Cali Larijani: Xirfad siyaasadeed oo udub-dhexaad u ah xukuumadda Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Israa'iil ayaa sheegtay in madaxii amniga ee ugu muhiimsanaa Iiraan Cali Larijani lagu dilay duqeyn.
Wasiirka Difaaca Israa'iil Israa'iil Katz ayaa sheegay in Cali Larijani uu dhintay.
War qoraal ah oo uu soo saaray, ayuu Katz ku sheegay in goor dhoweyd la ogeysiiyay geerida sarkaalkan.
Warbaahinta Israa'iil ayaa sidoo kale sheegaysa in Cali Larijaani iyo wiilkiisa lagu weeraray guri ay ku dhuumanayeen. Wasiirka Difaaca Israa'iil, Israel Katz, ayaa sheegay in Larijaani "la khaarijiyay," isaga iyo Ra'iisul Wasaaruhuna ay ciidanka ku amreen inay "sii wadaan ugaarsiga" hoggaanka Iran.
Waxa uu Larijani ahaa dhexdhexaadiyihii barnaamijka nukliyeerka Iran, saaxiib dhowna la ahaa Hoggaamiyihii Sare ee geeriyooday Aayatullaahi Cali Khamenei, kaas oo la dilay maalintii koowaad ee dagaalka. Ilaa hadda ma jiro wax xaqiijin ah oo ku saabsan geeridiisa oo ka timid dhanka Iran.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Cali Larijaani sawirkii ugu dambeeyay ee fagaare lagu arko waxa uu ahaa socodkii Maalinta Quds ee Teheran 13-kii Maarso, sida lagu sheegay bartiisa X oo lagu soo bandhigay isagoo dhex taagan waddada oo u ruxaya gacanta, lana hadlayay taageerayaashiisa.
Maalin ka hor, waxa uu baraha bulshada ku maadsaday Madaxweyne Trump, isagoo ku qoray barta X: "Trump wuxuu leeyahay wuxuu raadinayaa guul degdeg ah. Iyadoo bilaabista dagaalku ay fudud tahay, laguma guuleysan karo dhowr qoraal oo barta tweet-ka ah." "Ma huri doonno ilaa aan kaa dhigno mid ka qoomameeya xisaab-xumadan weyn."
Qoraal kale oo uu soo dhigay 10-kii Maarso, Larijaani wuxuu sheegay in Iran aysan ka baqayn "hanjabaadaha" Trump, isagoo raaciyay "xitaa kuwa kaa weyn ma aysan tirtiri karin qaranka Iran." "Iska jir, si aan adiga laguu khaarijin," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ciidamada difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay in Cali Larijani uu ahaa "mid ka mid ah ruug-caddaagii ugu sarreeyey ee hoggaanka taliska Iran" ka dib markii ay ku dhawaaqeen in madaxii amniga Iran lagu dilay weerar.
Kadib markii la dilay hoggaamiyihii sare ee dalka Ayatullah Ali Khamenei, IDF waxa ay sheegtay in Larijani "uu u shaqeeyay sidii hoggaamiyaha taliska Iran" uuna hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah Israa'iil iyo waddamada dariska ah.
Milateriga Israa'iil ayaa sidoo kale Larijani la xiriirinaya olole ka dhan ah dibad-baxayaasha ka soo horjeeda aasaaska Iran, isagoo soo jeediyay "inuu horumariyo tillaabooyin dhaqangelin ah oo rabshado wata iyo hawlgallada cadaadiska".
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil, Gideon Saar, ayaa sheegay in "Iiraaniyiintu ay nabad qabaan" iyadoo ay ka maqan yihiin sarkaal sare oo dhanka ammaanka ah Cali Larijani iyo taliyaha Basij Gholamreza Soleimani, ka dib markii milatariga Israa'iil uu sheegay in ay labadoodaba ku dileen duqaymo.
Isaga oo ka hadlaya magaalada Qudus, Saar waxa uu sheegay in Israa'iil ay wiiqayso "habka cadaadiska ee Iran". Waxa uu intaa ku daray in xukunka ay ridi karaan dadka reer Iran oo kaliya balse taasi aan la yeeli karin haddii aan la helin kaalmo dibadeed.
Hadallo dhinacyo badan taabanaya, ayuu Saar sidoo kale = sheegay in xannibaadda wax ku oolka ah ee Iran ee marin biyoodka Hormuz ay tahay "dhibaato caalami ah" ka dib baaqii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee dalalka kale si ay gacan uga geystaan xasilinta marinka maraakiibta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sawir ay daabaceen wakaaladaha wararka Iran iyo akoonnada Cali Larijani ee Telegram-ka iyo X, ayaa lagu arki karaa farriin gacanta lagu qoray oo aan ku lifaaqneyn shaabadda waqtiga iyo taariikhda, laakiin warbaahinta dowladda ee dalkaasi ayaa baahiyay inay maanta tahay.
