Caqabadaha siyaasadeed ee Netanyahu ku wajahayo gudaha Israa'iil

.

Xigashada Sawirka, EPA

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Waxaa jiray dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen militariga Israa'iil iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda si ay dagaalka Iran u muujiyaan mid wax ka beddelaya Bariga Dhexe, inkastoo Israa'iil aysan weli gaarin hadafkeedii ahaa isbeddelka nidaamka Iran.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa tobanaan sano ku qaatay isu diyaarinta iska horimaadkan uu la galo Iran, waxaana xirfaddiisa siyaasadeed ay ku dhisneyd ballanqaad ah inuu Israa'iil ka difaaci doono cadowgeeda Iran.

Ka dib markii uu bilaabay dagaal toos ah oo ka dhan ah taliska Iran oo ay weheliyaan Maraykanka, hadalada Netanyahu ee ku saabsan dagaalka ayaa ahaa kuwo ka yar kuwa afka ah, isaga oo ku tilmaamay weerarrada "olole jiritaankeena."

Taliyaha ciidamada Israa'iil ayaa ku tilmaamay weerarrada "hawlgal lagu sugayo mustaqbalka nolosha dhulka awoowyaasheen ee jiilasha soo socda".

Mid ka mid ah lataliyeyaashii hore ee amniga qaranka Netanyahu ayaa sheegay in tani ay tahay "fursad gaar ah oo lagu beddelayo habka Bariga Dhexe."

.

Xigashada Sawirka, GPO

Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu

"Tani waa gebogebadii waxa Netanyahu uu isku dayey in uu dib u bilaabo 'Dagaalkii Xoreynta', kaas oo aragtidiisa ay bilaabatay Oktoobar 7, 2023. Kani waa haddii uusan ahayn dagaalkii ugu dambeeyay, ka dibna dagaalka ugu weyn ee ka dhanka ah Iran," ayuu yiri Neri Zilber, oo ah wariye ku sugan Tel Aviv.

Isbeddelka nidaamka Iran waxa uu gacan ka geysanayaa in la burburiyo cadawga Israa'iil ee gobolka (sida Hezbollah ee Lubnaan ama Xamaas ee Qasa) maaddaama ay ka waayi doonaan dhaqaalaha, tababarka iyo hubka Iran, taas oo wax ka bedeli karta ammaanka Israa'ii.

Laakiin ka dib markii uu ku dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay Iran, Ayatullah Ali Khamenei, duqeyn xagga cirka ah, oo uu marar badan ugu baaqay muwaadiniinta Iran in ay fursaddan u adeegsadaan kacdoonka ka dhanka ah dalkooda, waxaa laga yaabaa in isbeddel buuxa uu ku sameeyo Iran.

.

Xigashada Sawirka, WANA/via Reuters

Qaar ka mid ah dadka Israa'iil ayaa dalkooda ka codsaday in uu joojiyo dagaalka, xilli uu sare u kacay qiimaha shidaalka.

Dagaalkii ay Israa'iil la gashay Iran sanadkii hore, ra'iisul wasaaraha Israa'iil wuxuu ku dhawaaqay "guul taariikhi ah" oo sii jiri doonta qarniyo badan, wuxuuna meesha ka saaray laba khatarood oo aasaasi ah, kuwaas oo kala ahaa hubka nukliyeerka iyo gantaalladeeda riddada dheer.

Siddeed bilood ka dib, Israa'iil waxay ku soo laabatay dagaalka, ayuu yiri Netanyahu, isagoo ku andacoonaya in Iran ay si degdeg ah u dhiseyso barnaamijkeeda gantaallada, ayna qorsheynayso horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka, oo dhulka hoostiisa ah.

Ma dhici doonaa dagaal kale?

Caqabadda Netanyahu uu hadda wajahayo ayaa ah in iyada oo aan isbeddel nidaam laga sameyn Tehraan, intee ayay noqon doontaa kahor weerar kale?

Ilo-wareedyo milateri ayaa sheegaya in khasaaraha soo gaaray barnaamijka hubka Iran uu xilligan ka badan yahay sidii hore, iyadoo la weeraray xarumaha lagu sameeyo hubka iyo xarumaha taliska ciidamada, iyo sidoo kale xarumaha gantaallada.

