Sidee ayuu Ruushku uga faa'iiday dagaalka Iiraan?

Xigashada Sawirka, Iran
Madaxweynaha Iiraan iyo Ruushka ayaa laba jeer telefoon ku wada hadlay muddo toddobaad gudaheed ah.
Iyadoo Israa'iil iyo Maraykanka ay sii wadaan weerarradooda ka dhanka ah Iiraan, madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa isu soo bandhigay hoggaamiye doonaya inuu dhexdhexaadiyo Iiraan iyo cadawgeeda.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan saameyn badan ma leh, maadaama hoggaamiyahan Ruushka uu sanadkii 2022 ku duulay dalka madaxbannaan ee Ukraine.
Xilligaas, Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay duullaanka lagu qaaday Ukraine, iyadoo sheegtay inuu yahay xadgudub ka dhan ah shuruucda Qaramada Midoobay.
Si kastaba ha ahaatee, iskaashigan istaraatiijiga ah ma ku jiro heshiis difaac wadajir ah. Halkii, Ruushka wuxuu isku dayayaa inuu noqdo dhexdhexaadiye khilaafkaas.
Wadahadal telefoon oo dhacay Isniintii oo uu la yeeshay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, sida ay sheegtay Kremlin, Vladimir Putin wuxuu "soo bandhigay fikradihiisa ku saabsan sidii loo heli lahaa xal diblomaasiyadeed oo degdeg ah oo ku saabsan dagaalka la xiriira Iiraan, isagoo wadahadal la sameynaya hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka, madaxweynaha Iiraan, iyo hoggaamiyeyaasha dalal kale."
Ruushka, arrintan waxay u arkaa fursad uu ku xoojin karo sawirkiisa dalalka Khaliijka iyo Bariga Dhexe, isla markaana uu isku muujiyo dal leh saameyn weyn. Sidoo kale waa fursad uu ku xoojiyo xiriirkiisa Maraykanka.
Kremlin waxay rabtaa inay sii waddo xiriir shaqo oo wanaagsan oo ay la leedahay Trump. Waxayna aaminsan tahay in xiriirka ay la leedahay maamulka Trump uu ka caawinayo yoolalka milatari ee Moscow ee ka socda Ukraine.
Arrintani waxay sharxaysaa sababta madaxweynaha Ruushka uu uga fogaaday dhaleeceynta dhiggiisa Maraykanka, isaga oo si dadweyne u aamusan marka laga hadlayo dagaalka la xiriira Iiraan.
"Wuxuu doonayaa inuu caawiyo," ayuu Trump sheegay Isniintii kadib wadahadalkiisii telefoon ee uu la yeeshay Putin.
"Waxaan ku iri, 'Waxaad caawin badan samayn lahayd haddii aad soo afjartaan dagaalka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka. Taasi waxay ahaan lahayd caawin ka weyn,'" ayuu intaas ku daray.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo Kremlin ay ku baaqeyso "in dagaalka la joojiyo" gudaha Iran, khilaafkan ayaa sidoo kale siinaya Russia fursado uu ka faa'iidaysto.
Kuwaas waxaa ka mid ah fursado dhaqaale.
Kororka dhowaan ku yimid qiimaha saliidda caalamka ayaa kordhiyay dakhliga dowladda Ruushka, waxaana suurtagal ah in haddii qiimaha saliiddu sare sii ahaado muddo dheer, ay taasi ka caawin karto Ruushka inuu sii maalgeliyo dagaalkiisa ka dhanka ah Ukraine.
Dhab ahaantii, dagaalka Bariga Dhexe ayaa sare u qaaday qiimaha saliidda, taas oo keentay in Ruushka uu helo balaayiin dollar oo dakhli dheeraad ah oo ka yimaada dhoofinta shidaalk
Bajeti ee Ruushka waxay ku tiirsan tahay iibinta saliidda oo lagu xisaabiyay $59 halkii foosto.
Toddobaadkan, qiimaha saliidda cayriin ayaa kor u kacay oo gaaray $120 halkii foosto. In kasta oo qiimuhu hoos u dhacay, haddana wali wuu ka sarreeyaa $59.
Intaa waxaa dheer, Trump ayaa tilmaamay in Maraykanka uu ka qaadi karo cunaqabateynta saliidda qaar ka mid ah dalalka si loo yareeyo saameynta dagaalka ka dhanka ah Iran.
Haddii cunaqabateynta saliidda ee Ruushka la yareeyo, Moscow waxay heli kartaa faa'iido dhaqaale oo weyn. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in arrintani ay noqon doonto "duufaan weyn" oo ku timaada Kyiv, wuxuuna ka codsaday Trump inuusan sidaas samayn.
In kasta oo Kremlin aysan dhaleeceyn madaxweynaha Maraykanka, haddana qaar ka mid ah jariidada Ruushka ayaa si weyn u dhaleeceeyay Trump iyo dagaalka ka socda Iran.













