Saaxiibbada Maraykanka oo welwelsan: "Trump ma hayo xal degdeg ah ama fudud oo ku saabsan colaada Iiraan''

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intii uu xilka madaxweynenimo hayay muddo labo jeer ah, Donald Trump marnaba kama baqin inuu dhaleeceeyo ama dhanka afka uu weerar ugu qaado saaxiibbada Washington ee NATO.
Laakiin hadalkiisii ugu dambeeyay ee ahaa in haddii aan la xaqiijin marin-biyoodka Hormuz uu noqon doono mid "aad ugu xun mustaqbalka NATO" wuxuu muujinayaa fahamka ujeedka iyo hawsha isbahaysiga oo dad badan hore uga yaabiyay.
"NATO waxaa loo aasaasay sida isbahaysi difaac," ayuu yiri Janaraal Nick Carter, oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidamada Difaaca Britain, waxa uu la hadlay BBC.
"Isbahaysigan looma aasaasin in hal xubin ay ku gasho dagaal dookh ah ka dibna qasabto kuwa kale inay raacaan," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray, "Ma u maleynayo in NATO ay tahay isbahaysi aan midkeen doonayn inuu ka mid noqdo."
Hadalladan waxay ka yimaadeen madaxweyne, labo bilood ka hor si adag u dhaliilayay Greenland, oo ah dhul madax-bannaan oo xubin ka ah NATO, hadalladiisana cusubna way is khilaafayaan.
Tani waxay sharraxaysaa sababta qaar ka mid ah jawaabaha ku saabsan hadalladiisa ay u ahaayeen kuwo toos ah oo adag.
Jarmalka, afhayeenka dowladda ayaa sheegay in dagaal lala galo Iiraan "aysan qayb ku lahayn NATO," halka Wasiirka Difaaca Boris Pistorius uu isaga oo ka faalloonaya sheegay inuu u maleynayo in ciidamada badda ee Yurub aysan wax saameyn ah ku yeelan karin.
"Muxuu Trump ka filayaa dhowr markab oo Yurub ah wax ay awoodi waayeen Ciidamada Badda ee Maraykanka?" ayuu yiri, isagoo intaa ku daray, "Dagaalkani ma ahan keena mana aynu bilaabin"
Laakiin dhammaan kuwani ma qarin xaqiiqda ah in hadda loo baahan yahay xal degdeg ah oo sii kordha oo ku saabsan dhibaatada Khaliijka. Xannibaadda dhabta ah ee Iiraan ee Marin-biyoodka Hormuz, marka laga reebo tiro kooban oo maraakiibta qaada saliidda Iiraan ee u socota saaxiibada sida Hindiya iyo Shiinaha uu ku qasbay dowladaha Galbeedka inay si degdeg ah u raadiyaan xal.
Dhibaatadan waxaa laga yaabaa inay ka bilaabatay go'aankii Donald Trump ee ahaa inuu dagaal galo, laakiin waa in sida ugu dhakhsaha badan u xalliyo ka hor inta aanay saameyntiisu sii xumaan dhaqaale ahaan caalamka.
Laakiin hadda waa cadahay in aanay jirin xal degdeg ah oo fudud oo dhibaatadan lagu xallin karo.
Ra'iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa ka sheegay shir jaraa'id in wadahadallo ay u socdaan Maraykanka, Yurub iyo dalalka Khaliijka si loo sameeyo "qorshe la fulin karo" laakiin "go'aan kama gaarin."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul Wasaaraha Britain wuxuu xusay nidaamyada otomaatiga ah ee lagu ogaado miinooyinka badda hadda lagu rakibay gobolka.
Markii markabka HMS Middleton uu ku noqday Portsmouth si dayactir weyn loogu sameeyo, ma jiro markab miinooyinka Britain ah oo gobolka ku sugan markii ugu horreysay tobanaan sano.
Taas beddelkeeda, Ciidamada Badda Boqortooyada ayaa la filayaa inay isticmaalaan (drone) cusub oo badeed oo loogu talagalay in lagu ogaado oo lagu baabi'iyo miinooyinka iyada oo aan nolosha shaqaalaha khatar la gelin.
Laakiin mid ka mid ah caqabadaha Donald Trump haysata waa in nadiifinta miinooyinka, oo mar ahayd hawl aasaasi ah oo ku jirtay qorshaha ciidamo badeed kasta, aysan mudnaanta koowaad u lahayn sannado badan.
Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda Boqortooyada Tom Sharp ayaa sheegay in tiknoolajiyadii ugu dambeysay ee Britain aan weli lagu tijaabin goobta dagaalka.
"Waxaa laga yaabaa inay dhowr toddobaad gudahood caddeyso haddii tiknoolajiyadani dhab ahaan waxtar leedahay ama aysan lahayn," ayuu BBC u sheegay.
Janaraal Carter ayaa sheegay markii ugu dambeysay ee dalalka Galbeedka ay sameeyeen hawl ballaaran oo nadiifinta miinooyinka badda ah ay ahayd 1991, markii Ciraaq ay ka dhigtay biyaha agagaarka Kuwait si looga hortago hawlgallada badda ee dagaalkii koowaad ee Khaliijka.
"Waxay nagu qaadatay 51 maalmood inaan ka saaro miinooyinka," ayuu BBC u sheegay.
"Ma jiraan ciidamo badda oo looga maalgaliyay dhinacan sidii loogu baahnaa, gaar ahaan Maraykanka," ayuu intaa ku daray.
Ciidamada badda Maraykanka qaybta miinooyinka ayaa samayn jiray alwaax looga hortago hawlgelinta miinooyinka magnadka.