Maj. Gen. Yaakov Amidror, oo hore u ahaan jiray la taliyihii amniga qaranka Israa'iil, isla markaana ka tirsan mac-hadka Istaraatijiyadda iyo Ammaanka ee Jerusalem, ayaa ku doodaya in xitaa haddii aanay dadka Iiraaniyiinta ahi waddooyinka usoo bixin, ay Israa'iil ku gaari karto yoolkeeda koowaad iyada oo talisku aad u daciifo.

"Haddii aan gaari karno isbeddel maamul, taasi waxay beddeli lahayd Bariga Dhexe. Laakiin waxaan ognahay xadkeenna, ma nihin quwad sare oo adduunka ah, waana inaan u fiirsannaa go'aamadeenna," ayuu yiri.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Weriyaha arrimaha difaaca ee mid ka mid ah wargeysyada loogu akhriska badan yahay Israa'iil, Yedioth Ahronoth, ayaa sheegaya in ilo-wareedyo milatari oo aan la garanayn ay soo tebinayaan calaamadaha xiisadda ka dhex aloosan dhismaha ammaanka Iran, "oo ay ku jiraan xiisadaha gudaha ee Ilaalada Kacaanka."

Netanyahu ayaa soo jeediyay in Israa'iil ay hadda sugto cadaadiska gudaha Iran si ay u qaadato jidkeeda.

Falanqeeyaha Neri Zilber wuxuu aaminsan yahay in halista Netanyahu ay tahay in ku dhawaaqistiisa weyn ee "guusha guud" ee ka dhanka ah Iran ay tahay keliya faan.

"Xamas waxay wali gacanta ku haysaa kala bar Gaza, Hezbollah waxay hadda qaadaysaa dagaal gardarro ah oo ka badan intii la filayay xitaa ka dib xabbad-joojintii 2024, ka dib weerarradii bishii June ee la soo dhaafay ee Iran, Israa'iil iyo Maraykanka ayaa mar kale ku soo laabtay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Tehran," ayuu yiri.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Dagaallada soo noqnoqda

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Iskahorimaadyada joogtada ah ee Israa'iil ay kula jirto Xamaas iyo Hezbollah ee xudduudaheeda ayaa ah calaamad cad oo muujineysa awoodda militari ee Israa'iil, xitaa ka dib markii isbedel weyn lagu sameeyay istiraatiijiyadda difaaca Israaiil kadib weerarradii Xamaas ee Oktoobar 7, 2023.

Taariikh ahaan, in dagaal la bilaabo waa ka fududayd in la dhammeeyo.

Israa'iil ayaa hadda ka dagaallanta dhanka kale ee Hezbollah ee Lubnaan, ka dib markii kooxda ay Iran taageerto ay ka jawaabeen dhimashada Khamenei iyagoo garab siinaya Iran.

Ka dib tobnaan sano oo dagaal joogto ah ay kula jireen Xisbullah, iyo olole ba'an oo lagu ciribtirayay 2024-kii oo kooxda ku reebay xaalad daciifnimo ah, dad badan oo Israa'iil ah ayaa arrintan u arka fursad ay ku baabi'in karaan khatarta ka jirta xudduudkeeda waqooyi.

Ciidamada Israa'iil ayaa sii wada in ay gudaha u galaan koonfurta Lubnaan, waxa ay ku andacoonayaan in uu yahay, howlgal difaac ah.

Laakiin madaxa guud ee ciidamada, Lieutenant General Eyal Zamir, ayaa shaaca ka qaaday in hadafkiisu yahay inuu hubka ka dhigo Xisbullah."

"Tani waxay qaadan doontaa waqti aad u dheer," ayuu yiri, isagoo sharraxaya wuxuu leeyahay "kuwani waa dagaalladii jiilkeenna, dagaallo muhiim ah, dagaallo go'aan qaadasho ah oo go'aamin doona mustaqbalkeenna iyo ammaankeenna sanadaha soo socda."

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Su'aasha ugu weyn ayaa ah in Israa'iil ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah, xitaa haddii Washington ay go'aansato inay soo afjarto dagaalka ay kula jirto Iran.

Kadib in ka badan labo sano oo iskahorimaadyo goos goos ah, ra'yiga dadweynaha ee Israa'iil ayaa si xooggan u taageersan dagaalkan gobolka.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu waqtigan u isticmaalo dib u hagaajinta dhaxalkiisa siyaasadeed, waa doorashada la filayo inay dhacdo dabayaaqada sanadkan.