TOOS, Trump oo sheegay in ciidamada badda Mareykanka ay la wareegeyn markab xamuul ah oo sitay calanka Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in markabka la yiraahdo Touska lagu qabtay Gacanka Cumaan, halka Taliska ugu sarreeya ee ciidamada Iiraan, Khatam al-Anbiya ayaa ku hanjabay in Iiraan ay jawaab ka bixin doonto tallaabada Mareykanku ku qabsaday markabka ayna tahay "in ay jabiyeen xabbad-joojinta".

Kooban

Tebin toos ah

  1. "Inta go’doominta badeed ay jirto, khilaafku wuu sii jiri doonaa"-Safiirka Iiraan ee Pakistan

    Reza Amiri Moghadam, safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u fadhiya Pakistan, ayaa sheegay in “inta go’doominta badeed ay socoto, khilaafaadka” u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka “ay sii socon doonaan.”

    Amiri-Moghaddam ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku yiri: “Ma sii wadi kartaan jebinta sharciga caalamiga ah, ma xoojin kartaan go’doominta, ma hanjabi kartaan Iran dembiyo dagaal oo dheeraad ah, ma ku adkeysan kartaan dalabaad aan macquul ahayn, ma ku tartami kartaan hadallo aan loo baahnayn, isla markaana aad iska dhigaysaan inaad ‘diblomaasiyad’ waddaan.”

    Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inuu wafdi u diray Islamabad si ay wadahadal ula yeeshaan Iran, balse Iran waxay sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin inay ka qayb gasho wareegga xiga ee wadahadallada.

    Bayaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka lagu qaaday markabka Iran uu yahay “burcad-badeednimo ay sameeyeen ciidamada badda ee Mareykanka” isla markaana uu yahay jebinta xabbad-joojinta.

  2. Iraan oo ku hanjabtay aargoosi, kadib markii Markab sitay calanka dalkaas Maraykanku weeraray

    Taliska ugu sarreeya ee ciidamada Iiraan, Khatam al-Anbiya ayaa ku hanjabay in Iiraan ay jawaab ka bixin doonto tallaabada Mareykanku ku qabsaday markab xamuul ah oo calanka Iran sitay, kaas oo ciidamada Badda Maraykanka ay rasaaseeyeen isaga oo kusii jeeda gacanka Cumaan, waxa uuna ku tilmaamay falkaas “jebinta xabbad-joojinta.”

    Sida lagu sheegay bayaan ay baahiyeen warbaahinta dowladda, afhayeen ayaa sheegay in Mareykanku “jebiyay xabbad-joojinta isagoo rasaas ku furay mid ka mid ah maraakiibta ganacsiga Iiraan ee ku sugan biyaha Badda Cumaan, curyaamiyay nidaamka hagista, kadibna fuulay” isagoo adeegsanaya ciidamada Marines.

    “Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay si dhakhso ah uga jawaabi doonaan oo uga aargudan doonaan falkaan burcad-badeednimo hubeysan ee ay sameeyeen ciidamada badda Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

  3. Tehran maka quusan doontaa gacan ku haynta marin biyoodka Hormuz?

    Ebrahim Azizi

    in Iiraan ka tanaasusho Hormuz, taasi waxa ay dhici kartaa kaliya marka xildhibaan sare oo Iiran ah uu sheego inay diyaar u yihiin inay ka tanaasulaan gacan ku haynta marin biyoodka Hormuz.

    "Waa xuquuqdeena lama taabtaanka ah," Ebrahim Azizi, oo ah taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), ayaa u sheegay BBC isagoo ku sugan Tehran. "Iraan waxay go'aansan doontaa xaqa ay u leedahay marinka, oo ay ku jirto ogolaanshaha maraakiibta si ay uga gudbaan marin biyoodka."

    Waxaana uu sheegay in taasi ay ku dhowdahay in sharciga lagu dhaqmo.

    "Baarlamaanka waxaan horgeyneynaa sharci, annagoo ka duulayna qodobka 110-aad ee dastuurka, kaasoo ay ku jiraan deegaanka, badqabka badda iyo amniga dalka, ciidamada qalabka sida ayaana sharciga dhaqan gelin doona," ayuu yiri xildhibaankan ka tirsan guddiga amniga Qaranka iyo siyaasadda dibadda.

