Sidee ayay Iiraan uga jawaabi doontaa waqtiga kama dambeysta ah ee uu Trump u qabtay?

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweyne Donald Trump ayaa Iran u qabtay 48 saacadood oo kama dambays ah inay dib u furto marin biyoodka Hormuz, ka dib wuxuu sheegay in Maraykanku " baabi'in doono" xarumaha tamarta Iran.

Waqtiga nabadda, qiyaastii 20% shixnadaha saliidda iyo gaaska dabiiciga ah (LNG) ee adduunka ayaa mari jiray marinkaas, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah saadka tamarta adduunka.

Trump wuxuu ku qoray bartiisa Truth Social markay saacaddu ahayd 23:44 GMT ee 21-ka Maarso, taasoo la micno ah Iran waxay haysataa ilaa 23:44 GMT 23-ka Maarso (03:14 ee Tehran 24-ka Maarso), si ay uga soo baxdo dalabka madaxweynaha Mareykanka.

Waxa uu soo qoray: "Haddii Iran aysan si buuxda u furin, IYADOO HANJABAAD LA'AAN, marin biyoodka Hormuz, 48 HOURS gudahood waqtigan saxda ah, Maraykanku wuxuu si weyn u garaaci doonaa oo baabi'in doonaa xarumaha kala duwan ee tamarta!"

Ilaa hadda, Iran waxa ay sheegtay in hanjabaadda Mareykanka ay kaga jawaabi doonto weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta ee xiriirka la leh Mareykanka ee Khaliijka. Waxa ay sidoo kale sheegtay in maraakiibta ku sugan marin biyoodka Hormuz ee aan ku xirnayn "cadowga" ay marin ammaan ah heli doonaan haddii ay la shaqeeyaan Iran.

Iraaniyiinta aan la xiriirnay ee ku sugan gudaha dalka kama aysan yaabin weerarrada ka socda Khaliijka, iyo cunaqabataynta Iran ee maraakiibta.

Nin weli rajo ka qaba in la rido xukuumadda Iran ayaa yiri "kaarkee kale oo ay ciyaaraan?"

Qaadista go'doominta waxtarka leh ee marin biyoodka Hormuz waxay la macno tahay in Iran ay ka tanaasusho awooddeeda ugu weyn ee dagaalkan.

Dhanka kale, goor dhoweyd xubin ka tirsan baarlamaanka Iran oo lagu magacaabo Alaeddin Boroujrrdi ayaa maanta TV-ga qaranka dalkaas ka sheegay in Iiraan ay qaar ka mid ah maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz ka qaadayso "$2 (£1.5) milyan oo dollar".

Waxa uu sheegay in "maamul cusub" lagu soo rogayo marin biyoodka "dagaalkuna kharsh ayaa ku baxay", isaga oo intaa ku daray in tani ay muujinayso "maamulka iyo xaqa ay leedahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran".

BBC ma aysan awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso sheegashada khasaaraha uu sheegay xildhibaanka Iran.

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba, haddii Donald Trump uu ka dhabeeyo hanjabaaddiisa ah in uu weerarayo xarumaha korontada, waxay cawaaqib xun ku yeelan doontaa Iran.

Laakiin, tobnaan sano, dawladda Iran waxay muujisay inay diyaar u tahay inay joogteyso burburka heerka sare ah ee dhaqaalaheeda iyo dhibaatada dadkeeda, si taliska iyo "qiyamkeeda kacaanka" ay u badbaadaan.

Waxay la kulantay cunaqabatayn reer galbeedka ah iyo hawlgallo bahalnimo ah, sida la arkay horraantii sanadkan. Kumannaan qof ayaa lagu dilay dibadbaxyo dalka oo dhan ka dhacay bishii Janaayo.

Toddobaadkan ayay dawladdu fulisay daldalaaddii ugu horraysay ee la xiriirta mudaaharaadyada, iyadoo dil ku fulisay saddex nin oo lagu eedeeyay inay dileen askar boolis ah.

Raggan ayaa qirtay jirdil loo geystay, lamana soo bandhigin maxkamad caddaalad ah, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabaas Arakchi ayaa ku andacoodey in dalalka ay la xiriireen Iran si ay xal ugu helaan marinak Hormuz. Cumaan ayaa ahayd dalka ugu afka dheer ee dhanka diblomaasiyadda.

Waxaa jira khatar badan oo ku wajahan waddamada Khaliijka, kuwaas oo dhaqaalahooda uu ku dhisan yahay tamarta iyodalxiiska.

Haddana waxa ay Iran u arkaan in ay khatar weyn ku tahay hab-nololeedkooda, iyo sida ay u doortaan in ay ka jawaabaan waxa ay saamayn weyn ku yeelan doontaa sida uu dagaalkani u dhaco.

Muhiimadda Marinka Hormuz

Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xog ka timid shirkadda falanqeysa arrimaha maraakiibta ee Vortexa ayaa muujisay in celcelis ahaan in ka badan 20 milyan oo foosto maalintii oo saliid ceeriin ah, dareere khafiif ah oo laga soo saaro gaaska dabiiciga ah (condenastes), iyo shidaallo ay sannadkii hore mareen Marinka Hormuz.

Tani waxay ka dhigan tahay ku dhowaad 600 bilyan oo doollar sanadkii oo ganacsi tamar ah ay maraan baddaan.

Iiraan, oo ay la socdaan saaxiibadeeda OPEC sida Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Kuwayt iyo Ciraaq, waxay ku tiirsan yihiin marinkan si ay u dhoofiyaan inta badan wax-soo-saarkooda saliidda, gaar ahaan suuqyada Aasiya.

Carqalad kasta oo ku timaadda jidkan badeed waxa ay sidoo kale keeni doontaa hakad muuqda oo ku yimaadda dariiqa sahayda saliidda adduunka, iyo saameyn degdeg ah oo ku timaadda qiimaha.

Marinka Hormuz oo ballaciisa meesha ugu dhuuban ay dhan tahay 40 Km gees-ka-gees, waa waddada qura ee dunida ku xirta shidaalka ka yimaada dalalka kulaala Gacanka Persia, dhiilladan la xiriirta xiritaankiisana waxaa durbadiiba laga dareemay suuqyada dunida oo walaac uu soo food saaray.

"Hormuuz wuxuu ka mid yahay shan marin oo baddu ka siriqsan tahay, kuwaas oo kala ah Hurmuz, Suez, Baab ul Mandab, Malaika iyo Panama canal. Marka shantaas marin la eegana Hormuz kan ugu saxmadda badan. Waxaana maalintii mara 17 bilyan oo barmiil oo shidaal ah. Shidaalkaas wuxuu ka kala yimaadaa dalalka kala ah Iran, Ciraaq, Kuweyd, Baxrayn, Qadar iyo qayb ahaan Sacuudi Careebiya iyo Imaraadka Carabta. Tusaale ahaan Sacuudiga oo maalintii dhoofiyta 10 milyan oo barmiil maalintii, 7 milyan oo ka mid ah wuxuu ka dhoofiya dhinaca Hormuuz. Waxaana la oran karaa Hormuz waa halbowlaha shidaalka dunida". Ayuu yiri Axmed Maxamed Mooge oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa shidaalka dunida.