Kamala Harris: Trump waxaa dagaalka “ku soo jiiday” Netanyahu

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka, Kamala Harris, ayaa sheegtay in Donald Trump “lagu jiiday” dagaal uu la galay Iran, taas oo ay ku eedeysay inuu ka dhashay dhiirrigelin ka timid Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Khudbad ay ka jeedisay munaasabad lacag ururin ah Sabtidii, ayay u sheegtay dhagaystayaasha: “Wuxuu galay dagaal, waxaana ku jiiday Netanyahu,” ayay tiri Harris. “Aan arrintan si cad u sheegno — wuxuu galay dagaal aysan rabin shacabka Mareykanka, isagoo halis gelinaya nolosha askarta Mareykanka.”
Ilaa haatan, Trump si toos ah uguma jawaabin Harris, balse wuxuu qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in Israa’iil ay tahay “xulafada weyn” ee Mareykanka.
Qoraalkiisa ayaa u dhignaa: “Haddii dadku jecel yihiin ama aysan jeclayn Israa’iil, waxay caddeysay inay tahay xulafada weyn ee Mareykanka. Waa dad geesiyaal ah, dhiirran, daacad ah, oo caqli badan, waxayna ka duwan yihiin kuwa kale ee muujiyay wajigooda dhabta ah xilliyada colaadda iyo xiisadda; Israa’iil si adag ayay u dagaallantaa waxayna taqaannaa sida loo guuleysto!”
Warar dheeraad ah:









