TOOS, Marinka Hormuz 'wuxuu gabi ahaanba u furan yahay' maraakiibta ganacsiga inta ka hartay xabad joojinta

Isagoo ka falcelinaya baraha bulshada ayuu madaxweyne Trump sheegay in go’doominta Mareykanka ee dekedaha Iran ay sii jiri doonto ilaa laga gaarayo heshiis nabadeed oo joogto ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump ayaa ku andacoonaya in Iran ay ogolaatay wax walba

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku andacoonaya in Iran ay ogolaatay wax walba oo ay ku jirto in dalka laga saaro Uranium-ka la tayeeyay.

    Isagoo taleefoon kula hadlay CBS, oo bahwadaag la ah BBC, Trump wuxuu sheegay in ka saarista walxaha aysan ku lug yeelan doonin ciidamada dhulka ee Mareykanka, isagoo sidoo kale yiri "waxaan la kulmi doonnaa Iraniyiinta".

    "Waan u dhaadhacaynaa oo aan la imaan doonaa iyaga, ka dibna waan qaadan doonaa," ayuu yiri. "Heshiis ayaanu gelaynaa, dagaalna looma baahna marka heshiis la gaadho".

    Yuraaniyaamta ayaa markaa la keeni doonaa Maraykanka, ayuu yiri.

    Markii Maraykanka iyo Iran ay ku dhawaaqeen xabbad joojin ku meel gaar ah usbuucii hore, uranium-ka la tayeeyay ayaa ka soo ifbaxay khilaaf, iyadoo Golaha Amniga Qaranka ee Iran (SNSC) uu sheegay in xabbad joojinta lagu qeexay "ogolaanshaha tayeynta [uraniumka]", inkasta oo Maraykanku sheeganayo liddi ku ah.

    Waa maxay uranium-ka la hodmay?Waa uranium halka isotope gaar ah lagu ururiyey - marka la tayeeyo 90%, waxa loo isticmaali karaa in lagu sameeyo hubka Nukliyeerka ah. Sida laga soo xigtay saraakiil sarsare oo Maraykan ah, bilawgii dagaalka Iran waxay haysatay qiyaastii 440kg oo Yuraaniyaam ah oo tayaysan ilaa 60%.

    Si aad wax badan u akhrido:

  2. Saraakiisha sare oo Mareykanka ayaa laga yaabaa inay kulamo dheeraad ah ku yeeshaan Pakistan maalmo gudahood – CBS NewsS News

    Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa ku kulmi kara Pakistan wadahadalo dheeraad ah maalmo gudahood

    Xigashada Sawirka, Pool/Getty Images

    Weriyaha BBC-da ee Mareykanka ee CBS News, ayaa ku warramaya in saraakiisha Mareykanka laga yaabo inay ku laabtaan Pakistan si ay wadahadallo dheeraad ah ula yeeshaan Iran maalmo gudahood.

    Isagoo soo xiganaya "dhowr qof oo aqoon u leh dooda", CBS waxay sheegtay in maamulka Trump uu eegayo inuu mas'uuliyiin sare dib ugu celiyo Pakistan si ay dib ugu bilaabaan wadahadallada Iran.

    Wadaxaajoodyadani waxay dib u bilaaban karaan isla maalinta Isniinta, ayay tiri.

    • Xusuusin:Caasimadda Pakistan, Islamabad, waxay marti galisay wadahadallo ka socday Maraykanka iyo Iran todobaadkii hore, laakiin waxay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis nabadeed. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in madaxa ciidamada Pakistan uu khamiistii Tehran kula kulmay saraakiil Iran ah taasoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu kordhiyo heshiiska xabbad joojinta ee hadda jira.

    Si aad wax badan u akhrido:

  3. Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha: Shirkadaha maraakiibta waa in ay 'taxadar ka muujiyaan' Hormuz

    Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha, Arsenio Dominguez

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha, Arsenio Dominguez

    Xoghayaha guud ee hay'adda caalimaga ah ee badaha, Arsenio Dominguez, ayaa u sheegay BBC in shirkadaha maraakiibta ay u baahan yihiin inay “feejignaadaan” marka la eego sheegashooyinka Iran ee ah in Marin-biyoodka Hormuz uu furan yahay.