Dhambaalku wuxuu ammaanayaa "dagaalyahannada" Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Badda ee Iran, maalinta xafladda aaska dadkii lagu dilay markabka dagaalka ee IRIS Dena horraantii bishan.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Iran ay isu diyaarinayso inay qabato munaasabado kale oo dawladeed maanta, oo ay ku jirto xaflad fiidkii dhacaysa oo lagu maamuusayo 84 badmaaxayaal ah oo lagu dilay weerar masiibo ah oo uu geystay markabka hoostiisa Mareykanka 4-tii Maarso.
Badmaaxiintan ayaa ka mid ahaa 130 qof oo loo malaynayo inay saarnaayeen markabka dagaalka ee Iran, IRIS Dena, markii uu ku degay meel qiyaastii 40km (25 mayl) u jirta xeebta koonfureed ee Sri Lanka.
Markabkan oo lagu magacaabo Iris Dena ayaa markii la weeraray ka soo laabtay dhoolatus ciidan oo ay soo diyaarisay Hindiya.
Sidoo kale farriinta ayuu Larijani kaga cawday garab istaag la'aanta ay waddamada Muslimiintu u muujiyeen Iran. "Ma jirto dawlad Islaami ah oo garab istaagtay shacabka Iran," ayuu ka cawday, "marka laga reebo xaalado naadir ah oo ku kooban mowqifyo siyaasadeed."
Luuqadda farriinta oo ku socotay Muslimiinta caalamka, ayaa muujinaysay in mas'uulkan sare ee amniga uu aaminsanaa in qaddiyadda Iran ay saamayn ku yeelan karto waddooyinka waddamada Muslimiinta, xitaa haddii ay xukuumadahoodu u dhabar-jeediyeen. "Dhinac waa Maraykanka iyo Israa'iil, dhinaca kalena waa Iran-ta Muslimka ah iyo xoogagga iska caabinta," ayuu qoray. "Dhinacee ayaad ka taagan tahay dagaalkan?"
Larijani wuxuu si gaar ah u quursaday waddamada Khaliijka ee martigeliyey ciidamada Maraykanka ama xiriirka la yeeshay Israa'iil. "Miyaa laga filayaa Iran inay iska fadhido iyadoo saldhigyada Maraykanka ee waddammadiinna loo isticmaalayo in lagu weeraro?"
Waa kuma Cali Larijani?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Magaca Cali Laarijaani iyo xubnaha kale ee qoyskiisa ayaa muddo dheer laga dhex maqlayay saaxada go'aan qaadashada taliska Iiraan, iyagoo soo qabtay xilal muhiim ah oo xasaasi ah. Laarijaani wuxuu ka dhashay qoys saameyn xooggan ku leh siyaasadda Iiraan, kuwaas oo warbaahinta Reer Galbeedku ay ku mataleen qoyska Kennedy-ga Mareykanka marka laga hadlayo mucaaradkii madaxweynihii hore Maxamuud Axmadinejaad.
Cali Laarijaani wuxuu qoraalka musharaxnimadiisa madaxtinimada gudbiyay saddex jeer. Markii u dambeysay waxay ahayd geeridii Madaxweyne Ibraahim Raisi ka dib kaas oo ku dhintay shil diyaarad helicopter ah sanadkii 2024, balse guddiga u xilsaaran dib u eegista musharaxiinta ayaa diiday codsigiisa. Laarijaani wuxuu soo noqday xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, waxaana la aaminsan yahay inuu ka mid yahay dadka go'aan qaadashada leh xilliga kala guurka ee ka dambeeya Hoggaamiyaha Sare Cali Khamenei.
Wargeyska New York Times ayaa daabacay warbixin maalmo ka hor bilowgii weerarada Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iiraan, isagoo sheegay in Hoggaamiyaha Sare ee Kacaanka Islaamiga ah, Cali Khamenei, uu Cali Laarijaani u xilsaaray maamulidda arrimaha dalka iyo hubinta badbaadadiisa haddii uu dagaal la galo Mareykanka. Sidoo kale, wargeyska Le Figaro ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa baahiyay in Laarijaani uu fashiliyay isku day gudaha ah oo la doonayay in xilka looga tuuro Khamenei, loogana saaro go'aannada muhiimka ah ee siyaasadda iyo amniga, xilligii ay bilowdeen dibadbaxyadii dadweyne ee dhowaan dhacay. Ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Iiraan oo ku saabsan waxyaabaha ay qoreen wargeysyada Mareykanka iyo Faransiiska. Laarijaani ayaa dhowaanahan lagu arkayay socdaallo iyo bayaanno muujinaya inuu ku lug leeyahay go'aanada la xiriira wadahadallada dhanka Mareykanka ee ku saabsan kobcinta yuraaniyamta.
