Waa kuwee hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Iran ee la dilay 18-kii maalmood ee lasoo dhaafay?

(Bidix ilaa Midig) Taliyaha Guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah Mohammad Pakpour, Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran Ali Larijani, iyo Wasiirka Difaaca Aziz Nasrzadeh
Qoraalka sawirka, (Bidix ilaa Midig) Taliyaha Guud ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah Mohammad Pakpour, Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran Ali Larijani, iyo Wasiirka Difaaca Aziz Nasrzadeh
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa weysay qaar badan oo ka mid ah madaxdeeda tan iyo markii Mareykanka iyo Israa'iil ay bilaabeen dagaalka ka dhanka ah Iran 18 maalmood ka hor. Dowlada Iran oo dishay hoggaamiyihii hore ee sare Ayatollah Ali Khamenei iyo mas'uuliyiin kale oo sarsare ayaa weli ka aargoosanaysa iyadoo aan jabin.

Israa'iil ayaa dib u billowday dilalka ay u geysanayso saraakiisha Iiraan, taasoo soo badanaysay tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka, waxayna ku dhawaaqday in maalin gudaheed ay dishay saddex sarkaal oo sare oo dhinaca ammaanka ah.

Immisa sarkaal oo Iiraaniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalka billowday? Aynu u eegno siday u kala horreeyaan.

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Febraayo 28

Madax badan oo u dhashay dalka Iiraan ayaa lagu dilay weerarro dhacay maalintii Sabtida oo ahayd maalintii uu dagaalku billowday. Hoggaamiyeyaasha lagu dilay weerarradii dhacay dhowaan waxaa ka mid ah:

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan – Ayatollah Ali Khamenei

Xoghayaha Golaha Difaaca iyo Lataliyaha Amniga ee Hoggaamiyaha Sare – Cali Shamkhani

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga – Mohammad Pakpour

Wasiirka Difaaca – Aziz Nasirzadeh

Taliyaha Shaqaalaha ee Ciidamada Qalabka Sida – Abdolrahim Mousavi

Agaasimaha Xafiiska Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida – Brigadier General Mohammad Shirazi

Ku-xigeenka Sirdoonka ee Ciidamada Qalabka Sida – Brigadier General Saleh Asadi

Ku-xigeenka Saadka iyo Taageerada ee Ciidamada Qalabka Sida – Major General Mohsen Darehbaghi

Ku-xigeenka Xafiiska Taliyaha Guud – Brigadier General Akbar Ibrahimzadeh

Agaasimaha Qaybta Saadka ee Ciidamada Qalabka Sida – Brigadier General Hassan Ali Tajik

Maarso 3

Sida lagu sheegay warbixin uay uruurisay warbaahint Axios, Israa'iil ayaa ku dhawaaqday inay dishay wasiirkii gaashaandhigga oo la dilay maalintii ugu horreysay ee weerarka, Seyid Majid Ibn Al-Reza, oo xilka la wareegay maalintii labaad.

Isla maalintaas, Israa'iil waxay sidoo kale shaacisay in Reza Khazai, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan ciidamada Quds, ciidamada gaarka ah ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

Iiraaniyiin ayaa ku dhintay weerar ay Israa'iil ku qaadday hotel Ramada oo ku yaalla Beyruut

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Iiraaniyiin ayaa ku dhintay weerar ay Israa'iil ku qaadday hotel Ramada oo ku yaalla Beyruut

Maarso 10

Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ay dileen shan taliye oo ka tirsan ilaalada kacaanka oo shir ku lahaa hoteel ku yaalla Beirut.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in Alireza Bi-Azar iyo Ahmed Rasouli ay ka mid ahaayeen dadka la dilay.

Waxay sidoo kale magacawday Majid Hassani, oo mas'uul ka ahaa "maareynta maaliyadda Iran ee Lubnaan." Hussein Ahmadlou iyo Abu Muhammad Ali, oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xoogaga Quds, ayaa sidoo kale la dilay.

Safiirka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa warqad uu u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in afarta dublamaasi ee lagu dilay weerarkii Hotel Ramada ee Beirut ay dhamaantood ahaayeen dublamaasiyiin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.

Maarso 14

Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa maanta ku dhawaaqay inay dileen Abu Dar Mohammed, oo ay ku tilmaameen inuu ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka Iran qeybta howlgallada gantaallada ee Hezbollah ee Beirut.

Taliyaha militariga ayaa sheegay in uu door muhiim ah ka qaatay dib u habeynta barnaamijka gantaalaha ee Xisbullah, kaas oo ay waxyeello ay kasoo gaartay duqeyntii Israa'iil ee September 2017.

Ali Larijani, Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ali Larijani, Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran

Maarso 17

Israa'iil ayaa dishay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka Iran ka dib markii ay duqaymo ku qaadeen wareeggii hore. Ali Larijani, oo ahaa xoghayihii guud ee golaha ammaanka qaranka Iran, ayaa lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay.

Larijani, oo horay u soo noqday afhayeenka baarlamaanka Iran 12 sano, ayaa la sheegay in lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay ku dhuumaalaysanayaan isaga iyo wiilkiisa.

Gholamreza Soleimani, oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka ee Basij, ayaa sidoo kale lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay. Iran ayaa wacad ku martay in ay u aargudi doonto dilka hogaamiyayaasheeda amaanka iyo militariga.

Wasiirka sirdoonka ee Iran Esmail Khatiba

Xigashada Sawirka, IRNA

Qoraalka sawirka, Wasiirka sirdoonka ee Iran Esmail Khatiba

Maarso 18

Israa'iil ayaa dishay wasiirkii amniga ee Iran, Ismail Khatiib, kaddib weerar ay xalay fulisay, sida uu maanta sheegay wasiirka gaashaandhigga Yisrael Katz.

"Wasiirkii amniga ee Iran, Ismaaciil Khatiib, ayaa la dilay habeenimadii Talaadada," ayay wasaaradda gaashaandhigga Israa'iil ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Iran wali ma aysan xaqiijin dilka madaxii sirdoonka. Haddii la xaqiijiyo, Ismaaciil Khatiib waxa uu noqonayaa sarkaalkii saddexaad ee sare ee ammaanka Iran oo ay Israa'iil disho 24 saac gudahood.

Waxaa laga yaabaa in dhimashadu aysan halkaas ku joogsan, iyadoo mas'uuliyiinta Israa'iil ay sheegeen inay sii wadi doonaan beegsiga madaxda sare ee siyaasadda iyo militariga Iran.