    Isagoo la hadlayay barnaamijka Newshour, Dominguez wuxuu yiri: “Horumar kasta dabcan waa la soo dhoweynayaa, laakiin weli waxaan ku jiraa habka xaqiijinta xogta la isla dhexmarayo.”

    Wuxuu sheegay in “walaaca ugu weyn” uu weli yahay “20,000 oo badmaaxayaal ah oo xanniban,” iyo ku dhawaad 2,000 oo markab.

    “Annaga ahaan, waa lama huraan in maraakiibta dib u bilaabaya inay maraan Marin-biyoodka Hormuz ayna si ammaan ah ku maraan,” ayuu yiri.

    Dominguez wuxuu sheegay inuusan hadda haynin “damaanad gaar ah,” sidaas darteedna uu ugu baaqayo warshadaha maraakiibta “inay feejignaadaan ilaa ay ka helayaan caddeyn dheeraad ah.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  4. Qoraalkii afka-ingiriisiga ahaa ee uu Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ku qoray barta X ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah wakaaladaha wararka Iran

    Qoraalka uu Af-Ingiriisi ku daabacay barta X wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa dhalisay dhaliilo ka yimid warbaahinta Iran.

    Araghchi wuxuu qoray: “Iyadoo la raacayo xabbad-joojinta Lubnaan, dhammaan maraakiibta ganacsiga waxay si buuxda u mari karaan Hormuz inta ka hartay muddada xabbad-joojinta, iyada oo loo marayo waddooyinka ay horey ugu qoondeeyeen oo ay shaaciyeen Hay’adda Dekedaha iyo Badaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

    Telefishinka dawladda Iran ayaa si gaar ah diiradda u saaray “waddooyinka ila qoondeeyay,” wuxuuna inta badan iska indho tiray qaybta sheegaysa in marinka dhammaan maraakiibta ganacsiga uu “si buuxda u furan yahay” inta ka hartay muddada xabbad-joojinta.

    Tasnim News Agency, oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan ee (IRGC), ayaa qoraalka ku tilmaantay “mid xun oo aan dhammaystirnayn,” iyadoo sheegtay in marinka noocaas ahi uu “waxba kama jiraan” noqon doono haddii go’doominta badda ee Maraykanka ay sii socoto.

    Waxay tiri: “Wasaaradda Arrimaha Dibadda lafteedu waa inay dib uga fiirsataa noocan isgaarsiineed.”

    Student News Network (SNN), oo xiriir la leh ururka ardayda Basij ee IRGC, ayaa ku baaqday “caddeyn” ka timaadda mas’uuliyiinta Iran si loo “caqabadeyo loona burburiyo” fasiraadda uu Donald Trump ka bixiyay “guul” arrintan la xiriirta.

    Wakaaladda wararka ee Fars News Agency — oo iyaduna xiriir la leh IRGC — ayaa sidoo kale ku baaqday in mas’uuliyiintu “caddeeyaan” arrinta, iyadoo sheegtay in “hadallo gaaban oo kooban” oo lagu daabaco X aysan ku habboonayn qancinta “ra’yiga dadweynaha gudaha” ee reer Iran.

    Fars waxay sheegtay in Iiraaniyiintu “ugu baaqayaan mas’uuliyiinta inaysan oggolaan sheekada cadowga iyo warbaahinta cadawtinimada leh inay buuxiyaan farqiga xogta.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  5. Farriimo is khilaafsan: sida Trump uu ku dhawaaqay Hurmuz si buuxda u furan yahay, laakiin Iran waxay soo jeedinaysaa inay jiri karaan xaddidaadyo

    .