Cali Laarijaani wuxuu sanadkii 1957 ku dhashay magaalada Najaf ee dalka Ciraaq, halkaas oo aabihiis uu u hijrooday horraantii 1930-yadii, wuxuuna qoyskiisa Iiraan dib ugu soo laabtay sanadkii 1961. Wuxuu bartay cilmiga xisaabta, isagoo shahaadada Master-ka iyo PhD-da ku qaatay falsafadda Reer Galbeedka kana baxay Jaamacadda Teheran. Aabbihiis, Mirsa Haashimi Amoli, waa aqoonyahán diimeed oo ka tirsan madaariska magaalada Qom.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cali Laarijaani waxaa la dhashay afar walaalo ah, kuwaas oo dhammaantood xilal ka soo qabtay hay'adaha dowladda Iiraan:
Walaalkiis, Saadeq Laarijaani, waa madaxa Golaha Maslaxadda (waa gole la-talin oo sare), wuxuuna horay u soo noqday xubin ka tirsan Golaha Khubarrada iyo Golaha Ilaalada, ka dibna madaxa garsoorka. Wuxuu ka mid ahaa dadkii Mareykanku cunaqabataynta saaray 2019.
Walaalkiis, Maxamed Javad Laarijaani, wuxuu ahaa xoghayaha Golaha Xuquuqul Insaanka, haddana waa agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Sayniska; wuxuuna sidoo kale ahaa xildhibaan.
Walaalkiis, Dr. Baaqer Laarijaani, waxaa loo magacaabay madaxa Machadka Endocrinology iyo Dheefshiidka ee Jaamacadda Caafimaadka Teheran.
Walaalkiisa kale, Faadel Laarijaani, wuxuu ahaa madaxweynaha Jaamacadda Azad ee Iiraan iyo u qaybsanaha dhaqanka ee Iiraan ee Ottawa, Canada.
Cali Laarijaani wuxuu guursaday gabadha uu dhalay caalimka diimeed ee Morteza Motahhari, kaas oo aad ugu dhowaa Khumeyni. Cali Laarijaani wuxuu ku biiray Ilaalada Kacaanka Iiraan horraantii 1980-yadii ka dib markii uu muddo gaaban kormeere ka ahaa telefishinka rasmiga ah ee Iiraan, wuxuuna gaaray darajada ku-xigeenka madaxa taliska wadajirka ah. Laarijaani wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq (1980-1988). Tan iyo bilowgii 1990-yadii, xilligii Cali Khamenei, Laarijaani wuxuu u wareegay shaqada siyaasadda iyo dhaqanka, waxaana lagu bartay inuu ka tirsan yahay garabka muxaafidka. Sanadkii 1992, wuxuu noqday Wasiirka Dhaqanka iyo Hanuuninta Islaamka, isagoo beddelay madaxweynihii hore Maxamed Khatami. Sanadkii 1994-tii, waxaa loo magacaabay agaasimaha telefishinka rasmiga ah ee Iiraan, xilligaas oo uu door weyn ka qaatay u jiheynta warbaahinta dhanka faafinta afkaarta Islaamiga ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu mar kale u tartamay madaxweynenimada sannadkii 2021, balse Golaha Ilaalada ayaa diiday waraaqahiisa musharaxnimada. Waxaa dib loogu magacaabay Golaha Garashada Maslaxadda sannadkii 2022. Waraaqahiisa musharaxnimada madaxtinnimada ayaa markii labaad ay diideen Golaha Ilaalada sannadkii 2024. Bishii Agoosto 2025, waxaa loo magacaabay madaxa Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo wakiilka Hoggaamiyaha Sare ee golahaas dhexdiisa.
Bishii Juun 2025, Iiraan waxaa lagu qaaday duqeyn Mareykanka iyo Israa'iil ay u geysteen, waxaana billowday iska horimaad weerar is-dhaafsi ah oo maalmo socday oo u dhexeeyay dhinacyada Iiraan iyo Israa'iil. Saacadihii ugu horreeyay ee weerarka, Israa'iil waxay ku guuleysatay inay khaarajiso mas'uuliyiin sare oo dhanka amniga iyo siyaasadda ah, mas'uuliyiintuna waxay markii dambe qirteen in Madaxweyne Masoud Pezeshkian uu ka badbaaday isku day dil ka dib markii uu dhaawacmay.
Dhowr bilood ka dib iska horimaadkii milatari, mudaaharaadyo dadweyne ayaa ku baahay guud ahaan Iiraan, Ali Larijani wuxuu ku eedeeyay kooxaha "abaabulan ee burburka horseeda" inay ka faa'iideysanayaan dalabaadka dibadbaxayaasha ayna hurinayaan fowdo iyo rabshado. Laakiin horraantii bishii Febraayo, maamulka Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Cali Larijani, iyo shakhsiyaad kale, isagoo ku eedeeyay inuu isku dubariday cabburinta dibadbaxayaasha.
Bishii Febraayo 2026, Israa'iil iyo Mareykanka ayaa weerarro cusub ku qaaday Iiraan kuwaas oo sababay dilka tiro hoggaamiyeyaal ah, oo uu ugu horreeyo Khamenei, taas oo sii xoojisay hadallada kasoo baxayay Larijani, oo lagu yaqaanay go'aannada adag ee ku aaddan hubka nukliyeerka. Wuxuu sheegay in Tehraan aysan la xaajoon doonin Mareykanka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Iiraan ay u diyaarsan tahay dagaal waqti dheer qaata."