    Si aad wax badan u akhrido:

  4. Trump oo dib ugu laabtay hanjabaadihiisii hore

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweyne Trump ayaa meel fagaare ah ku dhawaaqay hadal yididiilo leh usbuucii la soo dhaafay, isagoo soo jeediyay in heshiis lala gaaro dowladda Iiraan.

    Laakin maanta waxaa kasoo yeeray hadal kaas lidiid ku ah, isaga oo mar kale ku hanjabay in uu "burburin doono" xarumaha korontada iyo buundooyinka Iiraan.

    Waxay u muuqataa in istaraatijiyaddia maamulkiisu ay tahay inuu sii wado cadaadiska dhaqaale ee uu saarayo Iiraan - iyada oo loo marayo xannibaadda badda iyo cunaqabataynta dheeraadka ah - si loo helo heshiis uu ku qanacsan yahay Trump.

    Hanjabadiisii ​​u dambaysay waxay kor u qaadaysaa culayska iyo khatarta abuurista jawi aad u kacsan, marka wada xaajoodka iyo xabbad joojinta labaduba u muuqdaan kuwo jilicsan.

    Wali dhanka Iiraan lama xaqiijin in ay tagi doonto miiska wadahadalada, maalmaha soo socda waxa ay noqon karaan kuwo muhiim u ah go'aan ka gaarista in diblumaasiyadu ay qaban karto.

    Aqalka Cad ayaa u arka in kulankaan uu noqdo mid diblumaasiyadeed oo kama dambeys ah, ka hor inta aan dib loogu laaban dagaal heer gobol ah oo buuxa.

    Si aad wax badan u akhrido:

  5. Maxaan ka ognahay markabka calanka Iiraan sita ee Maraykanku qabtay?

    khariirad

    Xigashada Sawirka, MarineTraffic

    Qoraalka sawirka, khariirad

    Sida aan hore u soo sheegnay, Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay Truth Social ku sheegay in ciidamada badda Mareykanka ay rasaas ku fureen markab xamuul oo calanka Iiraan sita oo lagu magacaabo Touska oo ku sugnaa Gacanka Cumaan.

    Sida laga helay xogta MarineTraffic, markabka Touska wuxuu kasoo baxay dekedda Port Klang ee Malaysia 12-kii Abriil, waxa uuna ku soo socday dhanka Gacanka Cumaan.

    Iyadoo lagu saleynayo xogta nidaamka Aqoonsiga Tooska ah (AIS), Touska wuxuu qiyaastii 40 mayl-badeed u jiray dekedda Chabahar ee koonfur-bari Iiraan abbaaro 13:00 GMT maanta, ka hor inta uusan istaagin, markaas oo uu dib u jeestay kadibna inyar waxa uu u leexday dhanka Bari, ugu dambaynna gabi ahaanba waa uu istaagin.

    Markabkan xamuulka qaada ee konteenarrada ah wuxuu dhererkiisu ka badan yahay 290 mitir, wuxuuna leeyahay dhex qoto-dheer qiyaastii 13 mitir. Waxaa u muuqata inuu si buuxda ama qayb ahaan u siday xamuul.

    Markabka Touska wuxuu ku jiraa liiska maraakiibta ay cunaqabataynta saartay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka.

    Si aad wax badan u akhrido:

  6. 'Trump waxa uu ku hanjabayaa dambiyo dagaal oo waaweyn,' Kenneth Roth

    'Trump waxa uu ku hanjabayaa dambiyo dagaal oo waaweyn,'

    Sida aan wararkeena hore ku sheegnay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale ku hanjabay inuu duqeyn doono xarumaha korontada iyo buundooyinka ee Iiraan hadii aan heshiis la gaarin.

    Madaxii hore ee hay'adda xquuqda aadanaha Kenneth Roth ayaa sheegay in tani ay noqon doonto dambi dagaal. Roth mar uu la hadlayey BBC News ayuu yiri "Trump waxa uu ku hanjabayaa dambiyo dagaal oo waaweyn, way fududahay taas, waxaana laga yaabaa in uu yiraahdo ma raacayo sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada, laakiin dawladda Maraykanka iyo dunida inteeda kale ayaa ku dhaqma, sharciga bani'aadamnimadana waxa uu mamnuucayaa in la beegsado walxaha rayidka ah sida dhirta korontada ama buundooyinka".

    Roth ayaa sheegay in laga yaabo in Trump uu ku doodo in buundooyinka iyo dhirta korontadu ay yihiin "waxa loogu yeero walxaha la isticmaalo" sababtoo ah sidoo kale waxaa isticmaala askarta, laakiin "Taasi maaha dhamaadka sheekada".