    Xigashada Sawirka, Roberto Schmidt/Getty Images, Iran President Press Office / Handout /Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Donald Trump ayaa maanta si aad u rajo badan uga hadlay sida uu u arko wada-xaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran. Laakiin marka la eego faahfaahinta, wali waxaa jira meel mugdi ah oo weyn, iyadoo Iran ay dirayso fariimo is khilaafsan.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in Marin-biyoodka Hormuz uu si buuxda u furan yahay, balse mas’uuliyiinta Iran ayaa tan ka dib soo jeediyay in laga yaabo inay jiraan xaddidaadyo ku saabsan maraakiibta maraya marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Sidoo kale, sheegashada Trump ee ah in Maraykanku sii wadi doono go’doominta badda ee Iran ayaa sii adkeyn karta xaaladda.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay wareejin doonto walxaha nukliyeerka ee ay leedahay, laakiin warbaahinta Maraykanka ayaa tilmaamaysa in wada-xaajoodyada ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka ee Iran aysan weli dhammaystirnayn.

    Marka guud ahaan la eego, waxay u muuqataa in wada-xaajoodyada hadda socda — oo laga wado meel fog, aan si toos ah loo kulmin — ay weli si weyn isu beddelayaan oo aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin.

    Rajo wanaagga madaxweynaha ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid sax noqda. Laakiin haddii aysan sidaas noqon, tani ma noqon doonto markii ugu horreysay ee hadalladiisu ka hor maraan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhulka.

  6. xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay furitaanka Hurmuz

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres,

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in go’aanka wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ee ku dhawaaqaya in Marin-biyoodka Hormuz uu si buuxda u furan yahay inta ka hartay muddada xabbad-joojinta uu yahay “tallaabo ku socota jihada saxda ah.”

    Bayaan uu soo saaray, ayuu ku yiri: “Waxaan u baahanahay in si buuxda loo soo celiyo xuquuqda iyo xorriyadaha caalamiga ah ee maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz, isla markaana ay dhammaan dhinacyadu ixtiraamaan.”

    Wuxuu intaas ku daray in Antonio Guterres uu rajeynayo in “iyadoo ay weheliso xabbad-joojinta, tallaabadan ay gacan ka geysan doonto abuurista kalsooni u dhexeysa dhinacyada isla markaana ay xoojin doonto wada-hadallada socda ee ay fududeyneyso Pakistan.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  7. Trump: Anagoo kaashanayna Iran, waxaan soo saari doonaa Yuraaniyaamta la tayeeyay una wareejin doona Mareykanka

    Trump

    Xigashada Sawirka, REUTERS/Kevin Lamarque

    Qoraalka sawirka, Trump

    Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka ay la shaqeyn doonto Iran si dib loogu soo saaro kaydka uranium-ka la hodmiyey ee Iran loona geeyo Maraykanka.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa u sheegay Reuters wareysi taleefoon ah: “Waxaan heli doonaa kaydadka uranium-ka annagoo caawimaad ka helayna. Waxaan aadi doonaa Iran, marka fursad la helo, waan qodi doonaa annagoo adeegsanayna mashiinno waaweyn… Waxaan u rari oonaa Maraykanka.”

    Trump ayaa mar kale isticmaalay erayga “Haraadiga nukliyeer ” si uu u tilmaamo kaydka uranium-ka la hodmiyey ee Iran, isagoo sheegay in “si dhow” loo soo saari doono.

    Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maraykanku sii wadi doono go’doominta badda ee Iran ilaa laga gaaro heshiis.

    Mr. Trump ayaa intaas ku daray in Iran iyo Maraykanku hadda “si fiican isula shaqeynayaan,” isagoo xusay inuu filayo in heshiis “si dhakhso ah” loo gaaro.

  8. Maxay ka dhigan yihiin farriimaha uu trump sida is-dabajoga ah u soo dhigayo baraha bulshada?

    Akoonka Truth Social ee Donald Trump ayaa saacaddii la soo dhaafay u ekaa sidii war-baahin joogto ah warar u tebinaysa.

    Madaxweynaha Maraykanka, oo hadda ku sugan hudheelkiisa ku yaal Las Vegas, ayaa si joogto ah u soo gudbinayay warar ku saabsan xaaladda wada-xaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, isaga oo sawir rajo leh ka bixinaya suurtagalnimada heshiis nabadeed maalmaha soo socda.

