  18. Iran oo u sheegtay UK in saldhigyada Ingiriiska oo loo oggolaado Mareykanka ay tahay 'gardarro'

    Iran ayaa u sheegtay UK in u oggolaanshaha Mareykanka isticmaalka saldhigyada militari ee UK loo tixgelin doono "ka qayb qaadashada gardarrada", sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Iran.

    Iran ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Cabaas Araghchi uu la hadlay dhiggiisa UK Yvette Cooper, kaasoo uu ku sheegay in kaalmo kasta oo UK ay siiso Mareykanka ay horseedi doonto "in xaaladda sii xumaato".

    Araghchi waxa uu ku eedeeyay UK iyo waddamada kale ee reer Yurub in ay "ujeeddo eex" u wajahday waxa uu ku tilmaamay "gardarrada cad" ee uga imanaysa Maraykanka iyo Israa'iil.

    Waxaa lagu soo warramayaa in Araghchi uu sidoo kale ku dhaleeceeyay UK in ay ku guuldarreysatay in ay cambaareyso duqeymaha Israa’iil ee goobaha gaaska ee South Pars ee Iran.

    Weli ma maqal wax ku saabsan dawladda UK. BBC-da ayaa wax ka weydiisay xafiiska arrimaha dibadda ee UK.

    Warar dheeraad ah:

  19. Dalalka Khaliijka oo xayiraado kusoo rogay Ciidda

    Iyadoo laga cabsi qabo dagaalladii ugu dambeeyay ee gobolka ka dhacay, ayaa dalalka Khaliijka waxay amar ku bixiyeen in salaadda Ciidul Fitriga lagu tukado masaajiddada oo kaliya, waxayna hakiyeen isu imaatinnada waaweyn ee bannaanka.

    Sida laga soo xigtay Aljazeera, Qadar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay dadka cibaadeysanaya inaan lagu tukan Salaadda Ciidul Fitriga goobaha dhaqanka, oo inta badan ay ka soo qeyb galaan kumannaan qof.

    Mas’uuliyiinta dalalkan ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid taxadar leh iyadoo dowladaha gobolka ay dib u qiimeyn ku sameynayaan isu imaatinnada dadweynaha iyadoo ay socdaan colaadaha iyo weerarada Iran.

    Warar dheeraad ah:

  20. Madaxweynaha Somaliland iyo ciiddii maanta Hargeysa

    Madaxweynaha Somaliland cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi 'Cirro' oo shacabka Salaadda Ciida kula tukaday Masjid Jaamaca Weyn ee Hargeysa isla markaana sheegay in dhawaan Somaliland kheyr badani ku soo socdo.Halkan waxaan idiinku soo gudbin dooonnaa qaar ka mid sawirradaas.

    .

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada JSL

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha JSL oo hor kacaya dad ku tukanaya masjid jaamaca magaalada Hargeysa.
    .

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada JSL

    Qoraalka sawirka, Dad ku sugan masjid jaamca magaalada Hargeysa
    .

    Xigashada Sawirka, Madaxtooyada JSL

Trending Now