    Xeerka ilaalinta bini'aadantinimada ayaa sidoo kale dhigaya in xitaa bartilmaameedka militariga aan la isku dayi karin in la dumiyo, haddii waxyeelada loo geysto dadka rayidka ah ay noqoto mid aan qiyaas lahayn."

    Dhanka kale, safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Mike Waltz ayaa sheegay inay tahay "fikrad been ah, iyo wax lagu qoslo" in arrintaan lagu tilmaamo dambi dagaal, waxa uuna safiirku ku dooday in kaabayaasha dhaqaalahana ay yihiin "bartilmaameedyo militari oo sharci ah."

    Si aad wax badan u akhrido:

  7. War deg deg ah, Tehraan “hadda uma qorsheysna inay ka qayb gasho” wareegga 2 ee wadahadallada- warbaahinta dowladda

    Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Iran ah ayaa sheegay in Tehran “aysan hadda qorshaheeda uusan ku jirin inay ka qayb gasho” wareegga xiga ee wadahadallada lala yeelanayo Mareykanka, sida uu sheegay kanaalka wararka ee telefishinka dowladda Iiraan.

    Kanaalku wuxuu soo xigtay mas’uuliyiin sheegaya in “sii socoshada waxa loogu yeero go’doominta badda, jebinta xabbad-joojinta, iyo hadallada hanjabaadda ah ee Mareykanka” sidaa darteedna aysan sii socon karin horumarka wadahadallada.

    Arrintan ayaa dabo socota warbixinno kale oo ay hore u qoreyn qaar kamid ah warbaahinta Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jiro mas’uul Iiraan ah oo si cad magaciisa u sheegay oo xaqiijiyay ama beeniyay in Iiraan ay ka qayb geli doonto wareeg cusub oo wadahadallo ah, inkastoo ay saacado ka soo wareegeen markii Donald Trump uu ku dhawaaqay in wafdi Mareykan ah uu dhawaan tegi doono Pakistan.

    Tani macnaheedu ma aha in Iraan aysan ka qayb geli doonin gebi ahaanba, weli waxaa la sugayaa faahfaahin dheeraad ah, waxaana idiin soo gudbin doonaa wixii cusub marka ay soo baxaan.

    Si aad wax badan u akhrido

  8. "Si buuxda ayaan ula wareegnay Markabka"- Trump

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Donald Trump qoraal uu ku daabacay bartiisaTruth Social ayuu ku sheegay in ciidamada badda ee Mareykanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan markab xamuul ah oo uu sheegay inuu isku dayay inuu ka gudbo go’doominta dekedaha Iran Axaddii.

    Trump wuxuu sheegay in markabka la yiraahdo Touska lagu qabtay Gacanka Cumaan, isla markaana la siiyay “digniin buuxda oo ah inuu istaago.”

    Wuxuu yiri: “Shaqaalihii Iiraan way diideen inay dhegeystaan digniinta, sidaas darteed markabkeena badda ayaa si toos ah u joojiyay iyagoo ka banjariyey batoorka.”

    Wuxuu intaas ku daray in markabkan uu ku jiro cunaqabataynta Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka isla markaana ciidamada badda ay hadda baarayaan waxa saaran markabka.

    Dhanka kale, Iran weli si rasmi ah uma xaqiijin dhacdadan.

    Si aad wax badan u akhrido:

  9. Netanyahu mar uu ka hadlayey arrimo Iiraan ku saabsan wuxuu yiri 'wali ma dhamaan,'

    Javier Milei yo Benjamin Netanyahu oo ku sugan Jerusalem maanta

    Xigashada Sawirka, ISRAELI GOVERNMENT

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa soo hadal qaaday Iiraan mar uu la hadlayay warbaahinta kadib kulan uu magaalada Qudus kula qaatay madaxweynaha Argentina Javier Milei.

    "Waxaan ku jirnaa waqti ay jiraan dhibaatooyin waaweyn iyo cawaaqib xumo. waxaan galnay dagaal ka dhan ah kali-taliska weyn ee Iiraan," ayuu yiri.

    "Waxaan gaarnay waxyaabo aad u weyn, weli ma dhammaan, daqiiqad kastana waxay noo keeni kartaa horumar cusub."

