Agaasimihii hore ee Xarunta La-dagaallanka Argagixisada mareykanka oo ka digay in la dilo hogaamiyaha Ruuxiga Iran

Joe Kent

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Joe Kent, agaasimihii hore ee Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Maraykanka, oo iska casilay xilkiisa sababo la xiriira dagaalka Iran, ayaa sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran Ali Khamenei ay ahayd in aan la beegsan oo aan la dil.

Isagoo ku dhawaaqayay iscasilaaddiisa laba maalmood ka hor, Joe Kent wuxuu yiri "ma awoodin inaan ka hor imaado damiirkayga oo aan taageero dagaalka ka socda Iran."

Khamiistii, Joe Kent wuxuu wareysi siiyay falanqeeyaha siyaasadda Tucker Carlson, halkaas oo uu ku sheegay in hawlgalkii wadajirka ahaa ee Maraykanka iyo Israa'iil ee lagu doonayay in lagu dilo Ali Khamenei "uu ahaa wax aynaan Maraykanku marnaba sameynin."

Wareysigan, Joe Kent wuxuu sidoo kale sheegay in Khamenei uu dhab ahaantii "kormeerayay barnaamijka nukliyeerka Iran si uu u ahaado mid dhexdhexaad ah, isla markaana uu ka hortagayay in Iran ay hesho hub nukliyeer."

Joe Kent ayaa intaas ku daray: "Haddii aad isaga (Khamenei) meesha ka saartaan, oo si gardarro ah loo dilo, dadka way isu soo bixi doonaan oo ay garab istaagi doonaan nidaamka Iran iyo hoggaamiye cusub..."

Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in arrintaasi ay hadda dhab ahaantii socoto, isagoo ku saleynaya dhammaan macluumaadka la heli karo.

Sidoo kale, Joe Kent wuxuu mar kale ku dooday in go'aanka lagu weeraray Iran uu ahaa mid inta badan ay hormuud ka ahayd Israa'iil, halkii uu si buuxda uga iman lahaa Maraykanka.

"Go'aankan waxaa gaaray Israa'iiliyiinta, annaguna waan ogayn in tallaabadan ay keeni doonto silsilad dhacdooyin ah, taasoo la micno ah in Iiraaniyiintu ay ka aargoosan doonaan."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tucker Carlson ayaa weydiiyay Joe Kent haddii dowladda Iran ay ku dhowdahay samaynta bam nukliyeer ah.

Kent wuxuu uga jawaabay: "Maya. Saddex toddobaad ka hor markii arrintan dagaalka ay bilaabatay, Iran ma aysan dhoweyn samaynta bam nukliyeer. Sidoo kale 22-kii bishii Juun 2025 markii Maraykanku weerar weyn ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Iran ay leedahay fatwo la soo saaray 2004 oo ka mamnuucaysa horumarinta hubka nukliyeerka. "Ma aanan hayn wax sirdoon ah oo muujinaya in fatwadan la jebiyay," ayuu u sheegay Carlson.

Dhanka kale, ilo kala duwan ayaa u sheegay CBS News, oobahwadaag la ah BBC, in FBI ay bilowday baaritaan ku saabsan Joe Kent.

Sida ay sheegtay CBS, baaritaankani wuxuu la xiriiraa faafinta macluumaad sir ah. Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka lagu bilaabay laba maalmood ka hor intii uusan iscasiliin xilkiisa sababo la xiriira dagaalka Iran.

Waxaa xusid mudan in Senate-ka Maraykanka uu ansixiyay magacaabista Joe Kent kadib markii madaxweyne Donald Trump uu u magacaabay jagadan bishii July ee la soo dhaafay.

Warqaddiisii iscasilaadda ee uu u diray Trump, Joe Kent wuxuu ku qoray: "Iran ma aysan ahayn khatar degdeg ah oo ku wajahan dalkeenna, waxaana cad in dagaalkan aan bilownay cadaadis kaga yimid Israa'iil iyo kooxaha u ololeeya ee awoodda badan ee Maraykanka."

