War deg deg ah, Iiraan oo war ka soo saartay xabad-joojinta Lubnaan iyo Israa'iil
Iiraan ayaa soo dhaweysay xabbad-joojinta u dhaxeysa Lubnaan iyo Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay guul diblomaasiyadeed iyo natiijo ka dhalatay “iska caabbinta” Xisbullaah.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Esmail Baqaei, ayaa sheegay in Tehran ay u aragto heshiiska xabbad-joojinta qayb ka mid ah isfaham ballaaran oo lala gaaray Maraykanka, kaas oo lagu gaaray wada-xaajoodyo ay dhex-dhexaadisay Pakistan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay si joogto ah u riixaysay xabbad-joojin guud oo ka hirgasha gobolka.
Mas’uuliyiinta sare ayaa sidoo kale ammaanay doorka Xisbullaah, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Baqer Qalibaf uu qoraal Carabi ah oo uu ku daabacay bartiisa X, ku sheegay in heshiiska uu yahay “wax aan ka ahayn natiijada adkaysiga Xisbullaah iyo midnimada iska caabbinta”, eray ay Tehran u adeegsato kooxaha xulafada la ah ee gobolka.
Esmail Qaani, oo ah taliyaha ciidamada Quds Force ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa ku tilmaamay Xisbullaah “guuleystaha”, isagoo ku adkaystay in heshiiska uu ka dhashay adkaysiga iska caabbinta Lubnaan iyo taageerada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Warbaahinta dowliga ah ee Iiraan ayaa inta badan la qabsatay hadalka mas’uuliyiinta sare, iyagoo ku muujiyay xabbad-joojinta Lubnaan inay tahay natiijada “iska caabbinta” Xisbullaah iyo cadaadiska diblomaasiyadeed ee Tehran.
Kanaalka wararka joogtada ah ee IRINN ayaa saaka sheegay in iska caabbinta Iiraan iyo Xisbullah ay “ku qasbeen” Maraykanka iyo Israa’iil inay aqbalaan xabbad-joojin 10 maalmood ah oo ka dhacda Lubnaan.
