    Trump wuxuu sheegay in Iran ay wareejin doonto “hadhka nukliyeerka (nuclear dust)” ee ay leedahay Maraykanka, isla markaana ay oggolaatay in aysan “mar dambe waligeed” isku dayin inay xirto Marin-biyoodka Hormuz ee maraakiibta.

    “Aad bay u weyn tahay oo u qurux badan tahay maanta adduunka,” ayuu si xamaasad leh u sheegay.

    Xaqiiqadu way ka adag tahay sidaas, sida ay tilmaameen saaxiibaday.

    Laakiin suuqyada - oo uu si dhow ula socdo Trump- ayaa iyaguna muujiyay farxad ku dhow tan madaxweynaha laftiisa.

    Arrintaas runtii waa war uu Trump ku farxo, maadaama saameynta dhaqaale ee khilaafkan — gaar ahaan qiimaha shidaalka ee xarumaha shidaalka — ay si weyn hoos ugu dhigtay taageerada madaxweynaha ee gudaha Maraykanka.

    Si aad wax badan u akhrido:

  9. Shirkadaha maraakiibta: Ma isticmaali doono marin biyoodka Hormuz ilaa ay ammana noqoto

    Markab

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Markab

    Tilmaamaha hore waxay muujinayaan in maraakiibta ganacsiga ee ku sugan ama ku dhow Gacanka (Gulf) aysan ku degdegi doonin inay maraan Marin-biyoodka Hormuz, inkasta oo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, uu ku dhawaaqay inuu “si buuxda u furan yahay”.

    Mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya maraakiibta shidaalka iyo gaaska, oo aan rabin in magaceeda la shaaciyo, ayaa u sheegtay BBC in bayaanka Iran “uusan waxba ka beddelin xaaladda hadda jirta”.

    Waxay tiri: “Ma dareemeyno inaan u baahannahay inaan qaadanno khataro aan loo baahnayn, waxaana habka shirkaddeenu yahay inaanan noqon kuwii ugu horreeyay ee mara marin-biyoodka.”

    Shirkad kale oo lagu magacaabo Stena Bulk, oo ka shaqeysa maraakiibta shidaalka ee gobolka, ayaa sheegtay inay “si dhow ula socoto xaaladda isbeddelaysa.”

    Waxay sidoo kale tiri: “Badbaadada shaqaalaheenna iyo maraakiibtayadu waa waxa hagaya go’aan kasta oo la xiriira waddo-marista, mana gudbi doonno ilaa aan ku qanacno inay ammaan tahay in sidaas la sameeyo.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  10. TV-ga qaranka Iran: marinka Hormuz waxaa mari karta oo kali ah cidda ogolaanshahiya ka haysata Iran

    TV iran

    Xigashada Sawirka, Telewebion/IRINN

    Qoraalka sawirka, TV iran

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa maanta xilli hore sheegay in “ dhammaan maraakiibta ganacsiga ay ka gudbi karaan Marin-biyoodka Hormuz oo uu si buuxda u furan yahay inta ka hartay muddada xabbad-joojinta,” sida uu ku qoray bartiisa X.

    Telefishinka dawladda Iran ayaa hadda soo xigtay “sarkaal sare oo milatari” oo sheegay in maraakiibtan ganacsiga ay mari doonaan “waddo loo qoondeeyay” isla markaana ay u baahan doonaan oggolaanshaha Ciidanka Badda ee ilaalada kacaanka Iiran.

    Waddada loo qoondeeyay, sarkaalku wuxuu u sheegay TV-ga inay noqon doonaan midda dawladda ee ay go'aamiyeen Dekadaha iyo Ururka Badaha Iran.

    Sida uu sheegay telefishinka dawladda Iran, isaga oo soo xiganaya sarkaalka milatariga, maraakiibta milatariga wali waa ka mamnuuc inay maraan Marin-biyoodka Hormuz.

