"Inta go’doominta badeed ay jirto, khilaafaadku wuu sii jiri doonaa"-Safiirka Iiraan ee Pakistan
Reza Amiri Moghadam, safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u fadhiya Pakistan, ayaa sheegay in “inta go’doominta badeed ay sii socoto, khilaafaadka” u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka “ay sii socon doonaan.”
Amiri-Moghaddam ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku yiri: “Ma sii wadi kartaan jebinta sharciga caalamiga ah, ma xoojin kartaan go’doominta, ma hanjabi kartaan Iran dembiyo dagaal oo dheeraad ah, ma ku adkeysan kartaan dalabaad aan macquul ahayn, ma ku tartami kartaan hadallo aan loo baahnayn, isla markaana aad iska dhigaysaan inaad ‘diblomaasiyad’ waddaan.”
Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inuu wafdi u diray Islamabad si ay wadahadal ula yeeshaan Iran, balse Iran waxay sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin inay ka qayb gasho wareegga xiga ee wadahadallada.
Bayaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka lagu qaaday markabka Iran uu yahay “burcad-badeednimo ay sameeyeen ciidamada badda ee Mareykanka” isla markaana uu yahay jebinta xabbad-joojinta.