    Si aad wax badan u akhrido:

  10. War deg deg ah, Maraykanka oo qabtay markab xamuul oo sitay calanka Iran oo isku dayay inuu ka gudbo go'doominta - Trump

    Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qabteen markab xamuul oo calanka Iran sita kadib markii uu isku dayay inuu ka gudbo go’doominta uu Mareykanku saaray.

    Trump wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay marka hore markabka u direen digniin, balse markii uu sii watay dhaqaaqiisa, ay “si toos ah u joojiyeen iyagoo dalool ka sameeyay qolka matoorka,” taasoo keentay in markabku istaago.

    Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Mareykanka ay hadda la wareegeen gacan ku haynta markabka.

    Si aad wax badan u akhrido:

  11. Laba markab dalxiis ayaa ka gudbay marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, .

    Shirkadda Tui ayaa xaqiijisay in laba ka mid ah maraakiibteeda dalxiiska ay si guul leh uga gudbeen marinka Hormuz.

    Xog cusub oo ay shirkaddu ku daabacday boggeeda internetka, Tui waxay sheegtay: “Mein Schiff 4 iyo Mein Schiff 5 si guul leh ayay uga gudbeen marinka Hormuz,” inkasta oo aysan cayimin goorta ay tani dhacday. Waxay sidoo kale sheegtay in maraakiibtu hadda u jihaysan yihiin dhanka Badda Mediterranean-ka.

    “safarka ayaa la sameeyey iyadoo la raacayo isku-duwidda iyo oggolaanshaha hay’adaha ay khusayso, si nidaamsan oo si taxaddar leh loo tixgeliyay xaaladda amniga,” ayay tidhi shirkaddu

    Lama oga in rakaab ay saarnaayeen maraakiibtaas iyo in kale, waxaana TUI ay u mahadcelisay “kaptannada iyo shaqaalaha” kuwaas oo “suurtageliyay safar nabdoon iyagoo muujiyay xirfad sare iyo feejignaan.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  12. Iran wali ma xaqiijin ka qaybgalka wadahadalada Pakistan

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    In ka badan saddex saacadood ayaa laga joogaa markii Donald Trump uu ku dhawaaqay in wakiillada Mareykanka ay ku wajahan yihiin wada xaajoodka Pakistan.

    Laakin ilaa hadda ma jiro mas'uul Iiraani ah oo la magacaabay oo xaqiijiyey ama diiday in Iran ay ka qayb qaadan doonto wareeg cusub oo wadahadalka.

    Dhanka kale, laba xarumood oo Iran laga leeyahay oo gacan saar la leh ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee (IRGC) ayaa shaki galiyay ka qaybgalka Iran.

    Wakaaladda wararka ee Tasnim News Agency ayaa sheegtay in kooxda Iran ay ku adkeysatay in ilaa iyo inta ay socoto go'doominta Maraykanka aysan ku biiri doonin wadahadalada.

    Wakaaladda wararka ee Fars, oo soo xiganaysa Tasnim iyo ilo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in Iran aanay wali go'aan ka gaarin in ay ku biirto wareega xiga iyo in kale. Si kastaba ha ahaatee, Fars ayaa ku tilmaamay xaaladda guud mid "aan wanaagsanayn".

    Tani macnaheedu maaha in Iran aanay ka qayb qaadan doonin. Waxaan wali sugeynaa mas'uul la magacaabay in uu caddeeyo mowqifkooda.

    Si aad wax badan u akhrido:

  13. Yaa ka mid ah wafdiga Mareykanka ee tagaya Pakistan

    Jared Kushner (Bidix), Steve Witkoff (Dhexda) iyo JD Vance (Midig) waxay ka tageen wadahadallada Islamabad gacmo maran markii ugu dambeysay.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxda Maraykanka ee ku wajahan Iran ma ahan kuwo ku cusub gorgortanka.

    Madaxweyne ku xigeenka JD Vance

    Kaddib markii uu ku biiray wareegii hore ee wadahadalka Iran ee Pakistan todobaad ka hor, Vance wuxuu sheegay in kooxda Mareykanka ay la baxeen "soo jeedin aad u fudud".

    "Waan arki doonaa haddii Iiraaniyiintu ay aqbalaan."

    Ergeyga gaarka ah Steve Witkoff

    Mulkiilaha hantida ma-guurtada ah iyo saaxiibka Golf-ka ee Donald Trump, Witkoff ayaa gacan ka geystay wadahadalladii Xamaas iyo Israa'iil ee Gaza.

    Waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay wadahadalada Mareykanka uu Ruushka kala yeeshay dagaalka Ukraine.

