Wargeyska The Independent: Xisaabta khaldan ee uu Trump isku dhufsaday ee dagaalka Iiraan oo kashifantay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixintaan waxa ay Dib-u-eegis ku sameeneysaa waxa ay waregeysyada caalamka qoreyn dagaalka Iiraan, waxaana qoraallada ka mid ah maqaal tifaftireed ka soo baxay wargeyska Ingiriiska ee The Independent oo ka hadlaya "Isku dhifashada khaldan ee Trump ee Iiraan," iyo maqaal uu qoray wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee la yiraahdo Le Monde oo ku saabsan "halista weerarrada Israa'iil ee Lubnaan,".
Khaladaadka Trump ee Iiraan
Wargeyska The Independent ayaa qoray maqaal uu kaga faalloonayo xaaladda Bariga dhexe iyo sida Trump xaalka ugu cakiran yahay, isaga oo ciwaan uga dhigay "Khaladaadka xisaabeed ee Donald Trump waa la kashifay."
Wargeysku wuxuu sheegayaa in laba toddobaad kadib bilowgii dagaalka Iiran ay iska caddahay in Trump xisaabta si khaldan iskugu dhifsaday. Sida muuqata, ma uusan tixgelin in duqeynta Iiraan ay sare u qaadi karto qiimaha shidaalka ee Maraykanka, inkastoo Maraykanku uu dhoofiyo shidaal, hadana waxaa intaas dheer, sida uu wargeysku qorayo in Trump lagu wargeliyey in Marinka Hormuz xirmi karo haddii uu dagaal qaado, balse uu iska indho tiray.
Waxaa sidoo kale maqaalka lagu sheegay, in Trump uusan tixgelin suurtagalnimada in arrintaan uu ka faa'iidi karo Ruushka, haddii uu qalalaase ku yimaadana sahayda shidaalka ay fursad u tahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, lagana yaabo inuu ka dabciyo cadaadisyada saaran, xilli culaysyada dhaqaale ee Ruushka ka saaran dagaalka Ukraine ay gaareen heer aad u culus.
14 maalmood kadib weerarradii lagu qaaday Iiraan, sababta keentay inuu tallaabadan milatari qaado madaxweynaha Maraykanka ayaa weli "mugdi ku jirta," sida uu sheegay wargeysku, waxaa kale oo uu dhaliilayaa isbedbeddelka Trump, maadaama uu hadda ku baaqayo in dalal kale ay soo diraan maraakiib dagaal, si ay dagaalka uga qeyb qaataan, isaga oo hore u sheegay in uusan u baahneyn wax taageero ah, dagaalkana uu ku filan yahay, waddamada qaarna sida Ingiriiska si toos ah ayuu uga dalbay in ay dagaalka soo galaan si guul looga gaaro.
"Haddii ay jiraan astaamo muujinaya in dowladda Iiraan ay ka shaqeeneyso in ay Nukliyeer sameeysato, shacabka Israa'iil markaas waxa ay xaq u lahaan lahaayeen in ay iska difaacaan khatartaas, saaxiibadooduna waxaa waajib ku ahaan lahayd inay caawiyaan. Laakiin caddeyn noocaas ah lama soo bandhigin, mana soo bandhigin dowladaha Israa'iil ama Maraykanka," ayuu qoray wargeyska.
Sababta ugu weyn ee Trump ku keentay in uu dagaalka galo waxa uu Wargeyska The Independent ku sheegay in ay suuragal tahay inuu aaminsan yahay inuu burburin karo Iiraan, wargeyskuna waxa uu shaki geliyey saameynta iyo waxtarka duqeymaha cirka ee lagu gaari karo ujeedadaas.
Wargeysku wuxuu aaminsan yahay in nidaamka Iiraan uu "ka adag yahay sidii Trump filayay." Waxa uu intaa ku daray, "waxa ay u muuqataa habkii loo dilay hogaamiyihii Iiraan Cali Khamaney ay sababtay uun waxii aan ka digeenay oo ahayd kaliya in ay keeni doonto in lagu beddelo nin ka adag oo da' ahaan ka yar aadna xagjir u ah".
