Maxaa la sameeyaa marka maalinta Jimcaha iyo Ciidda isku soo aadaan?

Masaajidka Ahle Sunnah ee Alberta, Canada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Muslimiinta caalamka ayaa maanta u dabaal degaya 1-da Shawaal 1447 hijri oo ku beegan 20-ka Maarso 2026, waxa ay kusoo beegantay maalin Jimce ah, mana aha markii ugu horaysay ee ay isku beegmaan labadan ciidood ee muslimka.

Jimcaha waa Ciidka toddobaadka ee muslimiinta, Waxaana si gaar ah loogu yaqaanaa in Salaadda Jimcaha oo ka kooban laba rakco maalintaasi la oogo.

Markasta oo ay isku soo beegmaan Jimcaha iyo Ciidka ayaa bulshada muslimiinta dhexdeeda ay ka dhalisaa jaahwareer la xiriira sida labada ciidood loo tukado salaadahooda isku maalinka ku beegmay.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo kamid ah culimada caanka ee Soomaalida ayaa munaasabado dhowr ah kaga hadlaya waxa laga yeelayo salaadda Jimcaha, maadaama ay kasoo hormartay salaadda Ciida oo isla maalintaasi Jimcaha la gutay.

''Ciidda iyo Jimcaha haddii ay kulmaan waa masalo xoogaa khilaaf ah uu ka jiro, laakiin qowlka culimada muslimiinta ugu badan ayaynu soo qaadanaynaa iyaga oo daliilka isu miisaamay''

Sheekh Maxamed Cumar Dirir

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

''Qowlkaasi waxa weeyaan Jimcadii in aanay dhacayn, imaamkii kama dhacayso oo waa loo oogayaa dadkii, siduu nabiguba u lahaa Jimcadii waan tukanaynaa, qofkii aan ciidda tukanina kama dhacayso, laakiin qofkii ciidda tukaday oo meel baadiya ah oo durugsan tagaya, kaas uun weeye kan laga dhaafay, qofka laakiin magaalada jooga, imaamkii iyo ummadii magaalada Jimcadii iyo Ciiddiiba waa is-raacinayaan, qowlka culimadu u badan yihiin waa kaas'' ayuu yiri Sheekh Dirir.

Sheekh Dirir ayaa intaa raaciyay ''Maanta waxaa kulmay buu yiri (NABIGA NNKH) laba ciidood baa kulmay, Ciid iyo Jimcaa kulmay Maanta, marka qofkii doonaa (waa dadkii Miiga ka yimide) ee ciidda tukada waa iska tagi karaan, laakiin anagu waa tukanaynaa ee taa ogaada, saas uu NABIGU leeyahay baan ku dayanaynaa, waayo hadaladu waa iska badan yihiin, qaarkood baa kalikali ah, laakiin kan jamhuurku waa caynkaa, Jimcadii iyo Ciiddiiba waan tukanaynaa''

Small Heath Park

Qaark kamid ah culimada Nigeria ayaa iyaguna qaba inay jiraan khaladaad badan, gaar ahaan ay dadka qaarkood ay aaminsan yihiin oo ah in aan Jimce la tukanayn haddii Ciidku kusoo aado maalin Jimce ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sheikh Axmad Abubakar Gumi oo kamid ah culimada Nigeria ayaa sheegay "Haddii Ciiddu ku beeganto Jimco, Muslimiintu waxay leeyihiin laba isu imaatin. Mid waa isu imaatinka sannadlaha ah ee Ciidda, midna waa isu imaatinka Jimcaha."

''Mid kasta waa camal cibaado oo gooni ah, midna kuma xirna kan kale. Marka laga reebo kuwa Jimcuhu aan waajibka ku ahayn, sida kuwa ku nool tuulooyinka, dadka deggen meelaha fog ama dadka xajinaya ee ka taga tuulooyinkooda si ay u tagaan Madiina salaadda Ciidda, waxaa loo oggolaaday inaysan dib ugu noqon Madiina si ay u tukadaan salaadda Jimcaha''

Sheekh Gumi ayaa intaa raaciyay in "Qaar kamid ah dadka leh qofkii tukada salaadda Ciidda ma aha inuu tago salaadda Jimcaha. Tani waa faham khaldan. Marka laga reebo haddii ay jirto baahi sida safar ama xanuun,"

Sheekh Halliru Maraya oo isaguna kamid ah culimada Kaduna ayaa ku tilmaamay xaaladan in aysan ahayn mid lagu jaahwareero.

"Sidan oo kale ah waxay dhacday xilligii Rasuulka Ilaahay, waxa uu Nabigu sameyn jiray waa inuu aado Ciidda, oo uu tago masaajidka, oo uu hogaamiyo salaadda Jimcaha. Marka salaadda Ciidda la tukado, wuxuu dhihi jiray, 'Maanta waxaan tukanay salaadda Ciidda.' Salaadda Jimcaha, qofkii doono wuu tukan karaa Jimcaha, laakiin annaga waan tukannaynaa Jimcaha."

"Marka, waxa ugu muhiimsan waa in dadka ay tukadaan salaadda Ciidda ka dibna ay tukadaan salaadda Jimcaha. Taasi waa waxa lagama maarmaanka ah." Ayuu yiri Sheekh Halliru.

Sheekhu waxa uu hadal daciif ah kasoo qaaday dadka sheega in marka la tukado salaadda ciidda uu seegi karo labadaba Jimcaha iyo salaadda Casar.

"Waxaa kale oo jirta hadal aad u liita oo ah in haddii qof uu tukado Ciidda, uu markaasi salaadaha Jimcaha iyo Casarka labaduba seegi karo. Laakiin culimo aad u yar ayaa ku raacsan arrintan sababtoo ah waa mid aad u daciif u ah."