Dhibaatadu ma aha oo kali ah miinooyinka. IRGC sidoo kale waxay awood u leedahay inay carqaladeyso maraakiibta iyada oo adeegsanaysa doomo xawaare leh oo hubeysan, drone badeed "is-qarxiya," iyo gantaallo xeebeed.
Sawirro cusub oo ay sii daysay wakaaladda wararka Fars ee Iiraan ayaa muujinaya tiro badan oo doomo iyo drone's ah oo lagu keydiyay godod-marin hoosaadyo, taas oo tilmaamaysa in Iiraan muddo dheer ay diyaar u ahayd dhacdadan.
Donald Trump ayaa sheegay in ilaalinta marin-biyoodka Hormuz, oo uu xalay ku tilmaamay "arrin aad u yar," ay u baahan karto weerar lagu qaado xeebta Iiraan.
Wuxuu sheegay inuu raadinayo dad "ka saari kara qaar ka mid ah dadka xunxun ee xeebaha ku sugan."
Maraykanku horay ayuu u beegsaday maraakiibta miinooyinka ee dekedaha Iiraan, laakiin uma muuqato in saaxiibada Washington ay diyaar u yihiin inay ku celceliyaan ficilkaas, gaar ahaan haddii ay ku lug leedahay ciidamo dhulka ah.
Xaalad khatar badan leh, ma aha wax lala yaabo in dalalka ay ka baqayaan inay galaan dhibaatadan oo ay u arkaan dhimista xiisadda sida habka ugu sugan ee furitaanka Marin-biyoodka Hormuz, sida dowladda Britaina ay sidoo kale ku baaqday.
Laakiin iyadoo ay saraakiisha Mareykanka iyo Israa'iil ka hadlayaan hawlgal socon kara toddobaadyo dheeraad ah, doorasho noocaas ah uma muuqato mid macquul ah wakhti gaaban.
Intaa ka dib, su'aashu waxay noqoneysaa: ma lagu qancinayaa saaxiibada inay maraakiib u diraan ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee marinka-biyaha muhiimka ah?
Wasiirka Difaaca Jarmalka Boris Pistorius ayaa sheegay in dalkiisu "aysan kaga qeyb qaadan doonin ciidamadiisa ilaalinta Marin-biyoodka Hormuz."
Hogaamiyaha siyaasadda dibedda ee Midowga Yurub, Kaia Kalas, ayaa sheegay in dib-u-eegista hawlgalkii Aspides ay tahay "habka ugu dhaqsiyaha badan" ee Midowga Yurub ku xoojin karo amniga gacanka Faaris.
Hawlgalkan waxaa la bilaabay 2024 si looga hortago khataraha ay abuuraan ciidamada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ee Yemen ee ku wajahan maraakiibta.
Hawlgalkan waa mid xadidan, hadda oo ay ku jiraan saddex markab oo dagaal kaliya, mana muuqato in xubnaha midowga Yurub ay xiisaynayaan in la balaariyo. Wasiirada arrimaha dibadda ee Spain iyo Talyaaniga labaduba waxay muujiyeen shaki ku saabsan arrintaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Jarmalka Johann Wadful ayaa sheegay in dowladdiisu ay rabto inay dhagaysato Israel iyo Maraykanka "markay aaminsan yihiin inay gaareen yoolalkooda milateri ee Iiraan" ka hor inta aan la tixgelin habab cusub oo amni.
Saaxiibbada ugu waaweyn ee Yurub, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa laga yaabaa inuu u diyaar garoobay ka-qaybgalka, isagoo toddobaad ka hor sheegay inuu isku dayayo inuu sameeyo isbahaysi si loo ilaaliyo maraakiibta oo loo hubiyo marin xor ah.
Laakiin wuxuu adkeeyay in tallaabadan ay suurtagal noqon karto kaliya marka khilaafka uu dhammaado, dhowr maalmood ka dib, Wasiirka Difaaca Faransiiska Catherine Vautrin ayaa ku dhawaaqday in aan qorshe degdeg ah loo haynin in maraakiib loo diro Marin-biyoodka Hormuz.
Tom Sharp, oo ahaa taliyihii hore ee Ciidamada Badda Britain, ayaa sheegay in hawlgal suurtagal ah oo maraakiib lagu ilaaliyo uu kasii murugsan yahay hawlgalka Aspides sababtoo ah khataraha waxay ka imanayaan saddex jiho: cirka, dusha biyaha, iyo biyaha hoostooda.
Wuxuu yiri: "Ka duwan Xuutiyiinta, oo khatartoodu ay kaliya ka imaanayso cirka, Iiraan waxaa jira saddex nooc oo khatar ah, waxaana dadaal lagu sameynayaa in khatarahaan la baabi'iyo ka hor inta aan la toogan. Laakiin tani mar walba suurtagal ma aha."
Hadda, saaxiibada Donald Trump ee la yaabay waxay si shaki leh u eegayaan "faragelinta Iiraan"; way fahamsan yihiin inaysan fadhiisan karin.
Keir Starmer ayaa sheegay in xal la raadsho "iyada oo ay ka qayb-qaadanayaan sida ugu badan ee suurtogalka ah ee bahwadaagta," laakiin wuxuu adkeeyay in ciidamadiisa ay u baahan yihiin dammaanad muhiim ah ka hor inta aan loo dirin hawlgal khatar leh.
"Iyada oo lagu saleynayo qaab sharci iyo qorshe si taxaddar leh loo sameeyay loona horumariyay," ayuu Mr. Starmer yiri.
Hadda ma jiro qorshe noocaas ah.