The Independent waxa uu dul istaagay in Trump uu raadinayo kaliya aysan ahayn inuu guul ka gaaro dagaalka ee uu aaminsan yahay inuu dunida nabad ka keeni karo, uuna doonayo inuu noqdo mid taariikhda gala.
Wargeysku wuxuu intaa ku daray in tani ay tahay sharaxaadda keliya ee ka dhigaysa doorashooyinka Trump kuwo la fahmi karo, inkastoo khaladaad badan ay ku jiraan. Wuxuu rabaa inuu nabad ka dhaliyo Ukraine, isagoo aan ogayn in qancinta madaxweynaha Ruushka Putin ay sii dheeraynayso dagaalka. Wuxuu sidoo kale doonayaa nabadda Bariga Dhexe, halka Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu ku qanciyay in nidaamka Iiraan uu jilicsan yahay. Natiijaduna waxay noqotay in uu sii xoojiyo "dagaalka aan dhammaadka lahayn" ee gobolka oo uu Maraykanka sii dhex geliyo.
Casharrada laga baran karo Taariikhda Lubnaan

Xigashada Sawirka, AFP
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qeybtaan waa maqaal lagu qoray wargeyska Faransiiska laga leeyahay ee Le Monde, waana maqaal ay ku falanqeenayaan dagaalka Israa'iil ee Lubnaan, iyaga oo ciwaan uga dhigay "Arrimaha khatarta leh ee Israa'iil kaga imaanaya Lubnaan."
Wargeysku wuxuu ka faallooday duqeynta Israa'iil ee Lubnaan oo lagu sheegay inay jawaab u tahay taageerada Xisbullaah ee dagaalka socda Iiraan.
Wargeysku wuxuu qoray in Wasiirka Difaaca Israa'iil Yisrael Katz uu ku dhawaaqay 13-ka Maarso in dowladda Lubnaan ay bixin doonto qiimo culus haddii aysan si degdeg ah hub ka dhigis ugu sameeynin kooxda Xisbullaah.
Le Monde waxay u aragtaa hanjabaaddan mid aan lahayn aragti fog, waxa ayna ku sheegtay in la bilaabo hawlgal noocan, iyada oo dagaal lagu dilay in ka badan 700 Lubnaaniyiin ay tahay mid aan macquul ahayn. Taliyaha ciidanka Lubnaan Rodolphe Haykal ayaa diiday soo jeedintaas, isagoo ka digay khatar dagaal gudaha ah iyo dhaawac ku yimaada kalsoonida dowladda.
Wargeysku wuxuu xusay in kadib dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Lubnaan 1990, Hisbullah ay ahayd kooxda kaliya ee loo oggolaaday inay hubkeeda haysato, iyadoo ku dooday inay la dagaallamayso Israa'iil oo markaas qabsatay koonfurta Lubnaan.
Inkasta oo Israa'iil ay ka baxday koonfurta Lubnaan 2000, hadana Xisbullah hubka ma aysan dhigin. Saameynteeda ayaa si degdeg ah u hoos u dhacday kadib markii lagu eedeeyey dilkii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Lubnaan Rafik Hariri 2005 iyo dagaalkii xagaaga 2006 ee Israa'iil.
majalladda Le Monde waxay sheegtay, si kasta oo ay xisbullaah u daciif u tahay, kadib dagaallo badan oo ay Israa'iil la gashay, haddana hub ka dhigisteedu ay aad u adag tahay.
Wargeysku wuxuu aaminsan yahay in soo afjaridda xaaladda Xisbullah ee "dowlad ka dhex jirta dowlad" ay muhiim tahay, balse tan lagu gaari karo oo kaliya iyadoo la xoojinayo hay'adaha dowladda Lubnaan.
Le Monde waxay ugu baaqday Maraykanka inuu "ka barto casharrada taariikhda" oo uusan mar kale si buuxda ula safan Israa'iil arrimaha Lubnaan.