    Si aad wax badan u akhrido:

  11. Ma sahlano in Marinka Hurmuz si degdeg ah ay Maraakiibta u maraan

    Hurmuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hurmuz

    Wararka sheegaya in Iran ay furtay Strait of Hormuz waxaa si ballaaran loogu soo dhoweyn karaa, laakiin xaqiiqdu waa mid ka adag sida ay u muuqato.

    Shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ayaa marar badan adkeeyay in badbaadada shaqaalahooda iyo maraakiibtoodu ay tahay mudnaantooda koowaad.

    Waxay u badan tahay in aysan si dhakhso ah ugu laaban doonin isticmaalka marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa ay si buuxda u hubiyaan in dagaalladu si joogto ah u joogsadeen, maadaama uu yahay marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

    Inkasta oo ay dhaceen dhimashada toban badmaax, shirkadaha maraakiibta ee yaryar ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin halis badan.

    Isbarbardhigga ugu dhow ee xaaladdan waa wixii ka dhacay markii maraakiibta ay ka fogaadeen Kanaalka Suez kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay bilaabeen weerarro maraakiibta bishii Diecmber 2023.

    Waxay qaadatay in ka badan laba sano ka hor inta aan si xaddidan mar kale loo bilaabin isticmaalka marinkaas muhiimka ah, taas oo sidoo kale timid kadib bilooyin aan weerarro dhicin.

    Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira laba farqi oo waaweyn marka loo eego Hormuz: marka hore, ma jiro waddo kale oo lagu beddeli karo marinkan badda; marka labaadna, gudbinta tiro aad u badan oo Shidaal iyo gaas ah ayaa si toos ah ugu xiran dhaqaalaha caalamka, taasoo ka dhigaysa in lagu dhiirado in dib loo bilaabo isticmaalka marinka ay aad u weyn tahay.

    Si aad wax badan u akhrido:

  12. Trump oo sheegay inay Iiraan u ballanqaaday inaysan mar dambe xiri doonin Hurmuz

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku tku soo qoray “maalin weyn oo iftiin leh” oo u ah dunida, isagoo sidoo kale u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir.

    Wuxuu sidoo kale ammaan u jeediyay Sacuudiga, Qatar, iyo Imaaraadka, isagoo ku sheegay inay muujiyeen “geesinimo”.

    Trump wuxuu qoray in Iran ay ogolaatay in aysan mar dambe xirin marinka Hormuz isla markaana aysan “u adeegsan hub ahaan.” Wuxuu sidoo kale sheegay in Iran, iyadoo kaashanaysa Maraykanka, ay nadiifisay ama ay wali nadiifinayso miinooyin ku yaalla Gacanka Faaris.

    Wuxuu mar kale carrabka ku adkeeyay in heshiiska Iran uusan ku jirin Lubnaan.

    Sidoo kale, wuxuu dhaliil u jeediyay NATO, wuxuuna sheegay in hadda oo marinka Hormuz la furay uu diyaar u yahay inuu caawiyo xasilinta xaaladda.

    Ilaa hadda, Iran weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin hadalladan.

    Si aad wax badan u akhrido:

  13. Trump oo sheegay in Iran ay Miinooyiinka ka saarayso Hurmuz

    Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ka saari doonto miinooyinka ku jira marinka Hormuz iyadoo ay caawinayaan Maraykanka.

    Iiraan ayaa marinka galisay miinooyiin badan si ay maraakiibta uga horistaagan inay maraan.

    Marinkan waxaa mara 20% ka mid ah maraakiibta gaar ahaan kuwa qaada Shidaalka

    Si aad wax badan u akhrido:

  14. Trump: Go'doominta Maraykanka ee dekedaha Iran way sii jiri doontaa

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray:“Marinka Hormuz waa si buuxda u furan oo diyaar u ah ganacsi.”

    Wuxuu intaas ku daray:“BALSE xannibaadda badda waxay si buuxda u sii ahaan doontaa mid shaqaynaysa oo lagu dabaqi doono Iran oo keliya, ilaa waqtiga heshiiskeenna Iran uu 100% u dhammaado.