    Ergeyga gaarka ah Jared Kushner

    Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Trump, ayaa caan ku ah ganacsigiisa caalamiga ah iyo horumarinta hantida.

    Sida Witkoff, Kushner waxa kale oo uu u dhaqmay sidii dhexdhexaadiye wadahadal nabadeed Ukraine.

    Si aad wax badan u akhrido:

  14. Iran ma ka qeybgaleysaa wadahadalka Islamabad?

    Wadahadalka Mareykanka iyo Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Wakaaladda wararka Fars ayaa sheegtay in aan la xaqiijin karin ama beenin karin hadii Iran ay ka qeybgaleyso wareegga labaad ee wadahalada Mareykanka.

    Wakaaladda oo xiriir dhow la lehay hay’adaha amniga Iran ayaa qortay iyadoo xiganeysa “ilo gudaha Iran ah” in Tehran aysan weli soo gabogabeyn ka qeybgalka wareegga xiga ee wadaxaajoodyada sidaa darteedna aan la qiimeyn karin sida wadahadaladaas u hirgalayaan.

    Fars oo soo xiganeysa ilo kale ayaa qortay “Iran ma tixgelineyso wareegga labaad ee wadahadalada Islamabad ilaa inta ciidamada badda Mareykanka ay sii wadaan go’doominta”.

    Ilo kale ayaa u sheegay Fars, “Hadii Vance uusan imaan wadaxaajooda, waa hubaal in wafdi sare sida Qalibaf uusan ku jireyn kooxda wadahadalka”.

    Mareykanku waxay sheegeen in isla kooxdii wadahadalada ee uu ku jiray madaxweyne ku xigeenka J.D. Vance ay bari tagayaan Islamabad.

    Fars waxay sidoo kale soo xigatay ilo dowlada ah oo sheegaya in Massoud Pezzekian uusan qorsheynin in uu aado Pakistan.

    Fars waxay kaloo sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda iyo golaha sare ee amniga qaranka ay sii wadayaan siyaasadooda aamusnaanta.

    Si aad wax badan u akhrido:

  15. Sawirro: Islamabad oo isu diyaarineysa wada-hadallada

    Diyaargarow ayaa durba ka socda Pakistan ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in wadahadallada Bariga Dhexe ay ka dhici doonaan Islamabad habeenka isniinta.

    Waa kan muuqaalka caasimadda Pakistan, iyadoo aan sugeyno xaqiijinta cidda noqon doonta wafdiga Mareykanka ee wadahadalka la leh Iran.

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Reuters

  16. Trump wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay jebisay heshiiska xabbad‑joojinta

    Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qoraalka Donald Trump ee baraha bulshada ayaa soo baxday, halkaas oo uu ku eedeeyay Iiraan “jebinta heshiiska xabbad‑joojinta” kaddib markii ay, sida uu sheegay, ay “go’aansatay inay rasaas riddo shalay Marinka Hormuz.”

    “Taasi ma ahayn wax fiican, sax?” ayuu Trump qoray, isagoo sheegay in rasaasta “lagu beegsaday markab Faransiis ah iyo markab xamuul oo ka yimid Boqortooyada Midowday (UK).”

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku tilmaamay go’aanka Iiraan ee xiritaanka marinka mid “la yaab leh”, isagoo sheegay in xannibaadda badeed ee Maraykanku “horey u xiray marinka.”

    “Iyagoo aan ogeyn ayay naga caawinayaan, iyaguna waa kuwa khasaaraya marka marinku xirnaado — $500 milyan doollar maalintii! Maraykankuna waxba khasaaro kuma jiro,” ayuu ku dooday.

    Iiraan dhankeeda ayaa sidoo kale ku eedaysay Maraykanka inuu jebiyay shuruudaha xabbad‑joojinta kaddib markii uu kusoo rogay xannibaad badeed dekedaha Iiraan.

    Xusuusin: Xiritaanka Marinka Hormuz ee Iiraan iyo xannibaadda badeed ee Maraykanka waa laba arrimood oo kala duwan — faahfaahin dheeraad ah ayaan ku sharxi doonnaa qoraalkeenna xiga.

    Warar dheeraad ah:

  17. War deg deg ah, Trump: Kooxda Maraykanka oo ku wajahan Pakistan si ay wadahadal ula yeeshaan Iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Waxaan helnay war cusub oo uu soo saaray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    “Wakiilladeyda waxay u socdaan Islamabad, Pakistan – waxayna halkaas joogi doonaan berri fiidkii si ay wadahadallo u galaan,” ayuu ku qoray baraha bulshada.

