Maxaa ka jira in Somaliland ay saldhig siisay Israa'iil?

Somaliland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Warbixin uu wargeyska Maraykanka ee Bloomberg daabacay toddobaadkan ayaa lagu sheegay in Israel ay wada-hadallo la yeelatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland, kuwaas oo khuseeya iskaashi amni, si gaar ah in saldhig ay ka helaan gobolkaas, ay suurtagalnimada ka mid tahay.

Warbixinta ayaana sheegtay in goobta sida gaarka ah isha loogu hayaa ay tahay magaalo xeebeedda Berbera, qorshuhuna yahay in saldhiggaas ciidan lagaga hortago xoogagga Xuutiyiinta ee Yemen, sida oo Kalena lagala soconaya xaalka amni ee Badda Cas.

Haddaba BBC-da oo faahfaahin dheeraad iyo jiritaanka dhacadadan xaqiijinaysa ayaa waraysi gaar ah la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, kaas oo gebi ahaan ba meesha ka saaray qorshaha 'saldhigga' ee maalmihii u dambeeyey warbaahinta ku baahay.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland iyo Israel ay leeyihiin xidhiidh ku dhisan aqoonsi is-dhaafsi ah. Wuxuu yidhi "labada dal" si rasmi ah ayay isu aqoonsadeen 'midba midka kale', taas oo u oggolaanaysa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale, balse aysan ku jirin wax heshiisyo militari ah.

Markii la weydiiyay wararka sheegaya in Israel loo oggolaaday saldhig ciidan oo ku yaal Somaliland, wasiir Cabdiraxmaan ayaa si cad u beeniyay.

Wuxuu sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan saldhig militari, isla markaana hadallada mas'uuliyiinta warbaahinta qaar xigteen laga lumiyey macnahoodii dhabta ahaa.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Somaliland aysan gelin heshiisyo qarsoodi ah. Wuxuu sheegay in sheegashooyinka ku saabsan wada-hadallo qarsoon ay yihiin "borobagaando" lagu khalkhal gelinayo mowqifka Somaliland.

Somaliland

Xigashada Sawirka, Abdirahman Adam/X

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan

"Warbixinnadan sax ma aha… kuwa sheegaya in Xuutiyiinta halkan laga weerari doono iyo wax la midka ah faafinaya, waa kooxo cadow ku ah Somaliland."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan ayaa xukuma inta badan waqooyi-galbeed ee Yaman tan iyo markii ay ka saareen dowladda caalamku aqoonsan yahay gobolkaas ku dhowaad toban sano ka hor, taas oo dhalisay dagaal sokeeye oo aad u ba'an.

Bishii Janaayo ee sannadkii hore, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku daray Xuutiyiinta liiska "ururrada argagixisada caalamiga ah," sababo la xiriira weerarradooda ka dhanka ah maraakiibta ku sugan Badda Cas iyo in ay bartilmaameedsadaan Israa'iil.

Taariikhdu markii ay ahayd 16-kii Janaayo, hoggaamiyaha Xuutiyiinta Abdul-Malik al-Houthi ayaa ka digay in joogitaan kasta oo Israel ku yeelato Somaliland loo tixgelin doono bartilmaameed ciidan. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay dhaleeceyn ka timid Dawladda Federaalka Soomalaiya, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore ugu sheegay warbaahinta Al Jazeera wareysi uu siiyey bishii Febraayo in tallaabo noocaas ahi ay waxyeelayso madax-bannaanida Soomaaliya.

Yemen

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta Yemen

Dhanka xiisadaha gobolka, Somaliland ayuua ku sheegay 'in aysan qayb ka ahayn colaadaha ka socda gobolka, isla markaana aysan si gaar ah ugu nuglayn hanjabaadaha cid gaar ka imanaya.'

Waxaana Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland, uu BBC-da u sheegay in xidhiidhka Somaliland la leedahay Israel uu la mid yahay xidhiidhada ay dalal kale oo gobolka ka mid ahiba la leeyihiin Israel.

Wasiirka ayaana intaa ku daray 'in ka Somaliland ay u furan yihiin iskaashiyo dhaqaale, kuwo kale oo istaraatiiji ahba ay la yeeshaan Israel, balse hadda wax heshiis aanu hadda jiran, waddahadalladooda mustaqbalkauna noqon doonaan kuwo banyaal ah'

"Waxaan yeelan karnaa xidhiidh dhaqaale, waxaan yeelan karnaa xidhiidho kale oo istaraatiiji ah… marka waqtigu yimaado ayaan ka wada hadli doonnaa heshiisyada gaarka ah."

Israel ayaa Somaliland aqoonsatay dhammaadkii bishii December ee sanadkii hore. Aqoonsigaas oo muran badan iyo walaac ka dhaliyey gobolka xilli dawlado tiro ah ay dhalleeceeyeen. Soomaaliya ayaana xadgudub ku tilmaantay tallaabadaas.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibedda Israel ayaa isna tegay Somaliland.

Israel ayaa maalmihii u dambeeyey xaalad dagaal ku jirtay, xilli gobolka Bariga Dhexe ay iyaga Maraykanku oo isku dhinac ah weerarro kala dhexeeyaan Iran iyo kooxaha ay taageerto sida Xisbullaah.