Wuxuu intaas ku daray inuu taageersan yahay qiyamka iyo siyaasadaha arrimaha dibadda ee Trump ku ololeeyay doorashooyinkii 2016, 2020, iyo 2024, isla markaana uu hirgeliyay muddadiisii hore ee xilka.

Kent wuxuu qoray: "Ilaa Jun 2025, adiga (Trump) waxaad aaminsaneyd in dagaallada Bariga Dhexe ay yihiin dabin qaata nolosha qiimaha leh ee dhalinyarada waddaniyiinta Maraykanka isla markaana burburiya hantida iyo barwaaqada dalkeenna."

Wuxuu sidoo kale yiri: "Waxaan ahay askari hore oo dagaal galay 11 jeer, sidoo kale waxaan ahay nin xaaskiisa Shannon Kent ku waayay weerar bam oo ka dhacay Suuriya sanadkii 2019."

Kent, oo 45 jir ah, waa askari hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Maraykanka iyo sidoo kale sarkaal hore oo ka tirsanaa CIA.

Wuxuu sii raaciyay warqaddiisa: "Ma taageeri karo in jiilka soo socda lagu riixo dagaal aan faa'iido u lahayn shacabka Maraykanka balse khasaaro nafeed ku keena."

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Aqalka Cad ayaa diiday eedeymahaas, isagoo sheegay in Donald Trump uu haystay "caddeymo la isku halleyn karo" oo muujinaya in Iran ay qorsheynaysay inay marka hore weerarto Maraykanka.

Isagoo ka hadlayay Xafiiska Oval-ka Talaadadii, Trump ayaa ka jawaabay hadallada Joe Kent isagoo yiri: "Waan akhriyey qoraalkiisa. Mar walba waxaan u maleynayay inuu yahay qof wanaagsan, balse dhinaca amniga daciif ayuu ahaa, aad buu u daciif u ahaa."

Trump wuxuu intaas ku daray: "Si fiican uma aqoon isaga, laakiin markii aan akhriyey hadalkiisa, waxaan garwaaqsaday inay ka fiicneyd inuu baxo, sababtoo ah wuxuu sheegay in Iran aysan khatar ahayn."

Ugu dambeyn, Trump wuxuu sheegay in "Iran ay tahay khatar, waddan walbana wuu fahmay sida ay Iran khatar weyn u tahay."

Joe Kent

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

Qoraalka warqadda ayaa intaas ku daray: "Jawigan hal dhinac ah ayaa loo adeegsaday in lagugu qanciyo in Iran ay tahay khatar degdeg ah oo ku wajahan Maraykanka. Tani waxay ahayd been."

Joe Kent, oo muddo dheer taageere u ahaa Donald Trump isla markaana laba jeer u tartamay Congress-ka balse aan guuleysan, ayaa madaxweynuhu u magacaabay xilkan bilowgii maamulkiisa, waxaana loo ansixiyay si dhib yar inkastoo Dimuqraadiyiin badan ay dhaliileen xiriirkiisa la sheegay ee kooxo xagjir ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Proud Boys.

Intii lagu jiray dhageysiga ansixinta, Joe Kent wuxuu sidoo kale diiday inuu ka noqdo sheegashooyinkii uu hore u sameeyay oo ahaa in saraakiil federaal ah ay kiciyeen rabshadihii 6 January caasimada Mareykanka ama in Trump uu ku guuleystay doorashadii 2020.

Xarunta La-dagaallanka Argagixisada Qaranka, wuxuu hoos imanayay Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Tulsi Gabbard, isagoo kormeerayay falanqaynta iyo aqoonsiga khataraha argagixiso ee suurtagalka ah ee ka imanaya dunida oo dhan.

Horey, Joe Kent wuxuu 11 jeer u baxay howlgallo dibadda ah isagoo la shaqeynayay militariga Maraykanka, oo ay ku jirto waqti uu ku qaatay Ciraaq.

Markii dambe, wuxuu noqday sarkaal ka tirsan CIA, balse wuxuu ka tagay shaqada dowladda kadib geeridii xaaskiisa.