    “Waxaan soo bandhigaynaa heshiis aad u caddaalad iyo macquul ah, waxaana rajaynayaa inay aqbalaan, maxaa yeelay haddii aysan aqbalin, Maraykanku wuxuu burburin doonaa dhammaan warshad kasta oo koronto iyo buundo kasta oo ku taalla Iiraan,” ayuu intaas ku daray.

    Isagoo ka digaya in “MAR DAMBE UUSAN JIRAYN NINKA WANAAGSAN” haddii wadahadalladu fashilmaan, Trump wuxuu sheegay in buundooyinkan iyo warshadaha korontada “si degdeg ah hoos loogu soo ridi doono, si fududna loo burburin doono.”

    Waxaan idiin soo gudbin doonnaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qoraalkiisa baraha bulshada goor dhow.

    Warar dheeraad ah:

  18. Iiraan oo laba markab oo shidaal ah dib uga celisay Marinka Hormuz

    Wakaaladda wararka Tasnim, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), ayaa sheegtay in “iyadoo la raacayo sii socoshada xannibaadda ciidan‑badeed ee Iiraan, ciidamada qalabka sida ee Iiraan ay maanta ka celiyeen laba markab oo shidaal ah oo dheeraad ah inay ka gudbaan Marinka Hormuz”, taas oo dhacday maanta ooi Axad ah.

    Tasnim waxay intaas ku dartay in labadan markab, oo “ku safrayay calamada Botswana iyo Angola”, ay doonayeen inay maraan Hormuz balse “lagu qasbay inay beddelaan jihadooda oo dib u laabtaan, kaddib tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada qalabka sida ee Iiraan.”

    Arrintan ayaa imanaysa kaddib ku dhawaaqistii Iiraan ee ahayd in Marinka Hormuz uu sii ahaan doono mid xiran ilaa Maraykanku ka qaadayo xannibaadda uu kusoo rogay dekedaha Iiraan.

    Warar dheeraad ah:

  19. Ma jiraan wax calaamad ah oo muujinaya maraakiib maraya marin-biyoodka Hormuz

    MarineTraffic

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida aan horay u tabinaynay, Iiraan ayaa mar kale xirtay Marinka Hormuz, taas oo jawaab u ah xayiraadda joogtada ah ee Maraykanku kusoo rogay dekedaha Iiraan.

    Bogga daba‑raaca maraakiibta MarineTraffic ayaa u muuqda inuu muujinayo in aysan jirin wax markab ah oo hadda ka gudbaya marinka, inkastoo maraakiib badan ay ku xiran yihiin hareeraha Gacanka, gaar ahaan xeebaha Cumaan iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

    Shalay waxaa jiray dhaqdhaqaaq ganacsi oo badeed oo soo maray marinkan muhiimka ah ee maraakiibta, balse si weyn ayuu hoos ugu dhacay kaddib markii Tehran ay ku dhawaaqday inay xirayso marin-biyoodka.

    Maraakiib dhowr ah ayaa soo wariyay in gantaallo lagu dhuftay, halka hal markab shidaal uu sheegay in doonyaha hubaysan ee Iiraan ay rasaas ku fureen Sabtidii.

    Warar dheeraad ah:

  20. IDF oo sheegtay inay duqeysay in ka badan 150 xubnood oo Xisbullah ah 24‑kii saacadood ee ka hor inta aysan bilaaban xabbad‑joojinta

    Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa hadda ku daabacay farriin barta Telegram, iyagoo sheegay inay “dileen” in ka badan 150 “argagixiso oo Xisbullah ah" 24‑kii saacadood ee ka hor inta uusan dhaqan gelin heshiiska xabbad‑joojinta.

    IDF sidoo kale waxay sheegtay inay beegsatay qiyaastii 300 goobood oo milatari, oo ay ku jiraan xarumo talis iyo bakhaarro lagu kaydiyo hub, kuwaas oo ku kala yaalla dhowr deegaan oo ka tirsan Lubnaan.

    Waxay ku doodaysaa inay dishay taliyeyaal dhowr ah oo Xisbullah ah, waxayna sheegtay inay sii wadi doonto ka takhalusidda khatar kasta oo ku wajahan dadka rayidka ah iyo askarta Israa'iil.

    Warar dheeraad ah:

Trending Now