Maxay Sirdoonka Mareykanka ka sheegeen awoodda Iiraan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Madeline Halpert
- Author, Kayla Epstein
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Sarkaalka ugu sarreeya sirdoonka Maraykanka ayaa Arbacadii sheegay in nidaamka Iiraan uu yahay mid weli "is haysta" laakiin "si weyn u daciifay".
Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Tulsi Gabbard iyo mas'uuliyiin kale oo sarre oo ka tirsan maamulka Trump ayaa muddo ka badan laba saacadood goob joog ka ahaa kulan dhagaysi ah oo ka dhacay Koongareeska oo ku saabsanaa khataraha caalamiga ah ee wajahaya Maraykanka.
Tani waxay ahayd warbixintii ugu horreysay ee fagaare ah oo ku saabsan sirdoonka tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay dabayaaqadii February, waxayna ku soo aadday maalin kaddib markii uu iscasilay hoggaamiye sarre oo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah isagoo sheegay in Iiraan aanay khatar soo socota ku ahayn Maraykanka.
Gabbard oo isku dubbaridka hawlgallada sirdoonka dalka, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu saadaaliyay dhibaatada ka taagan Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah dhoofinta.
"Sirdoonku wuxuu qabaa in nidaamka Iiraan uu u muuqdo mid weli is haysta, balse si weyn u daciifay sababo la xidhiidha weerarrada lagu qaaday hoggaankooda iyo awoodahooda ciidan," ayay tidhi.
Gabbard oo ay weheliyeen madaxda CIA-da, FBI-da, Hey'adda Amniga Qaranka iyo Hey'adda Sirdoonka Difaaca, ayaa diidday in ay ka jawaabto su'aalo dhowr jeer uu weydiiyay Senatar Jon Ossoff, oo Dimuqraadi ah, oo ku saabsanaa in ay u aragtay Iiraan khatar soo socota.
"Qofka kaliya ee go'aamin kara waxa ah khatar soo socota ah iyo waxa aan ahayn waa madaxweynaha," ayay tidhi.
Tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, sharci-dejiyeyaasha iyo falanqeeyayaasha labada xisbi ayaa isweydiinayay sababta uu Maraykanku u weeraray Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo haddii maamulka Trump uu la socday dhibaatooyinka suurtagalka ah ee ka dhalan kara Marinka Hormuz ee ku yaalla xeebta koonfureed ee Iiraan. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu weerarka qaaday inta badan sababtoo ah Iiraan oo horumarinaysay hubka nukliyeerka, kaas oo khatar ku ahaa Maraykanka iyo Israa'iil.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalintii Salaasada, Joe Kent ayaa iska casilay xilkii agaasimaha qaran ee la-dagaallanka argagixisada, isagoo warqaddiisa iscasilaadda ee fagaaraha la soo dhigay ku sheegay in Iiraan aanay soo bandhigin "wax khatar ah oo soo socota" oo ku wajahan Maraykanka, isagoo dhalleeceeyay Trump dagaalka dartiis.
Agaasimaha CIA-da John Ratcliffe ayaa Arbacadii ka marag kacay in aanu ku raacsanayn Kent.
"Waxaan qabaa in Iiraan ay khatar joogto ah ku ahayd Maraykanka muddo dheer, ayna xilligan keentay khatar kale oo degdeg ah," ayuu yiri.
Gabbard ayaa sheegtay in weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil ay ka geysteen Bariga Dhexe ay "si weyn u burburiyeen" awoodihii ciidan ee Iiraan.
Waxay sidoo kale sheegtay in sirdoonku ay qiimeeyeen in "Iiraan ay isku dayaysay in ay ka soo kabsato burburka ba'an ee soo gaaray kaabayaasheeda nukliyeerka intii uu socday Dagaalkii 12-ka Maalmood ayna sii wadday in ay diiddo u hoggaansanaanta waajibaadkeeda nukliyeerka".
Maraykanka iyo Israa'iil ayaa weeraray Iiraan muddo 12 maalmood ah bishii Juun 2025, iyadoo ujeeddadu ahayd in la burburiyo awoodaha suurtagalka ah ee lagu soo saari karo bamka nukliyeerka.
Qoraal diyaarsan oo loogu talagalay dhagaysiga dacwadda, ayaa Gabbard waxay ku sheegtay in weerarradaas ay "baabi'iyeen" barnaamijka kobcinta nukliyeerka ee Iiraan, Iiraanna aysan samayn "wax dadaal ah" oo ay dib ugu dhisayso. Balse, qoraalkaas kor uma aysan akhrin.
Markii Senatar Mark Warner oo Dimuqraadi ah uu weydiiyay Gabbard sababta ay qaybtaas u deysay, waxay sheegtay in ay ku khasbanayd inay soo gaabiso hadalkeeda fagaaraha sababtoo ah "waqtiga ayaa ku dheeraaday".
"Sidaas darteed, waxaad dooratay inaad ka tagto qaybaha ka hor imaanaya madaxweynaha," ayuu ugu jawaabay Warner, isagoo tixraacaya dooddii Trump ee ahayd in tallaabada ciidan ee ka dhanka ah Iiraan ay ahayd mid qiil leh sababtoo ah horumarinta hubka nukliyeerka.
Sharci-dejiyeyaasha ayaa sidoo kale weydiiyay inta ay le'eg tahay ku lug lahaanshiyaha mas'uuliyiinta sirdoonka ee go'aankii Trump uu ku weeraray Iiraan. Senatar Angus King, oo si madax-bannaan looga soo doorto Maine, ayaa weydiiyay in ay "qolka la joogeen" Trump markii uu gaadhayay "go'aankiisii u dambeeyay".
Ratcliffe ayaa ku qiyaasay in uu ka qayb galay "tobnnaan iyo tobnnaan" kulan oo lala yeeshay madaxweynaha, balse aanu garanayn in ay jirtay "go'aan hal mar la gaadhay".
King ayaa sidoo kale weydiiyay haddii mas'uuliyiinta sirdoonku ay ku wargeliyeen Trump in Iiraan ay suurtogal tahay in ay weerarto Marinka Hormuz inta uu socdo dagaalku. Iiraan ayaa xidhay marinka muhiimka u ah dhoofinta saliidda tan iyo markii uu bilowday dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iiraan.
"Madaxweynuhu wuxuu si joogto ah u helaa warbixinnada sirdoonka," ayuu yidhi Ratcliffe. Wuxuu intaas ku daray in Pentagon-ku uu u diyaar garoobay in Iiraan ay weerarto "xarumaha Maraykanka iyo goobaha tamarta ee gobolka oo dhan" ayna "qaadeen tallaabooyin lagu ilaalinayo ciidammada".
Sirdoonku waxay lahaayeen "qiimayn soo jireen ah" oo sheegaysa in Iiraan ay "u badan tahay in ay qabsan doonto Marinka Hormuz," ayay xustay Gabbard. Waxay sheegtay in wasaaradda gaashaandhigga Maraykanku ay qaadday "tallaabooyin qorsheyn ah oo ka hortag ah" natiijada warbixintaas awgeed.