    “Hannaankan waa inuu si degdeg ah u socdaa maadaama inta badan qodobbada horey loo wada heshiiyey. Mahadsanidiin feejignaantiina arrintan! Madaxweynaha Donald J. Trump.”

    Si aad wax badan u akhrido:

  15. Qiimaha Shidaalka caalamka oo aad hoos ugu soo dhacay

    Qiimaha Shidaalka cayriin ayaa si weyn hoos ugu dhacay, kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Iran uu sheegay in marinka Hormuz uu si buuxda u furnaan doono maraakiibta ganacsiga inta ka harsan muddada xabbad-joojinta.

    Kadib ku dhawaaqistaas, qiimaha foosto saliidda Brent crude ayaa hoos uga dhacay $90, isagoo hore uga badnaa $98 isla maalintaas.

    Sidoo kale, NYMEX light sweet crude, oo ah halbeegga Shidaalka ee Maraykanka, ayaa isna si weyn hoos ugu dhacay.

    Ka hor khilaafka, Shidaalka nooca Brent wuxuu wax yar ka hooseeya $70 foosto. Wuxuu kor u dhaafay $100 horraantii bisha Maarso, wuxuuna gaaray heerkii ugu sarreeyay ee ka badan $119 dabayaaqadii isla bishaas.

  16. Trump oo u mahadceliyay dowladda Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa Truth Social uu si buuxda u furan yahay oo diyaar u yahay in si buuxda loo maro. Mahadsanidiin!”

  17. Iran oo sheegtay, Marinka Hormuz 'wuxuu gabi ahaanba u furan yahay' maraakiibta ganacsiga inta ka hartay xabad joojinta

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Iran

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran Abbas Araqchi Araghchi ayaa sheegay in Iran ay si buuxda dib u furi doontaa marin biyoodka Hormuz inta ka hartay wakhtiga xabad joojinta.

    Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay baraha bulshada ayuu ku sheegay:“Waxaa ka mid ahaa qaabka dhismeedka xabbad-joojinta Lubnaan, in maraakiibta ganacsi ee marin biyoodka Hormuz si buuxda loo furay inta ka harsan muddada xabbad-joojinta.”

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaas ku daray: “Marinkan waxaa lagu mari doonaa iyada oo la raacayo qaab ay isku dubbariday oo horay u shaacisay Hay’adda Dekedaha iyo Maraakiibta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

  18. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda: Iran ma aqbali doonto xabbad joojin ku meel gaar ah

    Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran, Saeed Khatibzadeh, ayaa adkeeyay in Iran ay diidan tahay xabbad-joojin ku-meelgaar ah, isla markaana ay dooneyso in dagaalka si buuxda looga joojiyo guud ahaan gobolka.

    Khatibzadeh ayaa u sheegay warfidiyeenka intii uu ku sugnaa madasha Antalya Diplomacy Forum in xabbad-joojin kasta ay tahay inay ka dhaqan gasho “laga bilaabo Lubnaan ilaa Badda Cas,” isagoo ku tilmaamay arrintaas “xariiq cas” oo Iran leedahay.

    Sida ay werisay Al Jazeera, wuxuu sheegay:“Ma aqbali doono wax xabbad-joojin ku-meelgaar ah,” wuxuuna intaas ku daray in dagaalka“ay tahay inay halkan ku dhammaadaan si joogto ah.”

    Marka laga hadlayo marin-biyoodka Strait of Hormuz, wuxuu sheegay in marin-biyoodkan, oo ku jira biyaha dhuleed ee Iran, uu mar walba furnaa.

    Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel inay sabab u yihiin xasillooni darrada gobolka, isaga oo sheegay in tallaabooyinkooda ay saameyn taban ku yeesheen ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqaalaha.

  19. Wasiirka Difaaca Israel: Howlgalka ka dhanka ah Xisbullah 'wali ma dhameystirna'

    Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz,

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz

    Israa’iil ayaa ka digtay in kumannaan rayid Lubnaaniyiin ah oo barakacayaal ahaa, kuwaas oo dib ugu laabanaya guryahooda koonfurta Lubnaan, laga yaabo in mar kale la daadgureeyo haddii dagaalku dib u qarxo, sida ay sheegtay AFP.

    Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa bayaan uu baahiyay ku sheegay in weerarrada ka socda Lubnaan “ay gaareen guulo badan”, balse howlgalka ka dhanka ah Xisbullah uu “wali dhammaystirneyn”.

    Wuxuu yiri:“Haddii dagaalku dib u bilaabmo, dadkaas dib ugu soo laabanaya aagga amniga waa in mar kale la daadgureeyo si loo dhammeystiro howlgalka.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii hayn doonaan dhammaan goobihii ay “nadiifiyeen oo ay qabsadeen”, sida ay werisay Reuters.

    Dhanka kale, iyadoo laga falcelinayo xabbad-joojinta lagu dhawaaqay Khamiistii, Hezbollah ayaa sheegtay: “Xabbad-joojin kasta waa inay noqotaa mid dhammaystiran oo ka dhaqan gasha dhammaan dhulka Lubnaan, isla markaana aysan siin cadawga Israa’iil wax xorriyad dhaqdhaqaaq ah.”

  20. Hogaamiyaha Hezbollah oo BBC u sheegay in aysan waligeed hubka dhigi doonin

    Wafiq Safa,
    Qoraalka sawirka, Wafiq Safa,

    Sarkaal sare oo ka tirsan Hezbollah, Wafiq Safa, ayaa u sheegay BBC in kooxdu “waligeed, waligeed” hubka dhigayn, saacado ka hor inta aysan bilaaban xabbad-joojin 10 maalmood ah oo u dhaxaysa Lubnaan iyo Israa’iil.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in hub-ka-dhigista Hezbollah ay tahay shuruud aasaasi ah oo ku jirta wada-hadallada mustaqbalka ee lala yeelanayo dowladda Lubnaan.

    Markii wax laga weydiiyay hub-ka-dhigista, Safa wuxuu yiri: “Ma aha ilaa xabbad-joojin dhab ah la gaaro. Ma aha ilaa ay Israa’iil ka baxdo. Ka hor inta aan maxaabiista la sii deyn, dadka barakacayaasha ahna la soo celin, iyo dib-u-dhiska la sameyn. Ilaa markaas, suurtagal ma aha in laga hadlo hubka Hezbollah.”

    Wareysigan oo lagu qabtay dhisme ku yaalla Beirut ayaa bixiyay aragti naadir ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Hezbollah iyo taageeraha ugu weyn ee gobolka, Iran.

    “Hezbollah iyo Iran waa laba naf oo hal jirku jirta” ayuu yiri Safa. “Ma jiri karto Hezbollah la’aanteed Iran, mana jiri karto Iran la’aanteed Hezbollah,” isagoo ku tilmaamay xiriirkaas mid “diimeed, sharci iyo fikradeed.”

    Hezbollah, oo ah urur Shiico ah oo siyaasad iyo milatari iskugu jira, ayaa diidan jiritaanka Israa’iil, waxaana loo aqoonsan yahay urur argagixiso dalal badan sida Maraykanka, Boqortooyada Midowday iyo Israa’iil.

    Markii la weydiiyay haddii Hezbollah ay mudnaanta siinayso danaha Lubnaan ama Iran, Safa wuxuu yiri:“Dabcan, Hezbollah waxay eegaysaa danaha Lubnaan.”

    Wuxuu ku dooday in taageerada Iran, oo ay ku jirto cadaadiska lagu doonayo xabbad-joojin, ay caawisay Lubnaan inta uu socdo dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo Lubnaaniyiin ah—oo ay la hadashay BBC—ayaa doonaya in kooxda hubka laga dhigo, waxayna ku eedeeyaan inay dalka gelisay dagaal.

    Iyadoo Hezbollah ay diidan tahay hub-ka-dhigista isla markaana ay ku adkeysanayso shuruudo ballaaran, halka Israa’iil ay weli ku adkeysanayso dalabaadkeeda amni, xabbad-joojin kasta waxay u badan tahay inay noqoto hakad kumeelgaar ah oo aysan xaaladda soo afjarin

Trending Now